Home » Maqaallo, Siyaasad »

Yaa Ah Ardeydii Ibnu Taymiyah? |C/waaxid

Yaa Ah Ardeydii Ibnu Taymiyah?

Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato.

Ash-Shabaab, Xisbul Islaam, Al-Ictisaam, Salafiyo Jadiidah, iyo xitaa Islaax markaad u tagto waxay afka ku hayaan kaddib Qur’aanka iyo Axaadiista nabiga (SCW) sheekh Axmed, Ibnu Taymiyah Allaha raalli ka noqdee . Waxaan raacraacay cidda kooxahaan ku taagan waddadii Ibnu Taymiyah.

Imaamku labo kooxood wuu la dagaali jiray af iyo addin key rabto ha ahaatee – cadowga dibadda sida gaalada iyo Tataarkii ama kuwii bidcooleyda ee muslimiinta sheegan jiray oo uu afka iyo qalinkaba kula dagaalay. Weligiis Ilaahay darti cidna ugama baqin. Cidna ma mooga dagaalkuu la galay Tataarka iyo mowqifkuu qaatay. Markuu la dagaalayey kuwa bidco ahaa oo sheegtay inay dabka ku dhex socon karaan iyagoon gubaneyn ayuu gaaray heer uu yiraahdo anna waan ku soconayaa haddaad ku dhex socotaan! Midkood usoo baxay inuu dabka ku dhex socdo buu yiri: istaag. Wuxuu sheekhu dalbaday in biyo la keeno oo loogu meyro ninkaas dabadeedna sheekhii ninkii ku yiri: gal dabka hadda oo na tus burhaantaada? Dabadeed ninkii waa iska cabaaday ileyn shoow wax aan dabku karin buu is mariyey isagoo iska dhigaya inuu yahay “weli” aan dabku karin. Ardadii sheekha oo ka yaabban sheekhooda baa ku soo jeesatay oo tiri: hadduu sheydaankaas dabka dhexgeli lahaa maxaad sameyn lahayd? Sheekhu wuxuu ku dhaartay inuu isna geli lahaa maxaa yeelay wuu ogaa haddii kaasi sheydaannimo iyo xeelad ku galo in isna Ilaah leeyahay!

Annagoo og waxay tataarku ku faleen muslimiinta laakiin xaaladda muslimiintu intaas oo jeer bay ka xuntahay waagii Tataarka. Ugu yaraan ma jirin gaalo xukunta xukaamta muslimiinta oo iyagaa berigaas halkaas is dhigay laakiin maanta gacanta waxba nooguma jiraan. Labadii cadow ee Ibnu Taymiyah la dagaalay waxaa labadiiba ku soo dhoweeyey Madaxtooyadii qaranka nin madaxweyne sheegtay! Labada cadow waa Bwakira, Amisom, Tigree iyo hay’ado sirdoon oo meel ah iyo Ehlu bidco iyo Ashahaado-la-dirir muslimiin sheegta! Hadda waxaa waddadii Ibnu Taymiyah ku taagan marka loo eego la-dagaalanka kooxahaas waa Ash-Shabaab iyo Xisbul Islaam.

Sidoo kale xukaamta muslimiintu way necbaayeen Ibnu Taymiyah oo intaas oo jeer bey xabsi dhigeen. Qolada ay xukaamta muslimiinta necebtahay waa dadka ku fekerka ah Shabaab iyo Xisbul Islaam. “Dowladdaan” Bwakira iyo Axmed Cabdalla soo dhisteen waxay qaabileen waxaan ka ahayn Shabaabka iyo Xisbul Islaam! Miyaadan u jeedin meesha wax ka jiraan? Marka kaliya oo Ibnu Taymiyaha u tagi jiray xukaamta muslimiinta waa markuu xaqa ka horcaddeynayey sida inay Jihaadka u soo baxaan.

Horta Ash-Shabaabka iyo Xisbul Islaam waa dabbakheen wixii Qur’aanka iy Sunaddu sheegtay. Sidoo kale waa ka faa’iideen imaamyada oo dhan oo uu ku jiro Axmed Binu Xambal (RC). Waxaa jira dad ka dhigtay Mad-habta Imaamu Axmed, Ibnu Taymiyah iyo Maxamed C/Wahaab Allaha kulligood u naxariistee teesare ay wax kaga cunaan Sacuudiga. Fiqi nabigu (SCW) si Makkah loo galo Cumradii Xudeybiya keenay bay si kale ducaaddani u isticmaaleysaa. Markii Nabiga (SCW) arkay Qureysh oo soo dirtay Ibnu Calqamah oo Kinaano ahaa buu saxaabadii (RC) ku yiri: waxay jecelyihiin budun (hadyigee) geela qallada oo Talbiyeysta dabadeedna markuu Ibnu Calqamah arkay inta SUBXAANALEYSTAY buu Qureysh ku yiri: ma dadkaas oo kalaa Guriga Ilaahay loo diidaa? Marka ducaaddaas kitaabbada imaamyadaas bey tusaan dadka Sacuudiga si loo dhaho Soomaaliya waxaa ka soo baxay dad heysta sunnadii salafka dabadeedna hela taageero dhaqaale. Halka la ogaa dhaxalka ay Imaamu Axmed iyo Ibnu Taymiha ka tageen.

Ash-Shabaab iyo Xisbul Islaam kama baqaan gaalada iyo kuwa gaalada u shaqeeya sidii Ibnu Taymiha (RC) u dhihi jiray maxay igu falayaan cadowgeygu/xukaamta? Hadday i dilaan waa shahaado. Hadday i ceyrshaan waa dalxiis. Hadday i xiriaanna waa khalwo aan Ilaahay ku xuso! Yaa liiska Maraykanka ku jira? As-Salifyo jadiida? Ictisaam? Islaax? Maxaa liiska loo gelinwaayey?

Gaaladii waxay biloowday dacaayad ah qofkii salafi sax ah waxay u yaqaannaan Wahaabi! Kitaabbada Maxamed Bin C/Wahaab kuma arag wax cusub oon looga horreyn. Maraykan iyo Ahlu-bicdo waxay allifeen kalmadan Wahaabiyo waxayna u adeegsadaan waxaan qunyar-socod ahayn! Gaalada xaggooda marka Soomaali laga hadlayo waxaan Ash-Shaab iyo Xisbul Islaam ahayn waa u qunyar-socod!

Shabaabka iyo X. Islaam maka saxsan yihiin Culimada

Mas’aladan waa ka baxsan tahay mowduuca laakiin waan ku karayaa. Horta caalim weyn ra’yi waa lagu khilaafi karaa. Sida siiradu sheegtay nabi Muxamed (SCW) baa ra’yiga goobta ciidanka lagu furay dagaalkii Badar lagu khilaafay. Sidoo kale dagaalkii Axzaab buu Ansaar u soo jeediyey inay timir ku dayaan Qadafaan laakiin Sacad Binu Mucaad (RC) waa diiday wuxuu yiri markay gaalada ahaynba timir baada maannu bixin jirin marka haddeer oon muslim nahay baad ma bixineyno ee waa waxay dagaal nooga helaan. Labada jeerba nabiga (SCW) waxaa la weydiiyey in arrintu Waxyi tahay wuxuuna yiri maya. Nabigu (SCW) ma xaqaanin. Marka caalimka ra’`iga waa lagu khilaafi karaa haddii dadka khilaafaya ay yaqaannaan waxay ka hadlayaan. Hadda dagaalka iyo dhagarta gaalada waxaa noogu badsha wiilashaas halgamaya.

Caalimku hadduu khaldamo waa la saxayaa. Imisa jeer baa nabi Suleymaan saxay aabbihiis nabi Daa’uud (CS)? Labadooda nabi Daa’uud baa weyn ileyn waxaaba sharaf ugu filan inuu barbaariyey nabi Suleymaan waana aragteen in Qur’aanku dhaho Aala-Daa’uud. Haddii Nabi Suleymaan saxay aabbihiis micnuhu maaha nabi Daa’uud waa laga kheyr badanyahay! Xitaa culumada qaarkeed waxay dhahaan markii nabi Suleymaan wax saxayey wuxuu ahaa kuray la ciyaarayey carruur kale! Marka sidii nabi Daa’uud loo saxay haddii qof caalim ah ama daaci ah la saxo micnuhu maahan caay. Maa nabi Suleymaan (CS) la dacaayadeeyo oo la dhaho: nabi Daa’uud oo Imaam diin iyo adduun ahaa baa la khilaafay? Teeda kale arrintii mushrikiintii Qureysh ee lagu soo qafaashay dagaalkii Badar waxaa taladii sawaabka ahayd helay Cumar (RC) isagoo ka helay Nabiga (SCW) & Abuu Bakar (RC). Saasooy tahay Nabiga (SCW) iyo Abuu Bakar way ka kheyr badan yihiin Cumar Binu Khidaab (RC).

Arrinta soo korortay waa ducaaddii ka khudbeynta jirtay Mu’tamarrada oo ku halqabsan jiray Ibnu Taymiyah oo godkoodii biyo ugu soo galeen. Galbeedka waxaa la soo galay kuleylihii waxaa jiraya Mu’tamarro badan. Su’aalaha la weydiin doono ducaadda waxaa ka mid ah: intaas Ibnu Taymiyah baad xustaan haddeerna waddankii waxaa dagaal ku haya labadii kooxood ee Ibnu Taymiyah la dagaalay ee muxuu yahay mowqifkiinnu? Ma inaad difaacdaan diinta, dalka iyo dadkaa? Mise inaad sheekha ka dhigataan galayrkii bidcooleydu dadka xoolaha uga cuni jireen? Suufiyada dadkii ay u khudbeyn jireen waxaa ka qaatay kooxdaas khudbadaha ka jeediya. “Caanihii ay Suufiyaashu heli jireenna rag baa dhiil u hoorsaday!” Hadda Suufiyadii baa sidii Ibnu Taymiyah hubka qaatay halka kuwii Salafiyada sheeganayey inta dadka ku dhahaan: Mowliidka nabiga (SCW) lama sameyn karo dabadeedna 24 saac ku jira ammaanta niman xukaam ah oo gaalada u shaqeeya!

Ilaahoow dad badan baa diintooda iyo Jihaadkii shaki laga gashee Ilaahoow xabbaddoodaas iska yar ee wiilashaas ridayaan ku halaag dabbaabadaha gaalada iyo gaalo-raacyada sidii dhagaxii wiilkii yaraa ee aad ugu dishay daabbadii dadka dariiqa ka xirtay qisadii Asxaabul Ukhduud. WALLAAHI haddii Muqaawamadu Ilaahay saarato talo-saarasho sax ah waxay arkayaan karaamooyin badan iyo iyagoo AK47 ku gubaya taangiga Amisom.

Culimada iyo ducaadda la iskama rabo in sidii Raahibkii qisadaasi sheegtay Soowmacad la iskaga cibaadeysto ee waxaa la rabaa sidii wiilkii yaraa ee arkay bahalkii dadka jidka ka xiray inta dhagaxa qaatay cilmi-baarista sameeyey. Hadda Shabaabka iyo X. Islaam markay culimada wax ka barteen ayey sidii wiilkaas yar waxay xabbad ku dhufteen Tigreegii iyo gaaladii naga hortaagnayd inaan diin isku xukunno. Marka wixii kheyr ah ee wiilashaas keenaan wey gaaraysaa culumadaas laakiin waa iney wiilasha kheyr u rajeeyaan ee aysan dacaayadayn. Sidii wiilkii yaraa u badbaadiyey magaaladii dhammeyd ayaa Insha Allaah labadan xisbi u badbaadinayaan Soomaaliya oo dhan. Bishaarada jirtaa waa iyadooy dhici karto in dad muslimiin ah xaqa ku shahiidaan laakiin diinta Islaamka cidi ma tirtiri karto marka labada xisbi iyagoo guuleystay bey dadka badbaadin doonaan Insha Allaah.

C/Waaxid C/hi Khaliif
Lonodn, UK
cabdulwaxid@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Yaa Ah Ardeydii Ibnu Taymiyah? |C/waaxid "

  1. vloret says:

    AQYAAR TA FAHANTEY QORAALKAN WAXAD I FAHAN SIISAAN “TATAARKA” MUXUU YAHEY WAN GARAN WAAYEY QORAALKA DHANBA MARKAAN WAXYAR MARAAYO WAAN ISKA JOOJIYEY WAXAN GARAN WAAYEY “TATAARKA” QOFKII YAQANOW IN TA KU SOO QOR MICNIHIISA MAHADSANID