Home » Saynis »

Tegiddii dayaxa iyo So..| A. M. Abtidon

Tegiddii dayaxa iyo Soomaaliya

Khudbadii ugu caansaneyd ee Obama oo uu ka mid ahaa halkudhegga “Yes we can” waxaa ka mid ahayd beyd ahaa “a President who chose the moon as our new frontier” Madaxweyne dayaxa xuduud ka dhigay oo uu ula jeeday sofiyeetka oo isbidayey in ay ku horeeyaan tartankii kala dhexeeyey mareykanka ee hawada sare iyo cirbixiyeenimada ka dib Madaxweyne John Kennedy ayaa go’aamiyey intaanu dhamaan lixdameeyada in dayaxa la tago “I believe that this nation should commit itself to achieving the goal, before this decade is out, of landing a man on the Moon and returning him safely to the Earth.”

Cirbixiyeenada kala ah Neil Armstrong, Buzz Aldrin iyo Micheal Collins ayaa dayax gacmeedkii Apollo 11 kaga duulay xarunta Cape Canaveral (Florida, USA) 16kii July 1969 13:32:00 GMT. Armstrong ayaa nasiib u helay in uu noqdo ninkii ugu horeeyey ee cagtiisa saara dayaxa waxaana caan baxay hadalkiisii ahaa “Waa tallaab yare ee ruux (qaaday), talaab weyn oo beni’aadan (qaaday), isagoo Aldrin-na ku xigay halka Collins uu qeybta dayax-gacmeedka ee loo yaqaano Culumbia uu hawada ku jiray taasoo ahayd 20 July,1969,20:17:40 GMT.

Idaacadaha dunida ayaa si weyn uga hadlayey, Radio Muqdisho ayaa sidoo kale ka diyaariyey barnaamijyo is dabajoog ahaa oo dhaliyey in ay dadkii u kala jabaan laba qeyb sida ka dhacday dunidoo dhan, qaar yiraahda waa dhab oo waa la tagay iyo kuwa diidan oo leh dayaxu waa ileys oo keliya lama dul degi karo, waa kii abwaanka caanka ah ee Cabdulaahi Dhoodaan ka yiri:

“Yaab baa aduunkii ka dhacay wiiggan maanta ahe, dhulkiiba laga wada guuryoo
cirkaa loo tartamayaaye, xiddigaha dushoodaa dhawaan laysku haystaaye, aboolo 11 baa kharibay dad aan la koobeyne suuqa kolkii aad u dagtaba buuq haddaad maqasho dayaxay tageen iyo ma tegin muranku weeyaane, wadaadadii jilbooday iyo casrigu wey isdilayaane ilkihii rag laga daadiyay bey galabta soo sheegeene.

Yuri Gaagiriin baa la yimid howshan oo idile , isagaaba wareerkaa baday dunidii fiicneyde awal waa la wada diidi jiray oo la beensadaye hadda uun bey xaqiijinayaan oo waa la hubaaye Armstrong-ba waa kii dayaxa ciid ka soo raraye oo luna iyo aboolaa la dhigay calamoodiiye hadaynan inana boodin oo meel kasii dayan Afrikaanku baashuu lahaa waa la degayaaye nin seexdaa sicii dibi dhal oo horaa loo sheegaye orgi fuulayaa iyo qabaal miig ka dhiganayaa
toddobaadkan waa inaanu samada aadnaa ”

Dawladda shiinaha ayaa waxa ay golaha ammaanka hortiisa kaga dooday in mareykanka calankiisa uu dayaxa ka taagay macnaheedu ahayn in uu leeyahay oo uu dayaxu dadka u wada dhaxeeyo. Aragti saa u fog ayey dalalka qaar ka muujiyeen. Abwaan dhoodaan iyo soomaalidii kale ee maalintaa ku taameysay horumar dalkeenu gaaro ayaa waxay noqdeen kuwa ku hungooba. Afartan sano kadib maalintii dayaxa la tagey waxaan nahay dalka dunida ugu dambeeya, waxaa jira ummado sanooyin badan raadinayey dal ay iyaga leeyihiin sida Kurdida iyo Falastiin, annaga waxaan bixinay/burburinay/baabi’inay/iibinay wixii aan haysanay. Dunida horumarkaa gaartay ayaan kooxo yar yar isu kala faquuqeynaa.

(Dadkii nala gudboonaa dayaxuu u guuraye nin qabiil gargaarsaday meel la gaarimaayee guuleystayaal geediga wadaay…) Cabdi Muxumad Amiin AHU

A. M. Abtidon
a.abtidon@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.