Home » Announcements, Warar »

Minnesota – Cusboonaysiin Sharciga TPS

OGEYSIIS SOOMAALIDA MINNESOTA

Wasaaradda Amniga Gudaha, qeybteeda socdaalka ayaa waxay soo saartay bishii July 27, 2009 xeer lagu cusbeyneysiinayo sharciga ku meel gaarka ee TPS loo yaqaan. Sharcigaa oo xaq u leh ilaa 300 oo soomaali ah ayaa waxaa la siiyey muddo 60 maalmood gudohood inay ku cusbeysiiyaan sharcigooda iyo kaarka ruqsada shaqada. Sharci ahaa kaarka shaqada wey sii isticmaali karaan ilaa 6 bilood oo kale (ilaa March 17, 2010).

Sharcigan markaad cusbeyniiso ka dib wuxuu shaqaynayaa Ilaa bisha Marso 2011. Sharciga waa sharci khaas ah oo qofka uu san laheyn xuquuqaha soo socda. Tusaale ahaan:

1. Qofka sharcigan heysta kama dhoofi karo waddanka US ilaa inuu helo ruqsad khaas ah (fadlan la tasho garyaqaan Immigration haddaad xaq u leedahay ruqsadda khaaska ah ee dhoofitaanka “advanced parole”).

2- Qofka sharciga heysta uma gudbi karo Green Card (deganaansho ebed ah) ama citizen (dhalashada Maraykanka).

3- Hadduu xaq uu u yeesho sharci kala gudaha waddanka kama xareyn karo.

4- Wuxuuse qofka xaq u leeyahay inuu waddanka US si sharci ah ku deganaado muddo ku meel gaar ah Ilaa sharci cusub uu ka soo baxayo oo la filayo 2010 ( Immigration Reform Bill) waa sharci la filayo inuu qofku ku qaadan doono Green card ka dibna dhalashada Maraykanka haduud buuxsho shuruudo lagu xusi doono sharciga soo bixi doono.

Xafiiskeena garyaqaanada Immigration wuxuu dad ugu xareynayaa sharcigaasi si bilaash labada maalmood ee soo socda: August 20, 2009 (9:00am-12:00pm

Sept. 9, 2009 (1:00-4:00pm)

Waa inaad xafiiska soo wacdaa oo aad balan sameysataa. Maalmahaasi ma iman kartid balan la’aan.

Maalmahan balanta aad sameysan karto waa maalmaha soo socda:

Mondays 12:00-2:00pm

Wednesdays 8:30;10:00am

Thursdays 1:30-3:30pm

Lambarkaad soo wacaysid waa (612)332-1441.
Xasan Jaamici

Xafiiska Garyaqaanada Arimaha Immigrationka
Legal Aid Society of Minneapolis
430 1st Avenue North, Suite 300
Minneapolis, MN55401

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.