Home » Warar »

Faroole oo lagu soo dhaweeyey Garoowe

Madaxwayne Faroole oo si diiran loogu soo dhaweeyay Caasimada Garoowe

Sawirada Halkan ka daawo

Wafdigani oo uu hogaaminayey madaxweynaha DPL Dr C/raxmaan Shiikh Maxamede Faroole ayaa abaaro halsaac ka hor waxa uu ka soo degay gegida dayuuurahada ee kanooko ee Magaalada garoowe.

Madaxweynaha iyo Wafdigiisa ayaa waxaa halkaasi si weyn ugu soo dhoweeyey Madaxweyne Kuxigeenka Dawladda Puntland Gen C/samed Cali Shire Wasiiro Xildhibaano Maamulka Gobolka iyo Kan degmada iyo Marti sharaf iyo Ururada bulshada Haweenka Dhalinyaro iyo dad kaloo faro badan.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr Cr/axmaan Shiikh Maxamed Faroole ayaa waxaa wafdigiisa ku wehliyey Wasiir Arimaha Gudasha iyo Dawladda Hoose C/laahi Axmed Jaamac (Ilkajiir) iyo weliba Wasiirkii hore Cali Cabdi Awaare oo isaga horay u ahaan jiray Wasiirkii hore ee Xiriirka Caalamiga Dawladda Puntland waxaa kaloo iyana madaxweyanha safarkiisa ku wehliyey ninka oo Wariye Ajnabi.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa ay ka soo ambabaxeen magaalada Jabuuti ee Xarunta dalkaasi jabuuti isagoona madaxweynaha halkaasi saacado kooban kulan kula soo qaatay madaxda dalkaasi jabuuti.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa markii ay soo gaareen magaalada garoowe waxa ay uga sii gudbeen aqalbka madaxtooyada ee Dawladda Puntland.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa markii uu soo gaaray xarunta Madaxtooyada ee magaalada garoowe waxa uu halkaasi ku qabtay shir jaraaid isagoona ugu horeyn halkaas mahad celin balaaran uga jeediyey Madaxweyne Kuxigeenka Dawladda Puntland iyo wasiirada iyo Xildhiibaanada iyo dhamaan dad weynaha reer puntland sida wanaagsan ay u soo dhoweeyeen.

Madaxweyanah ayaa waxa uu shirkiisa jaraaid ku sheegay in uu isaga si weyn ugu faraxsan yahay sida weyn ee loo soo dhoweeyey isagoona sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay intaasi kadib madaxweynaha waxa uu warbixin kooban ka bixiyey socdaalkii uu ku tagay wadamada caalamka sida Yurub America iyo wadamo kaloo faro badan oo isaga socdaal ku tagay madaxweynaha ayaa waxaa uu xusey in uu dalka markeykanka intii uu joogay uu kulamo faro badan halkaasi kula soo qaatay qurbajooga reer Puntland isagoona sheegay in ay halkaasi si weyn ugu soo dhoweeyeen.

Sidoo kale madaxweynaha Dawladda Puntland Dr C/raxmaan Shiikh Maxamed Faroole ayaa waxaa uu sheegay in uu isaga mudadii uu ku sugnaa dalka mareykanka uu kulan kula soo qaatay Jaamacadama Manesoto arday faro badan oo iyaga halkaasi wax ka barta

Ugu danbeyntii madaxweyne C/raxmaan Shiikh Maxamed Faroole ayaa waxa uu sheegay in uu isaga maalinta bari si wanaagsan u soo bandhigi doono waxyaabihii uu ku wajahsanaa socdaalkiisa oo uu ku soo maray wadamo faro badan.

Xuseen Cabdulaahi Xasan
Xuseen339@hotmail.com
Garowe Puntland Somalia

Sawir Qaade
Cumar Hantiile

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Faroole oo lagu soo dhaweeyey Garoowe "

  1. Sharma'arke says:

    ASCWW,

    Madaxwayne Dr.Abdirixmaan Sh.Maxamed Sh.Maxamud (Faroole) waa nin Soomaaliyeed waxaana ka muuqata in uu dadaal dheer ugu jiro sidii Soomaaliweyn la iskugu raadin lahaa isaga oo had iyo goor carrabka ku dhufta in wixii hore la iloobo oo Soomaali oo idil Page cusub la isku furo oo aan la is horwadin wixii hore, waxaana leeyahay waad ku mahadsan tahay Illaahay ha kula garab galo.