Home » Islam, Quraan »

Bani’aadamku wuu ka sarreeyaa kana fadli badan yahay Qur’aanka|Nuradin

Bani’aadamku wuu ka sarreeyaa kana fadli badan yahay Qur’aanka.

Heerka hooseeya ee qiimaha bani’aadamka maanta lagaadhsiiyay waa mid iyaga dhexdooda kayimid ee aan meelkale uga iman. Tusaale waxaa u ah, dulleysiga bani’aadamka lagu dulleystay magac diin/kitaabka alle, magac midab/midab sooc, magac awoodeed/dowladnimo, iyo magac hanta/taajir iyo faqiir. Dhamaan qaab dhismeedka bulshooyinka caalamka heerarkaas kala sarreynta iyo kala hooseynta ku dhisan ayaa lagu saleeyay hab dhismeedka bulshooyinka maanta dunida ka jira.

Balse waxaa u baahan in la’isweydiiyo si gaar ahna loo eego aragtida lagu saleeyay in magaca Alle iyo Qur’aankiisa bani’aadamka lagu dulleysto gaar ahaan Soomaalida dhexdeeda iyo guud ahaan dunida Muslimka, arrintan xagey inooga timid halkeese lagasoo arooriyay? Sidaa darted qormadan gaaban waxaan ku eegidoonaa ka sarreynta bani’aadamku ka sarreeyo kana fadli badan yahay Qur’aanka, si loo fahmo booska dhabta ah ee Alle (SW) uu dhigay bani’aadamka.

Laga bilaabo maantadan aynu joogno iyo sida noloshu u noqotay mid aan loo dulqaadan karin marka la eego inta magac ee loo adeegsanayo in ruuxa Soomaaliga muslimka ah naftiisa lagu waxyeeleeyo, magacyadaas waxaa ugu dambeeyay uguna qallafsanaa midka maanta loo adeegsanayo in dhiiga, hantida iyo qoyska ruuxa Soomaaliga muslimka ah lagu banneysto. Magaca alle (SW) ama qowlikiisa Qur’aanka kariimka ah ruuxa ku banneysanaya dhiig ruuxkale oo muslim ah ama aan muslim aheyn, waa qof aan qowlka alle waxba ka aqoon. Ruuxaasi wuxuu jaahil kayahay booska qur’aanku dhigay bani’aadamka iyo booska Alle (SW) uu dhigay qur’aanka laftiisa.

Bani’aadamku waa ruuxdii/qudhii Alle, Qur’aankuna waa hadalkii alle. Ruuxdii/qudhii alle oo bani’aadamka ah, wuu ka fadli badan yahay hadalkii alle oo qur’aanka ah. Daliilka hadalkeygu wuxuu salka ku hayaa markii Alle uu kawaramay abuurista aabeheen nabi Aadam (CS) wuxuu dhowr suuradood ku xusay Alle (SW) habkii abuuritaankaas uu ku bilowday iyo sidii malaa’ikta looga tala weydiiyay. Suuradahaas waxaa kamid ah; suuratu Al-baqarah aayada 34, suurada Al-acraaf aayada 11, suuratu Al-xijr aayada 29, suuratu Al-isra aayada 61 iyo suuratu Saad aayada 72. Balse labadan aayadood ee hoose usii dhabba gala si ay akhristaha ugu cadatto daliilka qoraalkan,

Suuratu Al-xijr aayada (29) فَإِذَا سَوَّيۡتُهُ ۥ وَنَفَخۡتُ فِيهِ مِن رُّوحِى فَقَعُواْ لَهُ ۥ سَـٰجِدِينَ (٢٩)

فَإِذَا سَوَّيۡتُهُ ۥ وَنَفَخۡتُ فِيهِ مِن رُّوحِى فَقَعُواْ لَهُ ۥ سَـٰجِدِينَ (٧٢)  Suuratu Sad aayada (72)

Labadan aayadood oo runtii isku mid ah inkastooy laba suuradood oo kala duwan kusoo kala arooreen, micnaha ay xambaarasanyihiin waa isku mid waana sida;

Alle wuxuu yidhi isagoo ka hadlaya abuurista aabeheed Aadam; “Markii aan ku afuufo ruuxdeyda/qudheyda, hoobta (malaa’iktiiyeey) idinkoo isaga (Aadam) u sujuudaya”

Labada aayadood waxey si waafi ah u muujinayaan in bani’aadamku yahay ruuxda/qudhii Alle وَنَفَخۡتُ فِيهِ مِن رُّوحِى (SWC) malaa’ikta dhammaanteed sujuud dhab ah ayey la dheceen iyagoo weyneynaya Aadam, marka laga reebo Ibliis/sheydaan oo diiday mooyaane, qisada inteeda kale waa lawada yaqaan.

Sidaadarteed bani’aadamku oo ruuxdii/qudhii Alle ah asal ahaan wuu ka horeeyay dhamaan kitaabada samada/cirka Alle kasoo dajiyay oo dhan xagga abuurka; hadii ay noqon laheyd, Suxuftii nabi Ibraahiim lagusoo dajiyay, kitaabkii Towraat ee nabi Muuse, Injiishii nabi Ciise iyo kitaabka Qur’aanka ah ee lagusoo dajiyay nabi Muxammed dhammaantood ambiyadaas (NNH). Maxaayeelay ruuxda/qudha Alle iyo kalaamka/hadalka Alle (SW) waxaa horeeyay ruuxda Alle. Ruuxda/qudha ayaa kow ah, hadalka ayaa laba ah. Kawaran hadii aan ku idhaahdo anigoon ruux/qudh igu jirin baan hadli karaa? Waxaa laga yaabaa in aad tidhaahdo, sideed u hadli adigoon ruuxba/qudh kugu jirin!!!

Dhammaan bani’aadamku waa abuurkii Alle, iyadoon gadaal wax summad ama astaan ah laga raacin, dhammaantoodna waa ruuxdii Alle, ruuxdaasoo ka fadli badan kana sarreysa kalaamkiisa/kitaabadiisa samaawiga ah oo idil. Intaas iyadoon lafahmin booska saxda ah ee Alle dhigay bani’aadamka sinaba loogama yaabo inuu gaadho, nolosha micneheedana lagaadhi maayo, maxaayeelay meeshii lagu gaadhsiiyay adigaa hoos ugasoo dhacay, inta aad heerkaaga ku noqoneysana noloshu waxey kugu noqon qaxar iyo dhibaato joogto ah.

Waxaan kusoo gabagabeynayaa in ummadda Soomaaliyeed iyo Muslimiintuba ay kala saaraan labao shey; waa midda koowaad’e bani aadamka soo jiritaankiisii kasoo bilowday maalintii Haabiil uu walaalkii Qaabiil xaq darrada ku dilay, markii midab kala duwanaasho owgiis bani’aadamku bani’aadamka kale addoon ka dhigtay oo uu seylada/suuqa u iib geeyay, markii gumeysi xoog ah bani’aadamku isku maquuniyay, markii magac dowlad la’isku duudsiya iyo markii magaca Alle iyo kitaabkiisa oo aan lafahamsaneyn waxwalba oo liita oo xumaan ah loo adeegsaday, taasi waxey ina dhaxalsiisay in bani’aadamku gaadhay meeshii ugu hooseysay ee nolosha, booskaasina ma aha midkii alle dhigay markii uu abuurayay.

Midda labaad sooyaalka taariikhda iyo dhaxalkaas meesha hooseysa ina gaadhsiiyay ma aha meeshii Alle (SW) inoogu talagalay ama ina dhigay. Alle wuxuu inaga abuuray ruuxdiisa, wuxuu inoo sujuudsiiyay malaa’iktiisa isagoo markhaati uga dhigaya heerka sarreeya ee uu ina dhigay marnaba inta aan dunida dulsheeda saarannahay inagama uu qaadayo illaa ruux qaloocan oo aan nolosha iyo Alle tusaalayaashiisa aan waxba ka garaneyn uu ina seegiyo karaamaddeena ka bani’aadamka ahaan Alle inoo hibeeyay. Sidaa owgeed bani’aadamka qiimaha badanow, bilow sidii aad kusoo ceshan laheyd booskii aad xaqa u laheyd ee Alle kuu hibeeyay markii aad xabka iyo biyaha aheyd, oo yuusan booskaaga qiimaha badan hoos kaaga dhigin ruux kula mid ah.

Qore Nuradiin Askar Ibraahim

nuradiin_as@yahoo.co.uk

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.