Home » internet, Tech »

Bad baaddad Internet-ka|Rude

BAD-BAADADA INTERNET-KA

Internet-ku waa habka ugu fudud uguna dhakhsaha badan ee maantadan macluumaadka la isku waydaarsado. Waxaa il xog kasta oo loo baahdo si sahala looga heli karo. Waa Goob nooc kasta oo bulshada ka mid ah uu ka heli karo waxa uu markaas danaynayo. Tusaale; Carruurtu waxay ka heli karaan noocyada ciyaaraha kala duwan, ardeyda Collage-yada iyo Jaamacadaha waxay ka heli karaan xog kasta oo shaqo-guriga (Assignment) iyo war-bixintooda (Report) ka saacidda, Xirfadlayaashuna shaqo way ka raadsan karaan, iyadoo dalxiisayaashuna ay ka heli karaan tikidyo online ah.

Internet-ku dadka wuxuu siiyey hannaanka ugu wacan ee ay ku helaan macluumaad-ka ay raadiyaan, wuxuuna qaabab badan ka baddelay nolol maalmeedka-yaga isagoo ka mid noqdey qayb ka mid ah noloshayada caadiga ah, waxaana ka mid ah meelaha ugu muhiimsan ee uu nolashayada ku saameeyey kuwaan soo-socda:-

  1. Sare-u qaadidda xiriir-ka (enhancing relationship)
  2. Maaweelada (entertainment)
  3. Ku Ganacsiga Internet-ka (E-commerce)
  4. Macluumaad-ka (Information)
  5. Shaqada (work)
  6. Waxbarashada (education)
  7. Safar-ka (traveling)
  8. Shaqada beecmushtarka (business)

Sida uu internetku wanaag iyo samaan u lee yahay, haddana kama marna dhibaato iyo xumaan badan. Dhallintuna waxay waqtigooda ku dhumiyaan internetka, oo ay ku dheelaan ciyaaraha (playing games), waxay kaloo waqtigooda ku baabi’iyaan wada sheekaysiga Internte-ka (chatting on the Internet), daawashada filimaanta qaa-qaawan (pornography). Waxaa kale uusan ka marnayn dhallinta caadeysata isticmaalka Internetka in uu saamayn maskaxeed iyo mid muuqaaleed u geysto.

Sida aan ula kulano dad fiican iyo kuwo xunba dariiqyada, sidaas oo kale ayaan Onlineka kula kulanaa dad fiican iyo kuwa xun intaba. Dadka waa-weyn badanaa Internetka hawlo la garan karo ayey ka qabtaan, laakiin Carruurta ayaa u baahan in la hago lagana ilaaliyo Shabakadaha aan wanaagsanayn ee Internetka.

Waxaa muhiim ah in carruurta la baro macluumaad badan oo ku saabsan Internetka inta uusan bilaabin Isticmaalka interketka. Macluumaadkaas waxaa ka mid noqon kara: in uusan  bixin wax macluumaad ah oo ku saabsan Cinwaanka, lambarka telefoonka, Magaca Iskuulka uu dhigto, halka uu daggan yahay, wax ku saabsan Credit Kaarka, halka uu Waaridkiis ka shaqeeyo isaga oo aan waaridkiis ka fasax qaadan. Waxaa kale oo loo sheegaa in uusan cunuggu ka jawaabin farriimaha Xun, iyada ooy muhiim tahay in uu waariskii u sheego haddii uu la kulmo farriimahaas xun-xun. Sidoo kale waa in loo sheegaa dadka uusan garanayn in uusan Internetka kala sheykaysan, isagoon Waaridiis War-gelin.

Sidaas iyo si ka sii wacan ayaa wanaagsan in carruurta loo koontoroolo, loona hago. Waxaa jira softiweerro la heli karo, kuwaas oo fududeeya in carruurta lagu ilaaliyo iyagoon laga xaddidayn isticmaalka internetka.

W/D: Cali Cabdi Rude

E-mail: cabdirude@hotmail.com

Bachelor of computer science(BSc).

From Mohammed Ali Jinnah University.

Karachi, Pakistan.

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.