Home » Warar »

Shirjaraaid ee Shirkada isgaadhsiinta Golis

Shirkada isgaadhsiinta Golis oo shirjaraaid ku qabatay Xarunta Magaalada Bosaso.

Shirkada Adeega Isgaadhsiint ee Golis telecom ayaa shirjaraaid ku qabatay Magaalada Bosaso shirkaasi oo ay uga hadleen Masuuliyiinta shirkada Golis wacyigelinta Wadooyinka Magalaada Bosaso iyo Gobolada kale ee Puntland ,waxaana shirkaasi ka soo qayb galay Laamaha kala duwan ee Taraafikada Bosaso iyo Xubno ka mida Ciidanka taraafiga kala hadaga wadooyinka.

Mareeyaha Guud ee shirkada isgaadhsiinta Golis Aadan shiikh Doon ayaa sheegay inay dedaal u samaynayaan sidii loo sahli lahaa khatara wadooyinka iyadoo ay shirkadu siinayso fursad mihiim ah oo ay ugu faaidaystaan ciidanka taraafigu sidii looga gudbi lahaa caqabaha arintaas kaana ee Sababa dhimashada iyo iskudhaca Gadiidka shilalka ah.

Waxaa sidoo kale ka soo qayb galay kulankan ay shirkada Golis kaga warbixinayso hagaajinta wadooyinka Masuuliyiin ka socota Wasaarada Gadiidka Xukuumada Puntland i oo uu ug Horeeyo Madax Taraafikada Maxamed Aadan Finiin.

Waxaa laysla soo qaaday sida looga gudbi karo caqabaha wadooyinka taraafikada sida loo sahlikaro xiliyada ay aadka ugu badanyihiin Gadiidku Wadooyinka Degaanada Puntland gaar ahaan Magaalada Bosaso oo qataro badan ka dhashaan taraafikaduna aysanba si fiican jaanta ula helin sidii wax lugu qodax bixinlahaa Ama ay markaasi si fudud ugu kala marayn lahyeen khaladaadka wadooyinka ee Gadiidleyda.

Mudane C/raxmaan C/laahi (Dayax) ayaa sidoo kale ka mid ahaa masuliyiintii dhinaca waqabadka shirkada u sharaxday warbaahinta isla markaasina sheegay inay arimahan dhanka bulshada ay ugu gogol xaadhayaan ay yihiin kuwo ay shirkadani sii kobcinayso dedaaladeed kaga aadan wax kasta oo ay Awood u leeyihiin.

Maxamed Axmed Ciise
geedi7@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.