Home » Maqaallo »

Dib-usocod ! |Adam Zaki

Hal kudhig dhagaha soojiita oo goor kasta iyo goob kastaba ku haboon , waxay leeyihiin hal ku dhig u gaar ah xili kasta ama ku haboon .waxay aamin qabaan in hawl la qabtaa ay kaga filantahay siidaynta Halkudhigyo dhaga u roon Dadka iyo Dalkana u daran , waa afmiinshaaro xeeldheerayaal xagga hadalka ,waxay ka bad badiyaan sida ay afka ugu hadli yaqaaniin Aqoonta kaliya ee ay leeyihiin oo ah af aqoon .boos uma banana horu socod , Kama bartaan Cilmiga dhaqamada iyo aqoonta fiican Bulshoonyinka kale iskaba daaye way la dagaalamaan kama qaataan kuwa kale waxaan ka ahayn dib u socodnimada ay kuwa noocooda ah la wadaagaan uma dhaga nugla aqoonta adduunku ku talaabsado waxayna u arkaan inay tahay dhaqan guur iyo wax aan fiicnayn in laga hortagaana ay tahay, Laakiin waxay aqbalaan waxay u arkaan inay tahay Model cusub oo xagga dhar xirashada ah gaar ahaan kuwa dumarka sidoo kale waxay soo dhoofsadaan filimada ugu danbeeyay uguna dhaqanka iyo anshaxa xun laakiin masoo dhoofsadaan aqoonta iyo cilmiga ay xarumaha wax barasho maalin walba ku tallaabsadaan waxay taagan yihiin una arkaan inay xaaraan tahay in laga tago dhaqankii awoowe ,uma arkaan inay wax xun tahay in laga tago dhaqanka suuban eeku dhisan is ixtiraamka iyo kala danbaynta .

Ma lahan ujeed wax qabad dhinaca horu marka haddii ay u suura gasho waxay aad u daneeyaan gawaarida kuwa ugu danbeeyay uguna qiimaha sareeya ma ahan kan ugu wanaagsan ee ugu qiimaha macquulsan waa kan ugu qaalisan dan lagama lahan wax tarkiisa, Dib usocodka ma qadariyaan Qaanuunka iyo kala danbaynta hasa yeesheen meel walba waxaa ugu qoran kuna sheegaan inuu qaanuunku yahay mid dadka dhan ka sareeya uuna yahay midka dadka Hogaamiya laakiin waa qalin iyo waraaq la isku danbaajiyay waa hadal qaamudkiis galay , waxay leeyihiin qawaaniin nooc walba iyo muran walba xal u ah laakiin cid dhaqan galinaysaa ma jirto xittaa ku riyoonaysa inuu maalin uun dhaqan galo ma jirto maxaa yeelay kan qoray qaanuunkan haddii la dhaqan galiyo asaga ayaa ugu horeeya danbiilaha uu qabanayo , Sidaas darteed lama qadariyo lamina ixtiraamo qaanuunka lama ciqaabo ciddii ku tumataa ama ku xadgudbto qawaaniintaas quruxda badan in la fuliyo waxaa ku xiran shardi kaliya oo ah in uusan asaga iyo ayada qaban si kasta oo ay ugu xadgudbaan .kama baqayaan qaanuunka waayo waxay og yihiin inuusan qabanayn hadii la dhaqan galiyana kaliya uu qaban doono kuwa aan taagta lahayn ee faqiirka ah dhanka jeebka .

Amaanta iyo wax qabadka waxaa iska leh bulshada fikir iyo wax soosaar qof kaliya uu samayn karo ma jiro xittaa hadduu caalim yahay wixii uu qabto waxaa lagu qorayaa macaga bulshada uu hor boodayo mudane daljira Fikir ma jiro waxay aamin sanyihiin falan faloowyaasha sixroolayaasha iyo kuwa ku qaraabta shuqulka shaydaanka la dheereeyay waxay haystaan qalab warbaahineed oo aad u awood badan kuna dhisan iigu shub aan kuu sheegee waxaad doonto , ma lahan aqoon iyo akhlaaqda lagu yaqaan warbaahin waa qalab lataagay oo uu ka dhex dhawaaqayo dhagar qabe aan lahayn damiir wadaniyad kaliya ka fakara jeebkiisa iyo laamaha qaraar wuxuu siisan lahaa run iyo been waxaad u dhiibto waxaa socodsiin kara adiga oo jeebka gacanta galiya .

Xaqiiqada waxay leedahay waji kaliya baalayo waxay la tagaysaa qofkii sheega aragti ka duwan mida bulshada dib u socodka ah Bulshada noocaas ah waxaa ku faafa musuqa iyo dhaqamada wasaqda ah Been abuur wax walba xittaa waxyaaba u gaarka ah dad yawga kale, luuqadu waa jajaban tahay Taariikhda waxaa la galiyay shaki iyo shaydaan warkiis , cuntada waa mid dhacday iyo midaan qiimo lahayn , daawooyinku waa kuwo lagu sameeyay suuq madaw lagana sameeyay wax walba oo suura gal noqon kara inay u ekaysiiyaan daawo run ah,caqligu wuu fooraraa aqoontu waa dhawr kalmadood oo afafka qalaad ah ha u badnaado kii laga dhaxlay haraadigii Talyaanigii nagu soo gardarooday bari.

Ugu danbayntii waxaan filayaa inaan qaldamay !!!

Aadam H (Zaki)
Aadan17@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.