Home » Islam, Ramadan, Salaadda, Saxaabada, Siiro, Warar, Zakat »

Mutamarkii Rochester Minnesota

Mutamarkii Magaalada Rochester oo Si Habsamiya ku soo gaba gaboobay
Mutamarkii saddexda maalmood ka socdey magaalada Rochester ee Gobolka Minnesota ayaa Axadii (July 26, 2009) si habsami ah kusoo gabagaboobay. 

Nin goobta ku Muslimay ayaa asna dad ka la hadlay nin kaa ayaa Shaqaalo ka ahaa Goobta Mutamarka
Laakiin markii uu ku arkay dad kala midab ah oo is jecel sida uu sheegay jelaaday Diinta Islaamka asaga oo ku Muslimay Goobta Mutamar ku ka Dhacay
Ma ahan arin ku Cusub Ducaada iyo Culuda waxaana dad badan nu dhigayaan in ay tahay mira dhalka Mutamaraadka iyo Shiararka ays oo Abaabulaan Culumada iyo Ducaadu ku waas oo iskaga yimid Waqooyiga America

  

Sh Saalah Mohamed waxuu ka mid yahay Howlwadeenadii Mutamarka isla markaan waxuu ka mid yahay Ducaad Waqooyiga America waxuuna sheegay in uu guul ku dhamaaday oo wax dhiba aysan ka dhicin Mutamarku inta uu socday

 Sh Ahmed Ali waxuu ka mid yahay Howl wadeenadii Mutamarka waxuuna sheegay faaidada ugu weyn ee Mutamarkaan in ay tahay in Qof Diinta islaamka Naxariisteeda Dareemo oo uu islaamo taasna waxay ka qaalisan tahay Sida nabigu yiri geela Gad gaduudan
Laakiin maantay u dhigma wax kasta oo qaaliya waxuuna u mahad celiyey dhammaan howlwadeenadii iyo ka soo qayb galayaashii gaar ahaan Dumarka oo Door weyn ka Cayaaray

 
Waxaa lagu soo gaba gabeeyey Duco iyo Natiijadii Tartan loo Qabtay Dhalin yarada
Sabtidii oo ahayd July 25 waxay ahayd maalintii labaad ee Mutamarkii 3aad ee Rochester Minnesota. Waxaa ka soo qayb galay dad badan waxaana ka Hadlay Culumo fara badan ayadoo oo aan Live u siidaynay. Waxaana culimada ka mid ahaa Sh Kamal El Mekki iyo Yusha Evans iyo Sh C/risaaq Xaashi sidoo kale waxaa sadaqo in ay la baxaan soo jeediyey C/qani Qardhaawi iyo Sh Nuur Haadi iyo Sh C/qani Bashir.

mutamar3
Muxaadaro ku saabsan Xuquuqda Carruurtu ku leeyihiin Waalidka oo aad u qiimo badan ayaa waxaa soo jeediyey Sh. C/risaaq Xaashi..
Axadda (July 26, 2009) ayaa waxaa filayaa in ay kasoo qayb galayaan Mutamarka Sh C/raxman Sh Cumar imaamka Masjidka Abuubakar ah Gudoomiyaha Golaha Imaamyada Ciwaanka Muxaadaradu waa MARABTAA IN LAGU JECLAADO  iyo Imaamka Masjidu Rowda Sh C/risaaq Sancaani Ciwaanka Muxaadarada Waa AKHLAAQDA WANAAGSAN  iyo Sh C/qani Qardhaawi Ciwaanka Muxaadarada Waa  U SHAQAYNTA DIINTA iyo Sh C/laahi ibraahim Waxuu asna ka hadli doonaa GUURKA IYO WANAAGIISA. Waxaa muxaadarada xiri doona Sh Ahmed Haashi.

Muxadaarada oo Axada markale bilaabanaysa xilliga Xigsinka waxaad si toos ah (LIVE) uga daawan kartaan SomaliTalkShow.com. oo qayb ka ah SomaliTalk.com.

Mutamarkii Saddexaad oo ka Furmay Galabtay Magaalada Rochester ee Gobolka Minnesota

Galabnimadii Jamcaha ee July 24 ayaa waxaa furmay Mutamarkii saddexaad ee kana furmay Magaalagada Rochester oo ah Magalaada Saddexaad ee Gobalka Minnesota. Ducaadda mutamarkan soo yagleelay ayaa waxaa ka mid ahaa Sh Mohamed Mohamed iyo Sh Saalax Mohamed iyo Sh Ahmed Ali.

Waxaana ka qayb galaya Culuma qaar kood ka yimid Dalalka Africa iyo Yurub waxaana ka mid ah Sh C/qani Bashir iyo qaybo ka mida Imaam yada Masaajidka waqooyiga America. Xurunta lagu qabtay Mutamarka ayaa ahayd Mayo Hich School.

Sh C/qani Bashir ayaa Muxaadaradii ugu horaysay ka jeediyey Mutamarka taas oo ku baxaysay Luuqadda English ka Halkan ka Dhagayso Sh C/qani ayaa ku noolaa Mudo badan wadamada Yurub haddana ka yimid Qaarada Africa. Sh C/qani ayaa Sidoo kale Maantay Salaaddii jamce khudbad aad iyo aad u qiima badan ka jeediyey Masaajidka Rowda Khudbadaas ayuu oga hadlay Dad kii janada loogu bishaareeyey iyo qaabka lagu gali karo Janada Halkan ka Dhagayso Khudbadii Masjiddu Rowda

Howl wadeenada Mutamarka ayaa isku dayaya in ay maalinta biri oo ah Sabti iyo Axadda in ay si toosa Caalamka looga daawan doono.

Sidoo kale Sh C/qani ayaa Salaaddi Jamcaha u sheegay Dadweynaha in aysan waa meel fog khayrka oga harin asaga oo Tusaale u soo qaatay in uu Qaarado kale oga yimid khayrkaan islamar kaan suurta gal aysan ahayn in aad mar marsiyo ka dhigato waa meel fog
 

Ustaad Dalboon Rochester Minnesota
cdalboon@hotmail.com
 
Faafin : SomaliTalk.com | July 24, 2009

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Mutamarkii Rochester Minnesota "

  1. mohamed says:

    waa salaaman tihiin inta kasoo qeebkashay muxaadharadhaas waxaana ilaaheey muslimiinta oo dhan ugu baryaa in sanadkaaan sanadiisa in ilaahey gaarsiiyo walaalayaa waana salaamanihii cafimaad badan ayaa ilaaheey niiga baryaa kulu caam wa antum bikheer wsc