Hay’adda Youth-Link oo aqoon Isweydaarsi ku saabsan xalinta khilaafaadka u qabtay Saxafiyiin ka socotay qaybaha warbaahinta.
Xarunta Hay’adda Youth-Link ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu soo gebagabeeyey aqoon-isweydaarsi ku saabsanaa xalinta khilaafaadka, waxaana ka qaybgalay xubno ka kala socday qaybaha warbaahinta, waxaana intii uu socday la isku weydaarsaday qodobo ay ka mid ahaayeen, Noocyada khilaafaadka, Qaabka loo xarliyo khilaafka, Waxyabaha keena khilaafka, Tababaha iyo Xeeladaha looga baahan yahay dhexdhexaadiyaasha iyo qodobo kale, waxaana cashiro ka bixinayey Macallimiin ay ka mid ahaayeen Cali Sheekh, Macallin Cumar iyo Macallin Yuu Cali, waxayna macallimiintaani halkaasi ku soo bandhigeen arrimo la xiriira khilaafaadka iyo sida loo dhameyn karo.
“Anagu ma nihin Macallimiin wax idin baraya, balse waxaana dooneynaa in aan isweydaarsano wixii aqoon ah oo ku saabsan khilaafaadka” ayey yiraahdeen Macallimiintaasi oo sheegay in labaabtan sano ay Soomaaliya ku soo jirtay khilaaf taasina ugu wacan tahay, iyadoo aan la marin wadaddii lagu xalin lahaa khilaafkaasi.
Gebagebadii siminaarkaasi ayaa waxaa soo gebagabeeyey Guddoomiyaha Hay’adda Youth-link Faraxaan Cusmaan oo isagu sheegay in Saxaafaddu ay ka mid tahay waxyaabaha ugu horeeya ka qayb-qaata xalinta Khilaafaadka, sidoo kale waxa uu sheegay in saxaafaddu qayb ka noqon karto in ay sii kordhiso khilaafka, balse looga baahan yahay in ay mar kasta ka digtoonaato wax kasta oo khilaaf keeni kara, ayna ka shaqeyso sidii shacabka Soomaaliyeed la isugu soo jiidi lahaa, waxa uuna sheegay in aqoon isweydaarsigaan uusan noqon doonin kii ugu dambeeyey balse ay jiri doonaan kullamo kale oo caynkaan ah, waxa uuna u soo jeediyey saxaafadda inay ka shaqeeyaan sidii ummadda Soomaaliyeed u gaari laheed xal dhameystiran.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com
comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.