SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - USA

Barack Obama oo Ku Guulaystay Musharaxnimadii Madaxweyne ee Xisbiga Dimoqraadiga ee USA...

SomaliTalk.com | Minneapolis, USA | June 3, 2008

Senator Barack Obama ayaa maanta (June 3, 2008) ku guulastey musharaxnimadii xisbiga Dimoqraadiga ee u taagantartanka guud ee madaxweynaha dalka Maraykanka.

Si uu ugu guulaysto musharxnimada madaxweyne ee xisbiga Dimoqraadiga waxa uu u baahnaa wafti tiradoodu dhan tahay 2,118, taas oo uu gaarey galabnimadii talaadadii June 3, 2008.

Taariikhda Maraykanka hore ugama dhicin in musharrax xisbi Maraykan uu doorashada guud noqdo qof madow. Barack Obama ayaa ah kii ugu horreeyey.

Isreeb reebkii musharaxnimo ee xisbiga Dimoqraadiga ee soosocdey ilaa 16-ka bilood waxaa ugu dambeeyey tartankii dhex maray Obama iyo Senator Hillary Clinton. Labadii Doorasho ee dhacay talaada June 3, 2008, gobolka South Dakota waxaa ku guulaysatey Hillary Clinton. Halka gobolkii ugu dambeeyey Isreeb-reebka oo ahaa Gobolka Montana waxaa ku guulaystey Senator Barack Obama, sidaasna uu ku noqday musharaxa guusha xisbigu raacday

Hadda waxa uu Obama u taagan yahay musharraxa xisbiga Dimoqraadiga. Waxana uu la tartami doonaa John McCain oo ah musharraxa xisbiga Republican-ka, doorashadaas oo dhici doonta Bisha November ee sannadkan 2008.

Haddii uu doorashadaas ku guulaysto, Senator Barack Obama waxa uu noqon doonaa ninkii madowga ahaa ee taariikhda Maraykanka ka noqda Madaxweyne. Taas keliya ma aha ee wuxuu noqonayaa madaxweyne madow kii ugu horeeyey ee dal reer Galbeed ah.

Barack Obama waxa uu khudbadii guusha  musharaxnimo caawa ka jeediyey magaalada St. Paul ee Gobolka Minnesota.


Guusha Senator Barack Obama waa mid la Sugayey.

May 20, 2008 | USA

Tartanka Madaxtinimada Dalka Maraykanka ayaa waxaad moodaa inuu Guushii kama dambaysta ahayd ee Xisbiga uu ka tirsan yahay Senator Obama uu ugu sareeyo kaddib markii uu ka guulaystay Sen. Hillary Clinton oo ay isku Xisbi ahaayeen oo iyaduna looltan kula jirtay Tartanka Madaxtinimada Dalka Maraykanka oo ah Qaybtii Xisbiyada gaarka iyadoo weli ay dhiman tahay Qaybtii ugu darnayd ee loolanka Madaxtinimada Dalkan.

Haddaba , Senator Obama ayaa wuxuu ka soo jeedaa dhalasha ahaan Waddanka Kenya oo uu Aabihii ka yimi Kenya , laakiin Senator Obama ayaa wuxuu dhashay Aug.4th ,19661 wuxuuna ku dhashay Gobolka loo yaqaan Hawaii, Hooyadii ayaa waxaa la oran jiray Sr. Ann Dunha , wuxuuna waxbarashadii ku soo qaatay Qaybtii ugu dambeysay Jaamacadda ugu saraysa Waddanka Maraykanka ee loo yaqaan Harvard University Qaybteeda Sharciga wuxuuna noqday Ninkii ugu horeeyey ee African American ah ee ka qalin jebiyey University (herkaas sareeya).


Barack Obama

Senator Baracka Obama ayaa wuxuu ka soo shaqeeyey qaybo kala gedisan oo la Xiriira Arimaha Bulshada ,Horumarinta iyo Dhaqan Cellinta Dhallinyarada , wuxuuna ku Shaqaynayey Qareenimo ama Lawyer Sharci yaqaan ah kuna caawiyey Dhallinyaro aad u fara badan oo maanta noloshooda dib u ceshtay mahad gaar ahna u haya sidii uu nolosheeda ugu soo celiyey mid caadi ah oo uu uga saaray Dhibaatooyinkii ay ku jireen.

Senator Obama oo Xaaskiisa la yiraahdo Michelle Obama ayaa waxay is guursadeen 1992 waxayna isku guursadeen Gobolka Illinios Magaalada Chicago qaybteeda Konfureed, waxay leeyihiin laba Gabdhood oo la kala yiraahdo Malia iyo Sasha oo aad u yar yar waxaadna ka garan kartaa waqtiga ay Waalidkood is guursadeen oo ah 1992-dii waana qoys aad isu jecel

Senator Baracka Obama wuxuu ka tirsan yahay Xisbiga Dimoqoraadiga ee ay Dadka intooda badani jecel yihiin waxaana laga soo doorta Sentorka Gobolka Illinois ee Magaala Madaxdiisu ay tahay Chicago , Sentaor Obama wuxuu ka mid yahay Saraakiisha ay ku dhaartaan Xisbiga uu ka soo jeedo ,Sababo aqoontiisa la xiriira darteed iyo sida uu u firfircoon yahay wuxuuna taasi ku mutastay Wanaaga uu ballan qaado oo uu fulliyo.

Waxaa soo martay Senator Obama fursado aad qaali u ah wuuna ka faa'idaysatay iyadoo loo doortay Gobolka uu ka yimi oo ah Illinois laba goor oo ah waqtigiiba 4 Sanadood oo uu markaana uu sidaa ku qaatay 8 Sanadood oo uu ka mid ah Aqalka Odayaasha ee Dalka Maraykanka intii uu Aqalkan ka mid ahaana wuxuu aad wax uga qabtay Qaybo fara badan oo ay Dadkiisa u baahnaayeen , iyo kuwa Caalami ahba iyo Xirrada Dibada ee Wanaagsan.

Senator Baracka Obama ayaa Guulaha uu soo hooyey waxay Shacabka Maraykanka iyo Dunidaba ku noqotay wax amkaag ah oo ay la yaaban yihiin , Dhammaan Goboladii uu looltanka u tegay ayaa wuxuu inta badan Dadka degani kala hadlayey horumarinta iyo ballanqaadyo uu la galayey sidii uu wax uga qaban lahaa Caafimaadka ,Dhaqaalaha ,iyo weliba Waxbarashada ,sidaa darteedna uu ku noqday inuu helay kalsoonidii Shacabka .

Senator Obama ayaa wuxuu noqon doonaa Madaxweynihii ugu horeeyay ee African American ah ee ka taliya Dalka Maraykanka wuxuuna geli doonaa Taariikhda Maraykanka iyo Dunidaba haddii uu ku guulaysto Tartanka ugu dambeeya ee dhici doona bisha Nov.ee Sanadkan aannu ku jirno , waxaa ay iska hor imaan doonaan Senator John Macean oo ka soo jeeda Xisbiga Rebublicanka iyo Senator Obama oo ka soo jeeda Xisbiga Dimoqoraadiga oo ay Shacabka intooda badani u Ololaynayaan inay Codkooda siin doonaan inta la hubo.

Senator Baracka ayaa wuxuu kaloo ballan qaaday inuu siyaasadda Dibadda ee Dalka Maraykanka uu wax weyn ka bedeli doono haddii uu ku guulaysto tartanka kama dambeysta ahi ee Madaxtinimada Dalka Maraykanka ee dhici doona Sanadkan Dhammadkiisa bisha November 2008, waxaana la filayaa inay arrintani dhab noqon doonto.


isha sawirka: http://barackobama.com/


isha sawirka: http://barackobama.com/

Madaxweyne Baracka Obama ayaa wuxuu guusha uu ka helay tartankii soconayey ee Dalka Maraykanka wuu noqday mid laga sugayey , sababtoo ah heerkii uu waxbarashada ka gaaray iyo Hoggaaminta arimaha bulshada darteed , Senator Obama waxaa laga filayaa in uu noqdo Madaxwenihii ugu horeeye ee Africakan American ah ee ka taliya Waddanka Maraykanka iyadoo heerka uu maanta ka gaaray tartankani uusan weli Nin African American ahi weli gaarin , Madaxweyne Baracka Obama wuxuu ka sugayaa inaad mar kale Codkaada siiso si uu kaaga caawiyo nolosha horumarkaaga adiga iyo Qoyskaagaba.

Eng. Cabdulqaadir Cumar Yuusuf (Daandurey)
Somalihungerhivprojectus2004@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | May 20, 2008

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com
IIDHEH
XAYAYSIIS