SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

WARSAXAAFADEED KU SAABSAN KU SAABSAN KA BIXITAANKA EHTHIOIPA EE GOBOLKA HIIRAAN

      Isbahaysiga Dib u xoreynta Soomaaliya waxa uu soo dhaweeynayaa ka bixitaanka ciidamada Ethiopia  gobolka Hiiraan, waxaa uuna caddeynayaa in guuritaankaan ugu dambeeyey ee ay ciidamada Ethiopia uga guureen gebi ahaanba Gobolka Hiiraan in uu ku yimid wadahadal  iyo dadaal dheeraad ah uu bixiyey Isbahaysiga dib u xoreynta Soomaaliya ,gaar ahaan guddiga nabadgelyada.

      Waa Allah mahadii haddii uu maanta G.Hiiraan madax banaan yahay culeyskii  ciidamada gumeysigana  laga dulqaaday, dadweynihii barakacayna ay bilaabeen inay guryahoodii dib ugu soo noqdaan si ay noloshoodii caadiga ahayd dib uga bilaabaan halkaasi.

      Isbahaysiga oo ka tacsiyadaynaya wixii dhib ah ee soo gaaray dadweynaha G.Hiiraan intii ay ciidamda gumeysiga ah ku sugnaayeen Gobolkaasi , waxaa uu ammaan iyo bogaadinba u jeedinayaa xooggaga muqaawamada ee u dhabar adeygay  sidii ay dalkooda, dadkooda iyo diintoodaba u badbaadin lahaayeen,  waxa uu dadweynaha gobolka iyo masuuliyiintoodaba ugu baaqayaa inay sugaan nabadgelyada guud, soona celiyaan nidaamkii iyo kala dambeyntii gobolka ka jirtay intii aysan soo gelin gobolka ciidamada gumeysiga.

      Gobolka Hiiraan waxa uu u baahan yahay dib u dejinta dadkii barakacay iyo taakuleyntooda ee uma baahna in laga shaqeeyo sidii colaad joogta ah loogu hayn lahaa, sidaasi darteed Isbahaysigu waxa uu ugu baaqayaa dadweynaha G.Hiraan iyo madaxadootdaba inay gacmaha is qabsadaan kana shaqeeyaan horumarinta danaha guud,dhegna aysan jalaq u siinin weedha xun ee ka soo yeereysa kuwa aan xilkaska ahayn.

      Isbahaysiga waxa uu ugu baaqayaa kuwa wajiga cusub  ee dadweynaha lagu waxyeelleeynaya la soobaxay ee kaga mashquulay hadafkii weynaa ee la isgu yimid xaqiijinta danahooda gaarka ah  sida carqalateynta duulimaadyada rayidka, ka shaqeynta khilaafka iyo ku jahawareerinta bulshada erayo u adeegaya danaha cadwga Soomaaliyeed inay Allahooda ka cabsadaan, qaderiyaanna marxaladda uu maanta dalku maryo ee u baahan wada jir, ismaqal iyo kala dambeyn, ayna ogaadaan haddii aysan ka waantoobin falalka aan u adeegeynin danaha guud ee shacabka in laga tashan doono.

      Ugu dambeyntii Isbahysigu waxa uu Hayadaha samafalka Soomaaliyeed iyo kuwa caalamkaba ugu baaqayaa inay garaar iyo samafalba la soo gaaraan bulshada Soomaaliyeed ee dhibaateysan guud ahaa , Gaar ahaan kuwa ku dhaqan G.Hiiraan si ay uga soo kabsadaan burburkii iyo barakacii gaaray xilligii Ciidamada cadawga iyo ku sugnaayeen halkaasi, iyadoo uu Isbahysiga caddeynayo in Gobolkaasi ay manta ka jirto nabadgelyo la isku haleyn karo oo ay horsed ka yihiin guddiga gobolka.

      Xafiiska Warfaafinta ee ARS

      Jabuuti, 29/09/2008.

 

 

Faafin: SomaliTalk.com |  Sept 30, 2008

BAARID | SEARCH


"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda..  iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28

safiirSafiirka Ethopia ayaa ka hadley sababaha uu u tago shirka Soomaalida uga socda Jabuuti... Wareysi Kooban ee SomaliTalk... Akhri... Sept 22

UNWakiilka Qaramada Midoobey oo Maamulka Puntland ku eedeeyey Burcad badeedda
iyo Heshiiskii Shirkii Jabuuti oo Jahwareer culus soo food saartey... Akhri... Sept 20

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS