SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Barnaamijkii Radio Xoriyo
27 September 2008.

Dagaallo lagu jabiyay ciidammada gumaysiga
Waxyeello gumayasigu u gaystay dadwaynaha
Samafalayaashii la afduubay oo wali la haysto
Barnaamijkii Aragti Halgamaaga (Shirqoolada gumaysiga iyo dabadhoonkiisa)
======================
Dagaallo lagu jabiyay ciidammada gumaysiga


In ka yar toddobaad gudihii dagaallo dhawr ah oo dhex-maray CWXO iyo kuwa gumaysiga Itoobiya, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay ugu yaraan 48 askari, waxaa sidoo kale lagaga dhaawacay 41 askari, sidaas waxaa noo soo tabiyay wariyaha noga soo warrama dalka Ogadeenya. Dagaalladaasi waxay u dheceen sidatan;

24/09/08 dagaal adag oo ka dhacay Karoodka, oo Qabridaarre ka tirsan, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 25 askari, 18 kalana waa lagaga dhaawacay.

21/09/08 dagaal ka dhacay Dhalacad, oo dhagaxbuur ka tirsan, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 2 askari, 1 kalana waa lagaga dhaawacay.

15/09/08 weerar kadiso ah oo lagu qaaday ciidammo gumaysigu leeyahay oo ku sugnaa Gudhis, waxaa lagaga dilay 4 askari, 6 kalana waa lagaga dhaawacay.

Sidoo kale 15/09/08 waxaa weerar dhabba-gal ah lagu qaaday ciidammo gumaysigu leeyahay oo ku sugnaa Higlaley, wxaana lagaga dilay 5 askari, 6 kalana waa lagaga dhaawacay.

14/09/08 cutub ka tirsan CWXO ayaa weerar mir ah ku qaaday ciidammada gumaysiga ee ku sugan degmada Gunagado, waxayna gaadhsiiyeen khasaare aan faahfaahintiisa la haynin.

13/09/08 waxaa sidoo kale weerar mir ah loo gaystay ciidammada gumaysiga ee fadhiigu yahay Higlaley, wxaana weerarkaas gumaysiga lagaga dilay inta la ogyahay 9 askari, 8 kalana waa lagaga dhaawacay.

01/09/08 weerar sidoo kale lagu qaaday ciidammada gumaysiga ee ku sugan Sasabane waxaa lagaga dilay 3 askari, 2 kalana waa lagaga dhaawacay.

Isla 01/09/08 waxaa weerar mir ah lagu qaaday ciidammada gumaysiga ee ku sugan Coballe, waxaana la gaadhsiiyay khasaare aan faahfaahintiisa la haynin.

Waxyeello gumayasigu u gaystay dadwaynaha


Ciidammada gumaysiga ayaa waxyeellooyin kala duwan, dil iyo xidhayba ka mid yihiin, u gaystay dadwayne rayad ah, meelo kala duwan oo Ogaadeenya ka mid ah. Waxyeellooyinkaasi waxay u dhaceen sidatan;

25/09/08 Yaxaynta-Boore, oo Laga-hidda ka tirsan, waxay ciidammada gumaysigu ku dileen nin shacab ah oo lagu magacaabo Maxamed C/llaahi, kaasoo ay ciidammada gumaysigu Qorina ka dhaceen.

24/09/08 Karoodka, oo Qabridaharre ka tirsan, waxay ciidammada gumaysigu ku dileen labo nin oo rayad ah oo lagu kala magacaab;
1- Maxamuud Askar iyo
2- Maxamed C/nuur

22/09/08 Qudhac, oo Laga-hidda ka tirsan, waxay ciidammada gumaysigu ku dileen nin rayad ah o magaciisa aanaan wali halin.

02/09/08 meesha lagu magacaabo Garbo-midgaan, oo Dhuxun ka tirsan, waxay ciidammada gumaysigu ku dileen Maxamed Khaliif Maxamed oo ahaa nin shacab ah.

24/09/08 iidammada gumaysiga ayaa magaalada Dhagaxbuur ku xidhxidhay dadka kala ah;
1- Maxaed Naasir Axmed
2- Cabdi Cilmi Gannad iyo
3- Axmed Kaad C/llahi

21/09/08 Qaw-dheere, oo Dhagaxbuur ka tirsan, waxay ciidammada gumaysigu ku xidheen gabadh lagu agacaabo Xaliimo Jaamac Hirad.

20/09/08 Gumarta, oo Dhagaxbuur ka tirsan, waxay ciidammada gumaysigu lacagayow kaga dhaceen labo nin oo lagu kala magacaabo;
1- Faarax Badow oo ay 4000 oo Bir ka dhaceen iyo
2- Yuusuf Burane oo au isagana 4000 oo Bir ka dhaceen.
Waxay isla goobtaas jidhdil ba;an ugu gaysteen nin lagu magacaabo Maxamed Deeq Wacdi. Waxay iyadana halkaas ku kufsadeen gabadh xaamilo ah oo lagu magacaabo Hinda Maxamed Shakuul.

16/09/08 Karin-Gacan, oo degmada Dhagaxmadow ka tirsan, waxay ciidammada gumaysigu ku kufsadeen haweenay lagu magacaabo Ceebla Nuur.

15/09/08 magaalada Guagado waxay ciidammada gumaysigu ku xidhxidheen dadka kala ah;
1- Kilaas Xasan Haybe
2- Murshid Sh Axmed
3- Cabdi-madoobe
4- C/risaaq Maxamuud Aar
5- Cabdi Cumar-dheere
6- Axmed Macalin Jigre iyo
7- Fadxi Macalin Daahir

12/09/08 Garasley waxay ciidammada gumaysigu rashiin kala duwan oo 150 Kiish dhan kaga dhaceen gabadha lagu magacaabo Canab Sh C/llaahi.

10/09/08 magaala madaxda Godey waxay ciidammada gumaysigu hanti samafal loo waday kaga dhaceen oo ku xidhxidheen labo muwaadin oo walaalo ah, kuwaasoo ay ka dhaceen adduun gadhaya 100.000 oo Bir ay ahayd lacag Sako ah oo ay ka soo ururiyeen dalka Sucuudi Carabiya, taasoo ay doonayeen inay u qaybiyaan dadka abaaruhu naafeeyeen ee deegaankaas ku tabaalaysan. Labadan muwaadin waxaa lagu kala magacaabaa Khadar Nabadiid iyo Sahra Nabadiid.
Waxay sidoo kale ciidammada gumaysigu jidhdil baʼan iyo xidhay u gaysteen dad kala ah;
1- Siraad Maxamuud Carte
2- Sharis Maxamuud Carte iyo
3- Ina Cabdi Ganboole oo magaceeda aanaan haynin.

09/09/08 waxay ciidammada gumaysigu magaalada Dhagaxbuur ku xidhxidheen dad rayad ah oo badan, waxaana magacyadooda helnay;
1- Fardowsa Muxumed
2- Quresh C/llaahi
3- Raxma Taxaliil
4- Aamina Raabi Cali-nuug
5- Rooda Maxamed Xasan
6- Fartuun Cumar Aaden
7- Ruqiya Maxamed Aar
8- Sh Maxamed Xasan
9- Sh Axmed Sh Xuseen iyo
10- Gurey Sh Maxamed Xasan

07/09/08 magaalada Dhuxun waxay ciidammada gumaysigu ku xidhxidheen seddex wadaad oo kala ah;
1- Sh C/llaahi Barkhadle
2- Sh Cabdi Mataan iyo
3- Sh Maxamed Xaji Dahir.

02/09/08 waxay ciidammada gumaysigu deegaanka Garasley ku xidhxidheen dadka kala ah;
1- Faadumo Xuseen
2- Saynaba Xaaji C/llahi
3- Gorda Maxamed Axmed iyo
4- Cadeeya Maxamed Diiriye

29/08/08 magaalada Dhagaxbuur waxay ciidammada gumaysigu ku xidheen nin shacab ah oo lagu agacaabo Axmed Maxamuud Carab.

28/08/08 Yuca, oo Dhuxun ka tirsan, waxay ciidammada gumaysigu dhac ugu gaysteen dadka kala ah;
1- Nuuriye Cumar Nuur oo ay 45 Neef oo Adhi ah ka qasheen
2- Axmed Maxamed Carraale oo 1 Sac ay ka qasheen
3- Barkhad Cabdi Kaariye oo isagana ay 1 Sac ka qasheen
4- Ilma Takhal oo ay iyagan 25 Neef oo Adhi ah ka qasheen iyo
5- Ilma C/nasir oo ay 20 Neef oo Adhi ah ka qasheen.

Sidoo kale 28/08/08 Garasley waxay ciidammada gumaysigu ku kufsadeen labo gabdhood oo lagu kala magacaabo;
1- Fadumo Carab Baxooshe iyo
2- Nimco Sh Nuur.

Samafalayaashii la afduubay oo wali la haysto


Samafalayaal horrantii toddobadkan laga afduubay deegaanka Laas-caano, oo ka tirsan degmada Shilaabo, ayaa wali lagu haystaa nawaaxiga Guriceel ee dalka Soomaliya.

Urur xaruntiisu tahay magaalada Paris ee dalka Faraniiska ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in nin iyo haweenay u shaqaynayay laga afduubay Laas-caano habaynkii siniinta oo loola kacay dhinaca Guriceel ee dalka Soomaliya. Ururkan, oo lagu magacaabo Mdecines Du Monde, ayaa intaas ku daray in shaqaalahan la afduubay ay hawlo caafimad ka wadeen dalka Ogaadeenya markii la afduubtay.

Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogadeenya JWXO ayaa bayaan ay soo saartay waxay si kulul ugu canbaraysay afduubka loo gaystay shaqaalahan samafalka ah, waxayna falkaas ku tilmaantay mid cadowtinimo ah oo sii kordhinaya dhibatadii ay dadwaynaha Ogadeenya ku jireen ee ka dhalatay Abaaraha baʼan ee Ogadeenya ka jira iyo xayiraada adag ee dhinac dhaqaalaha iyo gargaarka ah ee gumaysatada Itooiya ku hayso.

JWXO ayaa rumaysan in falkan waxshinimada ah loola jeedo sidii loo wiiqi lahaa dadaalka beesha caalamka ee ku addan sidii gargar loo gaadhsiin lahaa dadwaynaha Ogadeenya ee Abaaraha iyo cunaqabatayntu sigu darsameen, waxayna tilmaantay inay ku dadaali doonto sidii samafalayaashaas looga soo furfuri lahaa nacabka ma naxariistaha ah ee haysta.

27 September 2008

Axmed Gaal-Eri

Radioxorio@radioxoriyo.com
Raadioxoriyo@yahoo.com

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 41 MB ee dhererkeedu yahay 7560 KHZ,iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com Maalmahaa Talaadada & Sabtida 5:00PM – 5:30 waqtiga Afrikada Bari

 

Faafin: SomaliTalk.com |  Sept 28, 2008

BAARID | SEARCH


safiirSafiirka Ethopia ayaa ka hadley sababaha uu u tago shirka Soomaalida uga socda Jabuuti... Wareysi Kooban ee SomaliTalk... Akhri... Sept 22

UNWakiilka Qaramada Midoobey oo Maamulka Puntland ku eedeeyey Burcad badeedda
iyo Heshiiskii Shirkii Jabuuti oo Jahwareer culus soo food saartey... Akhri... Sept 20

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22

Hayadda batroolka SoomaaliyaDFKMG oo Heshiis u Saxiixday Shirkadaha Batroolka ee Kuwait Energy iyo Medco Energi...
Maadaama shirkadahaasi jaal la ahaayeen Geeddi ma lagu macnayn karaa in la soo celinayo Geeddi Akhri


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS