Dhaqdhaqaaqyada Ganacsi Ee Baardheere Oo Sii
Xoogaystay
Magaalada Baardheere ayaa waxaa laga dareemayaa dhaqdhaqaaqyo
aad xoogan waxaana suuqyadda ay yihiin kuwo aad u mashquulsan
islamar ahaantaasina ay buux dhaafiyeen dad aad u fara badan oo
guda jira dukaameeysi si ay u iibsadaan dhar iyo agabka kale ee
lagu ciido.

Dad Dhexsocdo Bartamaha Baardheere
Walaw ay jiraan dhaqdhaqaaqyadaasi ganacsi
ayaa inta badan dadku ay ka cabanayaan qiimaha iyo sicirka
alaabta iyo badeecooyinka kale oo sare u kacay tan iyo markii ay
soo baxeen burcad badeed ka qowlaysata baddaha iyo qulqulatooyin
ganacsi adduunka.
Ganacsatada ayaa dhinacooda ay sheegayaan in
aysan faa’iido ku qabin ganacsiga taasoo ay dusha kaga tureen
qiimaha doolarka oo aan fadhin iyo dadka oo aan imaanaynin
suuqyada iyadoo ay sheegeen in qiimaha ay wax gadayaan oo aysan
ku kalsoonaan Karin maadaama uusan dollarku fadhin.

Gaadiid Ganacsi Laga Daabulayo
Qaar kamid ah dadkaasi oo aan la sheekaystay
ayaa waxaa ay sheegeen in ay ka maageen inay wax u iibiyaan
caruuteeda maadama ay lacagtii noqotay mid aan waxba
taraynin.mid kamid ah dhalinyara oo aan la hadlay ayaa ii
sheegay in macawuusta sabae hindida ah laga siiyay 1,000,000 oo
u dhiganta 30 $, taasina waxa uu tilmaamay in aysan awoodin
dhalinyaro badan.
Suuqyadda Badarka ayaa waxaa ay u muuqdaan
kuwo mashquulsan . waxaana ay haweenku ku mashquulsanyihiin
beegidda badarka iyo galayda taasoo ay dadku ku bixiyaan
sakaatul Fidriga.
Waxaa soo diyaariyay
Maxamed Gaarane Aadan
Gaarane68@hotmail.com
Baardheere/GEDO