SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Raiisal wasaaraha Dowlada fadaraalka KMG somaliyeed oo ugu baaqay caalmaka in uu furan yahay Adan Cade International Airport iyo isaga oo noqday mas.uulkii ugu horeyey ee si nabad ah uga soo dagay Khamiistii

diyaaradii siday Raiisalwasaare Nuur Xasan Xuseen iyo wafdi uu hogaminayey ka dib markii ay magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti kaga soo qeyb galeen shirkii dib u heshiisiinta ee DF iyo isbaheysiga dib u xoreynta wejigiisa saddexaad oo dhowaan halkaasi lagu soo gebagebeeyey iyadoo aysan jirin wax natiijo ah oo ka soo baxay ka dib markii la isku mari waayey qodobada qaar.

raiisal wasaare Nur Cadde ayaa si lama filaan ah saaka usoo caga dhigataydiyaaradii siday garoon uu muran badani ka taagnaa maalmihii ina soo dhaafay taasoo sababatay in ay ku geriyoodaan dad badan kuwana uu dhaawacyo kala duwan ka soo garay halka qaarkoodna ay u dhinteen madaafic lala maaganaa diyaaradaha ka soo dagayey iyo kuwo lagu difaacayey kuwaasoo ay isweydaarsanayeen ciidamada dowlada iyo kuwa shisheeye oo isku dhinac ah iyo qaar ka mid ah koxaha dowlada ka soo horjeedo oo ay ugu horeyso koxda alshabaab oo iyadu sheegatay mus.uuliyada lagu xiray garoonka diyaradaha Muqdisho ,

markii la arkay in ay diyaradi timid saaka ayaa dad badani shaki galay waxaana la sugayey in uu bilowdo dagaal kale oo uu dhiig ku daato sidii caadada noqotay beryihii ina soo dhaafay balse taa ma aysan dhicin waxaana shacabka Muqdisho ay isku marxabeeyeen in diyaradii timid isla markaana uusan dhicin wax iska hor imaad ahi,

shirkaan jaraid ayuu kaga hadlay raiisal wasaaruhu arimo badan oo quseeyo dalka gudihisa iyo dibadiisa iyo shirkii jabuuti qadobadii lagu garay iyo sidoo kale wixii ka soo baxay safarkiisa ugu danbeeyey wuxuuna salaan u so gudbiyey umada somaliyeed isaga oo sheegay raiisal wasaaruhu in uu daalan yahay hadal badana diyar u eheyn in uu goobta ka sheego ,

raiisal wasaare Nuur cade ayaa ilaah u baryey umada somaliyeed in uu dhibaatada ka saaro sanadkaan kiisa kale na uu ku garsiiyo nabad iyo barwaaqo

wafdiga raiisal wasaaraha ayaa ka qeyb galay shirkii Jabuti ay ku lahaayeen dowlada fadaraalka iyo qaar ka mid ah kooxaha ka soo horjeedo iyo sidii uu u dhaqan gali lahaa heshiiskaas iyo qodobadii lagu garay 17kii ilaa 21 kii bishaan oo ay ka soo baxeen qodobo badan wuxuuna sheegay in la dhisay laba gudi oo kala ah gudiga amniga iyo gudiga heer ka sare kaas oo ka kooban min laba xubnood dhianacyada ka kala socdo

raisal wasaare ayaa sheegay in shirkii jabuuti uu dhamaaday balse ay jiraan qodobo la isku afgartay iyo kuwo weli ay wax ka dhiman yihiin wuxuuna sheegay in loo saaray gudi qiimeeya qodobada la isku mari waayey mudo 15 maalmood ah gudahod wuxuuna hoosta ka xariiqay in bil ka dib uu shirku dib u furmi dono .\

raiisal wasaare Nuur Cade ayaa sheegay in la isku afgartay qaabkii lo dhaqan galin lahaa qodobadii shirka dib u heshiisiinta ee lagu qabtay dalka jabuuti isaga oo dowlada iyo shacabka jabuuti u diray mahad celin balaaran ,

Nuur Cade wuxuu cadeeyey in arimo badan isku aragti laga noqday shirkii juun 11dii iyo kii agoust 19 dii iyada oo la dhaqan galiyey xabad jojin mana dhow ciidamo kala qaadidi iyo wax la mid ah ,

dhanka kale nuur cade ayaa sheegay in shirkaan mid ka horeeyey ay iskuugu yimadeen xubno kakala socdo beesha contact gruop shirkaan ayaa qaatay hal maalin waxaana lagu tageeray shirkii jabuuti go.aanadi ka so baxay

Muuse Maxamuud Jiisow

musejisow@hotmail.com

Muqdisho Bakaaro Somalia

00252-1-5576666

00252-50-907666

Faafin: SomaliTalk.com |  Sept 26, 2008

BAARID | SEARCH


safiirSafiirka Ethopia ayaa ka hadley sababaha uu u tago shirka Soomaalida uga socda Jabuuti... Wareysi Kooban ee SomaliTalk... Akhri... Sept 22

UNWakiilka Qaramada Midoobey oo Maamulka Puntland ku eedeeyey Burcad badeedda
iyo Heshiiskii Shirkii Jabuuti oo Jahwareer culus soo food saartey... Akhri... Sept 20

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22

Hayadda batroolka SoomaaliyaDFKMG oo Heshiis u Saxiixday Shirkadaha Batroolka ee Kuwait Energy iyo Medco Energi...
Maadaama shirkadahaasi jaal la ahaayeen Geeddi ma lagu macnayn karaa in la soo celinayo Geeddi Akhri


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS