Burbur Baaxad Leh Oo Soo Gaaray Maxkamadda Sare Ee Deg.Baardheere
(Daawo Sawirada Burburka Maxkamadda)
Maxkamadda
sare ee Deg.Baardheere ayaa waxaa soo gaaray burbur baaxad
leh tan iyo markii ay dhacday dowladdii dhexe ee Soomaaliya
xiligaasi oo ay dalka ka bilowdeen dagaallo ahli ah.
Inkastoo maxkamadda Sare ee Deg. Baardheere dib loo aas aasay sanadii 1993 ayaa waxaa maxkamadda ka muuqda burbur iyo dayactir la’aan saamaysay dhismaha iyo ardaaga hore ee guryaha, taasoo dib kuu xusuusinaysa samaynta dagaallada sokeeye ay dhaxal siiyeen waaxihii garsoorka dalka.
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Degmada Baardheere Shiek Xuseen Kaarshe Cali oo aan kula kulmay halkaasi xili ay ku gudo jireen dhagaysiga dacwado dhawr ah ayaa iiga waramay duruufaha adag oo ay ku shaqeeyaan.
Wariye Gaarane: Marka hore iiga waran jawiga ay maxkamadu ku sheqeyso iyo dacwadaha aad qaadaan?
Shiek
Xuseen Kaarshe: Mahadsanid Gaarane maxkamada waxay ku
shaqeysaa xaaladdo aad u adag ,kuwaasoo aan ka dhaxalnay
dowladda la’aanta maxkamaddu waxa ay qaadaa dacwado kale
duwan sida qilaafyadda qoysaska, dhulka, xaqinta dhiiga iyo
arrimo badan mana jirto cid si gaar ah u taakulaysa
maxkamadda. Waxaana aan ku shaqeynaa iskaa wax u qabso.
Wariye Gaarane: ka waran dacwadaha aad qaadaan.Maxaa ugu
badan.Maxaadse wax ku xugmisaan?
Shiek Xuseen Kaarshe: Allxamdulilaah Qowlka Eebbe iyo
dacwadaha na soo gaara waxa ugu badan isqabqabsiga dhulka
sida boosaska iyo beeraha. Waxaana aan la kaashanaa
marqaatiyaal si loo helo cadaymo illahayna waa uu nagu
guuleeyaa.
Waiye Gaarane: Ugu dambayn waxaa ii muuqanaya burbur marka maxaad soo jeedin lahayd oo hadda ugu daran ee maxkamadiina haysta?
Shiek Xuseen Kaarshe: hadda maxkamadda waxa ugu daran ee
haysta waa dhaqaale la’aan intabadan waxaa naga horyimaadda
duruufo xittaa tasiilaadkii ay u baahnayd maxkamadda waxaana
aan ka codsanayaa in gacan nalaga siiyo dhinacyaddaas.
Mahadsanid
Max’ed Gaarane Aadan
Baardheere/GEDO