Gudigii hore ee Dastuurka Qaranka oo xubno cusub lagu darey
Tan iyo markii lagu dhawaaqey shirkii dibu-heshiisiinta
dhinacyada ARS iyo TFG-da 09/06/2008-da ee ay ku heshiiyeen
qodobo labada dhinac taabanayey, islamarkaana ahaa kuwo aad
xasaasiya, balse xiliga heshiiska la gaararey u muuqdey kuwo aan
maskaxda geleyn, ayaa waxaad moodaa hada in maalinba maalinta ka
dambeysa shirku uu tilaabooyin dhinaca isu soo dhawaanshaha
labada dhinac ay jiraan oo si hoose u socda, balse aysan qaadin
tilaabo weyn oo muuqata oo shacabka Soomaaliyeed uu kaga baxo
dhibaatooyinkii kala duwanaa ee ay u geysanayeen kuwa hamuunta u
qaba qabashada mas’uuliyadda ugu sareysa ee dalka Soomaaliya.
Waxaana la dhisey gudiyo siyaasadeed iyo kuwa nabadgelyada oo
labada dhinac ay ku mideysan yihiin, waxaa la gaarey go’aano
kala duwan oo qaarkood noqdey kuwo mira dhaley, halka kuwa kale
ee ubucda u ahaa heshiiskuna aan wali wax tilaabo ah xagooda loo
qaadin, iyadoo ay jiraan xagal daacin fara badan oo ka imaaneysa
shekh-siyaad Soomaali ah iyo Beelaha danleeyda caalamka (Beesha
Caalamka).
Shirkii ugu dambeeyey waxay go’aansadeen dhinaca siyaasada marka
laga hadlo in ay qaybsadaan dhismaha Gudiga dastuurka Qaranka oo
hore Baarlamaanka DFKMG uu u ansixiyey, in xubno Is-bahaysiga
matalaya lagu daro, sida aanu ka helney ilo wareedyo kala duwan
oo ka tirsan labada dhinac, in si wadajir siminaar dhinaca
colaada joojinta, wadanoolaansha, sugida amniga iyo gaarsiinta
gargaarka ay uga ambabaxaan dalka South Africa gudiga wadajirka
ee arimaha Nabad-gelyada, kaasoo lagu wado marka ay dhamaato
bisha ramadaan aynu ku jirno iyo ku dhawaaqista Hay’ad dhinaca
gargaarka Soomaaliya oo ay si wadajir ah u maamulayaaan labada
dhinac, islamarkaana Hay’adaha kale ee Caaalamka ay hoos
yimaadaan Hay’addan.
Gudiga Dastuurka Qaranka xubnaha ku jira mar aan u kuur galey
waxay ii sheegeen in dastuurku intiisa badan uu awood siinayo
Kitaabka iyo sunada (NNNK), halka gudiga wadajirka sida uu u
dhan yahayna la iigu sheegey in ay tegidoonaan Magaalada
Johanisbaag ee dalka South Africka, halka Hay’adan gargaarkuna
fadhigeeda uu noqondoono caasimada dalka Jabuuti, iyadoo awooda
saareysa sida ugu macquulsaan ee lagu gaarsiinkaro gargaarka
goobaha ay ka jirto dhibaatooyinka, sida ay sheegeen Axmed
Cabdisalaan iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo labada dhinac u
kala sixiixey heshiiska.
09/06/2008-da waxaa dhacay is af-garadkii ugu horeeyey waxaana
laga soo saarey 11-qodob, oo ay ugu muhiimsanaayeen in Ciidamada
Ethopia dalka ay uga baxaan 120 maalmood gudahood, bedelkoodana
la keeno ciidamo ka socda UN-ka, lana sameeeyo xabad joojin
labada dhinac iyo kuwo kale, waxaana jira su’aalooyin ad adag oo
u baahan in shacabka Soomaaliyeed iyo kuwa ku hawlan arimahaan
ay islafahmaan, su’aalooyinka taagan waxaa ka mid ah maxaa ka
hirgaley qodobadii xasaasiga ahaa, maxaase hor taagan in la
fuliyo qodobadan sida ay u dhan yihiin, wadahadaladaan socdaase
miisaan intee la eg ayey ku leeyihiin dalka gudihiisa, maxaase
soo kordhey ilaa iyo intii heshiiska si guud loo sixiixey,
dhamaan su’aalooyinkaan iyo kuwo kale oo fara badan ka
jawaabistooda waxay u taalaa inta horboodeysa arimahaan sidii ay
ugu bedeli lahaayeen ficil muuqda.
Hadii aan dib u eegno qodobadii ugu horeeyey kuwooda ugu
muhiinsanaa, dadku waxay isla fahmiwaayeen 120 maalmood ee loo
qabtey ciidamada Ethopia xiliga ay bilaabaneyso, inkastoo dadka
qaarkood ay u fasirteen in xiliga la sixiixey heshiiska ay ka
bilaabaneyso, balse Saxaafada qaybaheeda kala duwan oo si weyn u
dabagashey xiliga heshiiska uu bilaabanayo ayaa arintu waxay
kusoo gebagebowdey marka heshiiska si rasmi ah loo sixiixo,
islamarkaana la tago dalka Sucuudi Arabia, laakiin shirkii
labaad ee lagu qabtey isla caasimada dalka Jabuuti taariikh-du
markey ahayd 16/08/2008-da, islamrkaana la soo gebagebeeyey
18/08/2008-da ayaa waxaa lagu dhawaaqey 19/08/2008-da ay ka
bilaabaneyso xiliga ay baxayaan ciidamada Ethopia, balse
jadwalka ay ku baxayaan ay soo diyaarinayaan gudiga nabadgelyada
ee lagu dhisey kulankii labaad ee dhacay 16/08/2008-da.
Lamahayo ciidamadii UN-ka ka socdey, lama fulin qodobaddii
xasaasiga ahaa, waxaa soo yaraanaya rajada miisaanka
wadahadaladaan ka socdaa Caasimada Jabuuti ee shacabka
Soomaaliyeed u hayo, mar hadii qodobadii lagu heshiiyey aan wali
wax tilaabo ah hore loogu qaadin, iyadoo markii lagu dhawaaqayey
heshiiska oo hada laga joogo 108 maalmood oo markaa si weyn ay
dadweynaha Soomaaliyeed ugu guuxeen ku dhawaaqista heshiiskaas,
waxaana soo baxay in mucaaradkii mideysnaa uu u kala jabo ugu
yaraan laba, TFG-duana ay is casilaan ugu yaraan 9 Wasiir iyo
laba Wasiir ku xigeen, waxaa xilkii laga qaadey Gudoomiyihii
Gobolka Banaadir, taasoo keentey khilaaf dhaliyey mas’uuliyiinta
sar sare ee DFKMG in ay dalka ka dhoofaan oo in mudo ahna ay ku
sugnaadaan dalka dibadiisa sidii iyagoo u eg dembiilayaal
shisheeye, waxayna dalka ku soo noqdeen, iyagoo wareersan oo mid
kasta uu soo gaarey go’aan isaga u gaar ah oo aan la ogeyn,
balse markii ay yimaadeen oo ay dhex fariisteen xirtoodii, mid
kassta wuxuu la soo baxay sawir midabyo kala duwan wata.
Xertoodii markii ay la hadleen waxaa uga soo baxay hadalo aysan
fileyn oo qaarkood gaarey meelo fog fog, halka kuwa kale la duwl
dhigey awood ah in miisaan la saaro, inkastoo miisaankii la
saarey lagu guuleystey hadana, waxaa xirtii loo soo bandhigey
xirsigii loo gooyey daawada khilaafka mas’uuliyiinta sare ee
DFKMG, kaasoo markii dambe xirtii iska xoortey, waxayna ku
sheegeen in uu ahaa xirsigan mid khaldan, hawshuna waxaad moodaa
in ay ka daran tahay tii hore, 16/09/2008-da waxaa caasimada
Jabuuti isugu yimid wufuud kala duwan oo ka socota beelaha
danleeyda caalamka oo u muuqdey, kuwa sii falaya khilaafkii
mas’uuliyiinta sar sare ee TFG-da, halka Is-bahasiguna ay soo
food saartey jawi siyaasadeed culus oo wajiyo kala duwan wata oo
ay ugu horeyso, hab maamulka DFKMG in uusan ahayn mid u bisil
hawlaha hor yaala labadooda dhinac, xitaa hadii ay u bisil
yihiina aysan isku aragti ka ahayn fulin heshiiska la gaaro,
taasoo caqabad ku ah xubnaha Is-bahaysiga Dibu-xoreynta
Soomaaliya.
Dhamaaan arimahaas iyo kuwo kale oo fara badan waxay keeneenn in
wax walba dib loo dhigo, marka laga reebo hawlaha aan kor kusoo
xusney, waxaa keloo soo baxay magacyo iyo awood cusub ooh ore
uga tirsanaa midowgii maxkamadaha Islaamiga oo iyagana ka soo
horjeeda qaabka ay wax u socdaan iyo xubnaha heshiiska lala
galayo, maadaama hore ay ugu kala irdhoobeen iyaga gudahooda
qaabka wadahadalada iyo wadashaqeyntii ka dhexeysay, sidoo kale
waxaa taagan khatar dhinaca xeebaha Soomaaliya oo ay kusoo
xoogeysanayaan burcad badeed, inkastoo ay jiraan dowlada wada
qorsho lagula dagaalamayo, balse aan la ogeyn waxa ka imaankara
hawlgalkooda, laakiin shacabka soomaaliyeedoow Diintii muqadaska
ahayd, midnimadii, Qaranimadii iyo sharaftii ma waxaad ka
dooratey ma waxaad ka dooratey inaan maalinba magac cusub oo aan
la ogeyn ujeedada iyo waxa ka imaankara taageerada siiso mudo
18-sano, halkii laga rabey inaad ka hortimaado maydka maalin
walba dariiqyada yaala oo aan laga fikirin cida dishey iyo waxa
loo diley.
Maxamed Macallin Cismaan (All-man) Somalitalk Jabuuti.
fatxumaalik@hotmail.com,+253624079