SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Kooxda Futzalka SCE 3 ayaa guuldaro kula kowsatey horyaalka Futzalka 3e klasse B Zaal Voetbal dalka Holand.

Magaalada Nijmegen dalka Holand ayaa waxaa ka dhisan koox dheesha Futzalka isla markaana ay ka mid yihiin dhalinyaro Soomaaliyeed oo dagan magaalada Nijmegen xaafada Dukenburg, kuwaas oo wax ka barta jaamacadaha ku yaal dalka Holand.
Kooxda Futzalka SCE3 ayaa la aasaasay sanadkii hore 2007/2008 isla markaana ay horyaalka ka galeen kaalinta 3aad.

Horyaalka sanadkaan 2008/2009 ayaa ka qayb qaadanaya 9 naadi isla markaana isku wada arki doono min labo goor ayaa si rasmi asbuuci dhawaa uga biloowday bariga dalka Holand.

Kooxda SCE 3 ayaa waxay ciyaar kula yeelatey Eendracht '30 1 garoonka Jan Mazinhal oo ku yaal duleedka magaalada Nijmegen, ciyaartaas oo ahayd mid aad u xiisa badan ayna ka soo qayb galeen dadwayne kala tageersanaa labada kooxood ayaa ku dhamaatey in kooxda SCE 3 looga adkaado xaafadooda 4 goal iyo 5 gaol halka guusha ay ku raacday kooxda Eendracht '301.

Mar aan la xiriirey ciyaaryahan ka mid ah kooxda SCE3 magaciisana la yiraahdo Guled Mohamed Abdi si aan u su’aalo guuldarada la soo gudboonaatey kooxda ciyaartii ugu horeysay horyaalka sanadkaan, madaama sanadkii hore aan laga badanin ilaa la gaaro biloowgii ciyaaraha is aragyada dambe ayaa ii sheegay inay aad u daaleen isla markaana ay soonaayeen sidaa daraadeedna looga badiyay hasayeeshee ay dadaali doonaa ciyaaraha soo socda.

Kooxda SCE3 ayaa ka qayb qaadanaysa horyaal si rasmi ah uga diiwan gashan xiriirka Futzalka dalka Holand, ka qayb galida tartamadaan oo kale ayaa waxay faaido badan u leeyihiin dhalinyarada Soomaaliyeed eek u nool qurbaha madaama tartamadaan ay yihiin kuwa ay kaga faaidaysan karaan inay mustaqbalkooda ciyaaryahanimo.

Ciyaarta Futzalka ayaa ah ciyaar ku dhisan xeelad iyo farsamooyin gaar ah taas oo wax badan ka duwan tan kubadda cagta oo u baahan xoog iyo awood marka laga soo tago farsamada, hadii jaaliyada Soomaaliyeed ay xooga saarana waxaa mustaqbalka laga yabaa inay garoomada caalamka lagu arki doono kooxo Soomaaliyeed iyo amaba dhalinyaro Soomaaliyeed oo ka soo muuqan doono.

Kooxda SCE3 waxay tusaale fiican oo lagu daydo u tahay dhalinyarada Soomaaliyeed iyo kooxaha Soomaaliyeed ee ka dhisan dalalka Galbeedka Yurub iyo North Amerika, kuwaas aan ogayn inay ka qayb gali karaan horyaalada ka socda magaalooyinka ay joogaan.

W/D: Yusuf Yusuf
Secretary General of SSPA & Sports Editor
mrsomalia@hotmail.com
London
 

Faafin: SomaliTalk.com |  Sept 24, 2008

BAARID | SEARCH


safiirSafiirka Ethopia ayaa ka hadley sababaha uu u tago shirka Soomaalida uga socda Jabuuti... Wareysi Kooban ee SomaliTalk... Akhri... Sept 22

UNWakiilka Qaramada Midoobey oo Maamulka Puntland ku eedeeyey Burcad badeedda
iyo Heshiiskii Shirkii Jabuuti oo Jahwareer culus soo food saartey... Akhri... Sept 20

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22

Hayadda batroolka SoomaaliyaDFKMG oo Heshiis u Saxiixday Shirkadaha Batroolka ee Kuwait Energy iyo Medco Energi...
Maadaama shirkadahaasi jaal la ahaayeen Geeddi ma lagu macnayn karaa in la soo celinayo Geeddi Akhri


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS