SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Maamulaha TELESOM oo lacago kala duwan guddoonsiiyay Ururka MoonLigh tiyo Dugsiga Sh. Cali Jowhar.

Munaasabad ka dhacday xarunta shirkada TELESOM ee magaalada Boorama ayaa waxaa Maamulaha Telesom ee G/Awdal Mudane Cabdiqaadir Aadan Nuur lacago kala duwan guddoonsiiyay Ururka MoonLight iyo Dugsiga Sheekh Cali Jowhar.

Cabdiqaadir Aadan Nuur oo munaasabadaan ka hadlay ayaa sheegay in loo baahan yahay xiligaan in ummmada gobalka Awdal u dhalatay is gacan qabtaan, waxuuna sheegay inuu isaga mar walba isku dayi doono sidii uu gacan ugu geysan lahaa howlaha horumarka ee gobalka ka socda.

Waxuu xusay in Dugsiga Sheekh Cali Jowhar ee magaalada Boorama uu yahay dugsigi aad u qadiimi ah isla markaana arday badan ay ka baxday, waxuuna ugu baaqay ardayda dugsiga wax ka baratay oo intooda badan dibadaha ku maqan inay gacan ka geysteen howlaha horumarka dugsiga ku saabsan gaar ahaan dhismaha dugsiga oo qeybo kala duwan lagu dari doono iyo deerkiisaba.

Ururka MoonLight

Gabdhaha ka socday Ururkaan MoonLight ayaa aad u ammaanay dadaalka C/qaadir Aadan Nuur, waxeyna sheegeen inuu yahay nin aad ugu dadaala horumarka gobalka Awdal iyagoo Alle ugu baryay inuu garab qabto.

Waxey sheegeen inay gacanta ku hayaan dugsi caruur danyar ah dhigtaan waxeyna sheegeen in deeqda lacageed ee Maamulaha Telesom C/qaadir Aadan Nuur guddoonsiiyay ay waxbari doonto muddo sannad ah 22-arday oo dugsigaasi wax ka barta xiligaan.

Waxey ugu baaqeyn Jaaliyadaha kala duwan ee ku dhaqan dibadaha una dhashay gobalka Awdal iyo guud ahaan Soomaalida inay gacan qabtaan howlaha ay wadaan isla markaana xiligaan ay tahay xiligii dadka is-kaashan lahaayeen oo aan waxba laga sugi laheyn Hay'adaha Caalamka ama dowlado shisheeye.

Dugsiga Sheekh Cali Jowhar

Dugsiga Sheekh Cali Jowhar waxaa u hadlay Mudane Xaamud Ibraahim Barqadle, waxuuna u mahadceliyay ugu horeyn Maamulaha Telesoom C/qaadir Aadan Nuur oo ku tilmaamay dayax usoo baxay gobalka Awdal, waxuuna ugu baaqay ganacsatada kale ee lamid ah iyo Jaaliyadaha kala duwan inay ku daydaan oo ay dalkooda wax gashtaan.

"Ganacsatada gudaha haku daydaan C/qaadir Aadan Nuur, waana nin la wada ogyahay khery-ka uu qabto mana ahan nin qarsoon Alle waxaan ugu baryayaa inuu gacan qabto Adduun iyo Aaqiraba, sidoo kale Jaaliyadaha dibada ku dhaqan waa inay xil iska saaraan horumarka gobalka, waayo hadii ay iyaga waxba qabsan cid wax u qaban kartaa ma jirto" ayuu yiri Mudane Xaamud.

Xaamud waxa ugu baaqay Ardayda kala duwan ee Dugsiga Sheekh Cali Jowhar ka baxday oo uu sheegay inay intooda badan dibadaha jiraan inay kaalin ka geystaan howlahaan lagu dhisayo dugsiga, waxuuna sheegay in maanta ay tahay maalintii la isku baahnaa in wax la wada qabsado.

Gaba-Gabo


Tobanka Dambe ee Bisha Ramadaan
Fadliga laylatul Qadriga

Maamulaha shirkada Telesom C/qaadir Aadan Nuur ayaa ah nin inta badan ka shaqeeya horumarka gobalka Awdal isagoo muddooyinkaan u taagnaa howlo horumarka gobalka ku saabsan gaar ahaan dhismaha wadada isku xirta Dilla iyo Boorama oo u arkay inay tahay meesha kaliya ee hadii la dhiso horumarka gobalka u aflaxi karo, waxaana taasi keentay in la dhiso Ururka ARNA oo u taagan dhismaha waddooyinka gobolada Awdal iyo Salal kaasoo Guddoomiye u yahay Cabdiqaadir Aadan Nuur.

Cabdiqaadir Aadan Nuur ayaa sidoo kale lagu xasuustaa taageerida uu mar walba la garab taagan yahay shacabka Soomaalida ah ee kasoo qaxay dagaalada ka huraya magaalada Muqdisho isagoo aad usoo dhaweeyay isla markaana la socda ilaa iminka xaaladahooda kala duwan.

Si kastaba ha ahaatee, howlaha uu qabto C/qaadir Aadan Nuur halkaan laguma soo koobi karo, waxaana loogu baahan yahay Ganacsatada kala duwan inay gobolada ay kasoo jeedaan horumariyaan taasoo loogu gudbi karo in la gacan hoorsado Hay'adaha iyo Dowlada shisheeye.

Ridwaan Axmed Muxumed
Borama - Somaliland

Faafin: SomaliTalk.com |  Sept 22, 2008

BAARID | SEARCH


UNWakiilka Qaramada Midoobey oo Maamulka Puntland ku eedeeyey Burcad badeedda
iyo Heshiiskii Shirkii Jabuuti oo Jahwareer culus soo food saartey... Akhri... Sept 20

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22

Hayadda batroolka SoomaaliyaDFKMG oo Heshiis u Saxiixday Shirkadaha Batroolka ee Kuwait Energy iyo Medco Energi...
Maadaama shirkadahaasi jaal la ahaayeen Geeddi ma lagu macnayn karaa in la soo celinayo Geeddi Akhri


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS