SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Barnaamijkii Radio Xoriyo
20 September 2008.

Dad Abaaraha dartood ugu dhintay meelo Ogadeenya ka mid ah
Dhibaatooyin kala duwan oo gumaysigu u gaystay dadwaynaha
Kuxigeenka G/H/arimaha dibada ee jwxo Mudane Hanad Maalinguur oo aan
ka waraysanay siyaasada jwxo ee arimaha dibada ee jwxo iyo abaaraha Ogadenya.

======================
Dad Abaaraha dartood ugu dhintay meelo Ogadeenya ka mid ah

Laga soo billaabo dabayaaqadii bishii siddeedaad waxaa meelo Ogaadeenya ka mid ah ku dhintay dad iyo duunyo badan oo dhibatada abaaraha u dhintay. Dadku waxay dhimanayaan biyo iyo cunto la'an iyo cudurro ka dillacay meelaha qaarkood. Xoolaha ayaa iyaguna u dhammaanaya biyo iyo baad la'aan.

Xoolaha oo aad u le'day ayaa waxaa ka dhashay cayayaan uu Dakhsigu ka mid yahay, kuwaasoo iyaga laftoodu dhibato dhinaca caafimadka ah ku haya dadwaynaha, gaar ahaan kuwooda jilicsan, sida carruurta iyo waayeelka. Gobollada qaarkood waxaa laga soo sheegayaa inay ka dillaaceen cudurro uu Daacuunku ka mid yahay.

Meelaha ay dhimashada dadka iyo xooluhu ugu badan yihiin waa deegannada hoos yimaada gobolka Doollo iyo degmooyinka xuduuda la leh gobolkaas. Ila iyo hadda wararka na soo gaadhaya ayaa sheegaya in dad badani ay dhibaatada abarta ugu dhinteen meelaha ay ka midka yihiin Dannod, oo ugu yaraan 10 qof ay ku dhinteen, Caado oo iyadana ilmo yari gaajo ugu dhintay. Waxay sidoo kale dad ku dhinteen meelaha kala ah Garlowgube, Waafdhuug, Uubataale, La-helow, Yucub iyo Qamuuda iyo waliba deegaanno kale oo badan. Waxayna dadku u dhammaanayaan gaajo iyo oon, iyadoo ay inta badan gudheen Barkadihii laga cabbi jiray, Ceelashana ay ciidammada gumaysigu dadwaynaha u diideen inay ka dhaansadaan.

Abaraha ba'an ee ka jira meelaha ay Ogadeenya ka midka tahay waxaa toddobadkan si wayn uga hadlay warbaahinta adduunka, oo si faahfaahsan uga hadashay baaxada ay dhibaatadaasi leedahay. Habaynki jimcuhu soo galayay waxaa tilishin laga leeyahay waddanka Britain oo lagu magacaabo Channel Four laga sii daayay barnamij dheer oo laga soo diyaariyay dhibatada qallafsan ee haysata dadwaynaha ku dhaqan Ogaadeenya iyo sida ay xukuumadda gumaysigu u diiddan tahay in wax gargaar ah dadkaas la gaadhsiiyo.

Wariye ka tirsan Channel Four oo dhawaan booqday meelo Ogaadeenya ka mid ah, isla markaana waraysiyo kala duwan la yeeshay dadwaynaha halkaas ku tabaalaysan, ayaa si aad ah uga sheekeeyay sida ay xukuumadda gumaysiga Itoobiya cuntada gargarka hub ahaan ugu adeegsato, isla markaana dadwaynaha uga hortagan tahay goobaha biyaha iyo xarumaha samafalka.

Sidoo kale wargayska Times, oo isaguna ka soo baxa waddanka Britain, ayaa isaguna ka warbixiyay dhibatada abaaraha, wuxuna wargaysku soo qatay cabashooyin ka yimid hay'adah samafalka oo tilmaamay in xukuumadda Itoobiya ay si ula-kac ah hoos ugu dhigayso dhibatada abaaraha, isla markaana ay ciidammada gumaysiga Itoobiya si badheedh uga hortagaan in dadkaas gargaar la gadhsiiyo.

Qaramada Midobay ayaa sheegtay in ugu yaraan 2 milyan oo qof ay dhimasho qarka u saaran yihiin, hase yeeshee madaxa arrimaha bani'adamnimada ee Qaramada Midoobay John Homes, oo dhawaan Ogaadeenya boqday, ayaa sheegay in dadka ku tabaalaysan Ogaadeenya ay intas aad uga badan yihiin. Warabixin aan la faafinin, oo Barnaamijak Cuntada Adduunka ee WFP uu u gudbiyay deeq bixiyayaasha ayaa lagu sheegay in Ogaadeenya ay dad ugu dhinteen gaajo iyo oon, dadka in gargaar lala gadho u baahana ay 2 milyan gaadhayaan.

Dhinaca kale waxaa toddobaadkii hore lagu xidhay magaalada Gunagado labo kooxood oo samafalayaal ah oo u shaqaynayay Hay'adda WFP, waxaana labadan kooxood xabsiga loo taxaabay, ka dib markii ay isku dayeen inay arkaan oo tirakoob ka sameeyaan dadka ay tbaaladu ka soo gaadhay abaaraha ee gargaarka degdegga ah u baahan.

Dhibaatooyin kala duwan oo gumaysigu u gaystay dadwaynaha

Ciidammada gumaysiga ayaa waxyeellooyin kala duwan, oo dil, xidhay iyo gubis isugu jira, u gaystay dadwaynaha rayadka ah ee Ogaadeenya. Waxyeellooyinkaasi waxay u dhaceen sidatan;

30/08/08 magaalada Qorile ee degmada Dannood waxay cidammada gumaysigu ku dileen nin waalan oo lagu magacaabo Ciisood.

17/09/08 magaalada Qabribayax waxay cidammada gumaysigu ku xidheen dadka kala ah;
1- Muuse C/llaahi Cumar
2- Kaafi Faarax Jaamac iyo
3- Shire Axmed Yaasiin

Isla 17/09/08 magaalada Jigjiga wxaa sidoo kale lagu xidhxidhay ninka lagu magacaabo Cabdi C/llaahi.

11/09/08 magaalada Awaare waxay ciidammada gumaysigu ku xidhxidheen ddka kaala ah;
1- Cabdi Maax Maxamuud
2- Mire Daahir Gahayr iyo
3- Sucaad Cawil Dirir

07/09/08 magaalada Sagag waxay sidoo kale ciidammada gumaysigu ku xidhxidheen dadka kala ah;
1- Cabdi Shariif Faarax iyo
2- Maxamuud haybe

Gubis

17/09/08 magaalada Awaare waxay ciidammada gumaysigu ku gubeen ilaa iyo 110 guri oo isugu jira Aqal-soomaali, Dirgado iyo Daaro, kuwaasoo ay lahaayeen dadwaynaha rayadka ah. Dadka guryahaas laga gubay waxaa ka mid ah;
1- Cabdi Amaadin
2- Macalin Go'aan Amaadin
3- Maxamuud Colaad
4- Cismaan Dhadac
5- Mustafe Ciwal
6- Maxamed Cali
7- Cali Siinlow
8- Yuusuf Dhadac
9- Hugur Dhuug
10- Cabdi-dheeg Dhaga-laab
11- Ibrahim Canshuur
12- Maxamuud Axmed iyo
13- Ilyaas oo magaciisa oo buuxa aanaan haynin

20 September 2008

Axmed Gaal-Eri

Radioxorio@radioxoriyo.com
Raadioxoriyo@yahoo.com

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 41 MB ee dhererkeedu yahay 7560 KHZ,iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com Maalmahaa Talaadada & Sabtida 5:00PM – 5:30 waqtiga Afrikada Bari

Faafin: SomaliTalk.com |  Sept 21, 2008

BAARID | SEARCH


UNWakiilka Qaramada Midoobey oo Maamulka Puntland ku eedeeyey Burcad badeedda
iyo Heshiiskii Shirkii Jabuuti oo Jahwareer culus soo food saartey... Akhri... Sept 20

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22

Hayadda batroolka SoomaaliyaDFKMG oo Heshiis u Saxiixday Shirkadaha Batroolka ee Kuwait Energy iyo Medco Energi...
Maadaama shirkadahaasi jaal la ahaayeen Geeddi ma lagu macnayn karaa in la soo celinayo Geeddi Akhri


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS