SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Madaxweyne Mbeki oo xilka ka dagaya, kadib markii ANC ay sidaasi ku amartay.

madaxweynaha dalka Koonfurta Afrika Thabo Mbeki ayaa ogolaaday in uu kursiga isaga dagayo kadib markii sidaasi uu ku amray xisbiga talada haya ee African National Congress (ANC) go'aankan ayuu xisbiga maanta ku dhawaaqay kadib maalmo jahowareer iyo warar ku tirekuteen ah ay hawada wasaqeeyeen.

Gwede Mantashe, xogyaha guud ee ANC ayaa maanta shir jaraa'id oga dhawaaqay go'aanka golaha dhexe ee xisbiga oo kulansanaa illaa shalayto, wuxuu yiri "kadib wadatashiyo iyo wadahadal baddan iyo waqti aad u adag, waxaan go'aansanay in aan dib ugu yeerno Mbeki ka hor inta uusan waqtigiisa xafiiska dhamaan, isagana waan ka war galina, wuuna ogolaaday" ayuu yiri Mantashe oo warfidiyeenada kula hadlay Kempton Park, Johannesburg.

wax yar kadib, afayeenka madaxtooyada ayaa qirey in Mbeki uu ogolaaday go'aaka ANC aqbalayna in uu xilka isaga dego waxaa sidoo kale ku dhawaaqay in ay xilka ka dagayaan qaar ka mid ah golaha wasiirada ee Mbeki oo ay hor kacayso haweeneyda madaxweyne ku xigeenka ka ah dalka, Phumzile Mlanbo-nduga, waxaa kaloo ka mid ah wasiirada sheegey in ay casilayaan wasiirka sirdoonka Ronny Casrills, wasiirka madaxtooyada Essop Phahad, iyo wasiiro kale.

qorshahani ay wasiirada isku casilayaan ma ahan mid ay raali ka tahay ANC, waxaana loo arkaa talaabo dalka galinaysa qalalaase cusub oo siyaasadeed, waxaa la hadal hayaa in inta wasiirada ay isu casili doonaan Go'aanka Mbeki lagu eryey dartiis iyagoo ka xanaaqsan, waxaa laga yaabaa in ay raacaan oo is casilaan barasaabyo goboleed Mbeki daacad u ahaa, gaar ahaan barasaabka awooda baddan ee gobolka barwaaqo sooranka ah ee Gauteng, ninka lagu magacaabo Shilowe.

waxaa lagu wadaa in maalmaha soo socd Mbeki uu xafiiska baneeyo waxaana badali doonta haweeneyda ah gudoomiyaha baarlamaanka Baleka Mbete sida uu dastuurka qabbo, muddo 30 cisho ah ayay heyn doontaa, kadib xeer illaaliyaha guud ee dalka ayaa isugu yeeraya kullan baarlamaan oo halkaasi lagu dooran doonaa madaxweyne kumeel gaar ah, waxaa loo badainayaa in Zuma la dooran doono walloow uu diidey, haddii ay noqoto in isaga la doorto waa in marka hore uu noqdaa xubin aqalka baarlamaanka ka mid ah oo xildhibaan, taasina waa ay u sahlantahay ANC in ay yeesho, waayo waxaa jirra kuraas banaan oo dad ay ka dhinteen ama qof ayaa loo badalayaa.

go'aanka ANc wuxuu ka dambeeyey markii jimcihii hore xaakim maxkamada sare uu Zuma ku waayay dacwado sannooyin loo heystey, isla xaakimkaasi oo lagu magacaabo Chris Nicolson ayaa Mbeki iyo dowladiisa ku heley in ay Zuma u maleegeen shirqool siyaasadeed, taasoo micnaheedu tahay in dacwooyinka Zuma loo heyto ay yihiin kuwa lasoo been abuuray, markii uu xukunkaasi dhacay madaxda ee ANc ee uu Zuma ka mid yahay waxay go'aansadeen in Mbeki aanan xilka laga qaadin oo uu waqtigiisa dhamaysto taaso ahayd mid ka duwan sida ay ku baaqayeen xubnaha xag jirka ah ee xisbiga ka tirsan oo kol horaba ku baaqayay in Mbeki meesha laga saaro, laakii go'aankaasi ANC wuxuu is badalay markii hey'ada xeer illaalinta guud NPA (National Prosecuting Authority) ay sheegtey in xukunka xaakimka ay rafcaan ka qaadan doonaan, Zumana dib maxkamad ola kori doonaan, waxaa hadalkaasi mid ka daran sii raacsaday golaha wasiirada oo ku gacan seeyrey go'aanka xaakimka, sheegeyna in ay tashi qaanuuneed ka samayn doonaan xukunka xaakimka.

Xil ka dagista Mbeki ma ahan wax la yaab ku ah dadka dalka, waayo waxaa la hadal hayay, oo malain kasta qoraalo cusub ay saxaafada kusoo baxayeen tan iyo intii Mbeki uu Zuma kaga reeyey doorashadii madaxtinimada xisbiga ee dabayaaqadii sanadkii hore.

Xiliga go'aankani lagu dhawaaqayay Mbeki waxa uu safar u ahaa New York halkaas oo ay ahayd in uu kaga qeyb galo shirka golaha guud ee Qaramada Midoobay, balse waa uu ka nagaaday iminka. hadda waxa la sugaaba waa inta baarlamaanka kulmayo oo caadiyeynayo shaqo ka tagista madaxweynaha todobadka soo socda.

dhamaan xisbiyada mucaaradka, ururada bulshada rayidka ah, saxaafada, jaamacadaha iyo macaahiida culuumta sare, ayaa dhamaantood isku si u wada dhaleeceeyey go'aankani Mbeki lagu direy, waxayna ku doodayaan in tani ay wax u dhimeyso kalsoonida maalgashadayaasha shisheeye, iyo dhaqaalaha dalka.

Cabdinaasir Axmed Sh. Bashiir (saxansoxo). Email: saxansoxo1@hotmail.com Somalitalk.com, Johannesburg.

Faafin: SomaliTalk.com |  Sept 21, 2008

BAARID | SEARCH


UNWakiilka Qaramada Midoobey oo Maamulka Puntland ku eedeeyey Burcad badeedda
iyo Heshiiskii Shirkii Jabuuti oo Jahwareer culus soo food saartey... Akhri... Sept 20

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22

Hayadda batroolka SoomaaliyaDFKMG oo Heshiis u Saxiixday Shirkadaha Batroolka ee Kuwait Energy iyo Medco Energi...
Maadaama shirkadahaasi jaal la ahaayeen Geeddi ma lagu macnayn karaa in la soo celinayo Geeddi Akhri


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS