SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Ururka SOBSI oo markii ugu horeysay tartan xiisa badan ku qabatey magaalada Gent dalka Biljamka.

Waxaa dalka Biljamka lagu qabtey tartan kubadda cagta ah oo loo qabtey jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool wadanka Biljamka, tartankaas oo lagu qabtey magaalada Gent socdayna labo maalmood ,ayaa waxaa ka soo qayb galay kooxaha kala ah:
Sobsi (Gent), Antwerpen, Banadir, Kortrijk, Brussel iyo kooxda Hirda Holand oo lagu casumay tartanka.

Tartankaan oo ahaa kii ugu horeeyay oo noociisa ah oo lagu qabta dalka Biljamka ayaa ahaa mid ay xiisaynayeen dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Biljam.

Lixda kooxood ee ka qayb gashay tartanka ayaa loo qaybiyay labo qaybood, ugu dambayntiiina waxaa ciyaartii finalka is kugu soo baxay Kooxaha Antwerpen (Biljamka) iyo Kooxda Hirda( Holland).

Ciyaartaas oo ahayd ciyaar aad u xiisa badnayd ayna labada kooxood ku soo bandhigeen ciyaar wanaag iyo asluub ayaa 90-kii daqiiqo ciyaarta ay isla dhaafi waayeen kooxda Antwerpen iyo Kooxda Hirda Holand barbar dhac hal Goal iyo hal Goal.

Dabadadeedna waxaa la dhigay rigoorayaal si loogu kala baxo ciyaarta, taasoo ugu dambayntii ay ku dhamaatey 3 Goal ay dhaliyaan kooxda Hirda halka kooxda Antwerpen ay guusha ku raacdo 4 Goal.

Dadkii ka soo qayb galay tartanka ayaa dhamaantood farxad kala dareerey garoonka.

Ururka SOBSI waa ururka ugu weyn Jaaliyada Soomaalida Biljamka isla markaana ahaa ururkii soo qaban qaabiyay tartankaan ayaa habeenimadii ciyaarta kadib u sameeyay casho sharaf dhamaan kooxihii ka soo qayb galay tartanka, iyadoo halkaasina lagu gudoonsiiyay abaalmarinadii ay ka heleen kooxihii ka soo qayb galay.

Mudane Cabdi Rashiid Ciise oo ahaa shaqsigii soo qaban qaabiyay tartankaan kana mid ah maamulayaasha ururka SOBSI ayaa ii sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay sidii ay dhamaan kooxihii iyo dadkii ay ku casumeen ay kaga soo qayb galeen barnaamijkan qiimaha badan, isla markaana ay joogtayn doonaan qabashada tartamadaan oo kale mustaqbalka si ay u kordhiyaan is dhaxgalka bulshada ama dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Biljamka iyo dalalka dariska la ah.

Kooxda Hirda Holand ayaa waxaa hogaaminayay Mudane Mohamed Baasawayne ayaa isna ka mahad celiyay sidii sharafta lahayd ee loogu soo dhaweeyay magaalada Gent isla markaana sidii loo qabtey barnaamijka is dhaxgalka dhalinyarada, wuxuuna kooxda Sobsi iyo maamulkeeda ku casumay magaalada Amsterdam inay iyagana markooda soo booqdaan si loo sii xoojiyo xiriirka labada urur.

Kooxaha Hirda Holland iyo Sobsi Belguim ayaa labaduba ka mid ah dalada ururwaynaha EuroSom

W/D; Yusuf Yusuf
Secretary General of SSPA & Sports Editor
mrsomalia@hotmail.com
London - UK

Faafin: SomaliTalk.com |  Sept 18, 2008

BAARID | SEARCH


yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka
Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22

Hayadda batroolka SoomaaliyaDFKMG oo Heshiis u Saxiixday Shirkadaha Batroolka ee Kuwait Energy iyo Medco Energi...
Maadaama shirkadahaasi jaal la ahaayeen Geeddi ma lagu macnayn karaa in la soo celinayo Geeddi Akhri

Sheikh Shariif “ciidamada bixitaankooda wuxuu bilaabanayaa markii la sixiixey heshiiska, laakiin…” Shir jaraa’id
Warbixin arintaas ku saabsan Akhri Aug 22


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS