SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Diblamaasiyiinta Beesha Caalamka oo laga soo saarey shirkii lagu qabtey Hoteel Shariton, iyadoo lagu raali gelinayo Ethopia

Sawirada Shirka halkan ka daawo....

Kulan saddex geesood oo ka dhacayey Hoteel Shariton ee Caasimada dalka jabuuti, ayna isugu yimaadeen gudiyada Siyaasada iyo nabadgelyadda labada dhinac ee ARS iyo TFG-da, Madaxa Xafiiska Siyaada ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya, islamarkaana ujeedadiisu ahay sidii loo amba qaadi lahaa qodobadii hore loogu sixiixey shirarkii kala duwanaa ee in mudo ahba lagu qabanayey Caasimada dalka Jabuuti ayaa waxaa saacadihii hore ee shirka 17/09/2008-da ay qabsoomidiisa buuq keeney, kadib markii xubnaha Is-bahaysiga dibu-xoreynta Soomaaliya uga qaybgalayey shirka, intii uusan qabsoomin ay ka dhex Arkeen ergooyinka madasha isugu yimid in uu ku jiro Safiirka Ethopia, taasoo ay wateen xubnaha ICG ee Soomaaliya, waxaana taasi ka biyo diidey mas’uuliyiinta ARS in uu kulanka ka soo qayb galo Safiirka Ethopia.

Saacadihii hore ee shirka oo jawi kacsanaan ka muuqatey kadib waxaa laysku af-gartey in laga saaro Safiirada kala duwan ee ka kala socotey Beesha Caalamka, iyadoo lagu raaligelinayo Safiirka Ethopia, islamarkaana la qaadanayo codka ka yimid Is-bahaysiga dibu xoreynta Soomaaliya.

Amp: Axmed Walad Cabdalla oo shir gudoominayey fadhiga gudiyada Siyaasada labada dhinac ayaa waxaa uu soo jeediyey qodobo daraaf ah oo ay ka mid ahaayeen “qorshaha 30-ka maalmood ee soo socda, sidii loo xoojin lahaa arimaha gargaarka, dhismaha hay’adaha Qaranka “ taasoo gunaanadkii laysla gartey in la saaro gudiyo soo diyaariya Ajendaha uu soo jeediyey Wakiilka, waxa laga bedelayo iyo waxa lagu kordhinayo oo ka kooban min shan xubnood.

Xubnaha laga xuley labada dhinac oo gaarayey shan xubnood ayaa waxaa ka mid ah, kuwa ARS-ta C/raxmaan Cabdi Shakuur, Prof Cabdiraxmaan Ibi, Prof Gaandi, Cabdiraxmaan Janaqoow, halka TFG ay iska soo saartey, Cabdalla Boos, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil, Cabdiraxmaan Jaamac iyo laba xubnood oo kale.

Halka gudiyada nabadgelyaduna uu shir gudoominayey sarkaal ka socda ciidamada Dowlada Norwey sida uu ii sheegey mid ka mid ah ka qaybgalayaasha shirka oo aan la shaacin Ajandahooda balse ii suuragashey inaan helo magacyada Gudiga ARS oo ka kooban shan xubnood ayaa waxay kala ahaayeen Saleebaan Colaad, C/qaadir Sh. Maxamed iyo Col/ Mahdi, Maxamed sheekh laba Xuseen Siyaad Qoorgaab, inkastoo aysan inoo suuragelin inaan helno magacyada xubnaha TFG ayaa guud ahaan labada dhinac TFG iyo ARS waxaa lagu wadaa inay soo saaran qodobadii xabad joojinta lagu gaarayey heshiiska xiliga ugu dambeysa iyo jadwalka bixitaanka ciidamada Ethopia ku dhawaaqistooda sida lagu wado Maalinimada Jimcaha ah ee soo socota.

Dhinaca kale waxaa daqiiqadihii hore ee shirka loo diidey in ay ka qayb galaan xubanaha ka socdey Bulshada Rayidka Soomaaliyeed, waxaana jirey mar ay isku dayeen in ay ka qayb galaan fadhiga gudiga nabadgelyada in loo diidey, balse markii dambe loo ogolaadey in ay la fariistaan gudiga siyaasada ee labada dhinac.

Ugu dambeyn Guud ahaan shirkan saaka lagu qabtey Hoteel Shariton ayaa wuxuu soo if-bixinayaa waxyaabo isku maran, sida dibu-heshiisiinta la wado ayaa waxaad moodaa in loo rogey qaababka kala duwan ee ay u hawlgalaan NGO,yada kala duwan ee ka hawlgala dalka Soomaaliya, halkii laga rabey in lagu yagleelo Qaranka Soomaaliyeed ee bur bursan 18-ka sano iyo dheeraadka, inkastoo suurtagal nimada waxa ka soo baxa shirkan ay aad u yar tahay.

Sawirada Shirka halkan ka daawo....

Maxamed Macallin Cismaan (All-man) Somalitalk Jabuuti.
fatxumaalik@hotmail.com, +253624079

Faafin: SomaliTalk.com |  Sept 18, 2008

BAARID | SEARCH


yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka
Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22

Hayadda batroolka SoomaaliyaDFKMG oo Heshiis u Saxiixday Shirkadaha Batroolka ee Kuwait Energy iyo Medco Energi...
Maadaama shirkadahaasi jaal la ahaayeen Geeddi ma lagu macnayn karaa in la soo celinayo Geeddi Akhri

Sheikh Shariif “ciidamada bixitaankooda wuxuu bilaabanayaa markii la sixiixey heshiiska, laakiin…” Shir jaraa’id
Warbixin arintaas ku saabsan Akhri Aug 22


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS