SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Culima’udiinka Garoowe oo Deeq Gaarsiiyay Dadka Dhimirka la ee ku dhaqan Magaaladasi.

Sawirada Halkan ka daawo....

Culumida Ku dhaqan Magaalada Garoowe ee Caasumada Puntland ayaa deeq macaawino ah oo kala duwan gaarsiiyay ama ugu deeqay Dadka Dhimirka la ee ku jira Xerada Nasrulah ee Garoowe.

Iyadoo deeqdan oo dadka dhimirka uu gudoonsiiyey Shiikh Yaasiin C/laahi oo ka tirsan culimada gobolka Nugaal waxaana soo dhawaayey deeqdan ururka gacanta ku haya dadka dhimirka la ee Nasrulaah.

Deeqdan ayaa waxy ku soo beegmaysaa xilli lagu guda jira bisha barakaysan ee ramadaan,isla markaana aysan dadka danyarta ahi ama dadka xanuusanayaa ay ku adagtahay inay helaan adeeg buuxa madaama dalka ay ka jiraan sicir barar iyo abaaro.

Culimada gobolka nugaal ayaa haddaba usoo jeedinaya dadka u dhashay gobolka ee ku nool dadaka gudihiisa iyo dibadiisaba inay gargaaar la soo gaadhaan dadkaas tabaalaysan ee aan maskaxdooduna fiyoobayn, iyadoo ay ka heli doonaan ajar iyo xasaanaad ay ilaahay ugu dhowaanayaan.

Cawaale Jaamac
Boosaso

Faafin: SomaliTalk.com |  Sept 16, 2008

BAARID | SEARCH


yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka
Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22

Hayadda batroolka SoomaaliyaDFKMG oo Heshiis u Saxiixday Shirkadaha Batroolka ee Kuwait Energy iyo Medco Energi...
Maadaama shirkadahaasi jaal la ahaayeen Geeddi ma lagu macnayn karaa in la soo celinayo Geeddi Akhri

Sheikh Shariif “ciidamada bixitaankooda wuxuu bilaabanayaa markii la sixiixey heshiiska, laakiin…” Shir jaraa’id
Warbixin arintaas ku saabsan Akhri Aug 22


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS