Cabsi iyo Cidlo Baahsan
Weriye Amiin Yuusuf Khasaaro oo soo indh-indheeyey goobihii laga barakacay
Sawirada Halkan ka daawo....
Markii dib loo furay Masjidka Sheekh Cali Suufi ayaa aniga oo ay ila socdaan
dhallinyaro iyana horey uga qaxay guryahoodii ayaan u wada dhaqaaqnay sidii aan
u soo eegi laheyn qaybo ka mid ah goobihii laga barakacay, waxaana ku sii hor
marnay Masjidka Sheekh Cali Suufi oo aan ku sii tukanay Salaadda Jimcaha,
maadaama isaga qudhiisa markaa uun la furay 11 bilood kadib.
Masjidka waxaa soo camiray dad fara badan kuwaas oo intooda badan laga dareemay
in ay doonayeen in ay soo indha-indheeyaan xaaladda halkaasi ka jirta, waxaan
aniga iyo dhallinyaradii ila socotay horey u qaadnay salaaddii kadib wadada aada
dhanka Isgoyska Al-Baraka, markaan ku sii dhawaanay dhanka Al-Baraka waxaa naga
hor yimid labo carruur ah oo nagu wargeliyey in aanan wadada bartankeeda qaadin
oo aan dhinac ka marno, waxaana weydiinay waxa dhacay, waxay noo sheegeen in
Ciidamada Itoobiya oo ku sugan Agagaarka Shiirkole soo shiishayaan dadka,
waxaana nagashay cabsi iyo walwal, anaga oo dhuudhuumaneyna, meelahana
fiirfiirinaya ayaan tagnay Isogyska Al-Baraka, markiiba waxaana dareennay cidlo,
waxaana u xiiso qabay inaan soo eego xaruntii Wargeyska Ayaamaha, intaanan
gaarin Xarunta Wargeyska ayaa waxay ishaydu qabatay gurigii uu deganaa
Tifaftiraha Wargeyska Ayaamaha C/llaahi Max'ed Xasan (Black) oo ay madaafiic
burburisay, horey ayaan u sii dhaqaaqay waxaan markiiba soo gaaray xaruntii
Wargeyska Ayaamaha oo ay ka muuqatay Burbur, waxaana xarunta iigu dambeysay mudo
11 bilood ah ka hore.
Jidka Sodonka oo ay ku tiilay Xarunta Wargeyska ayaan labada dhinac ka
fiiriiyey, waxaadna u maleyneynaa meel qarniyaal ka hor la isaga cararay oo aan
mudooyinkaanba nolol ka jirin, waxaan in yar ku nasanay Daarta NBC, halkaas oo
aan sawiro dhawr ah ka qaaday, kadibna waxaan u jiheystay dhinacaa iyo Black Sea
oo horey u ahaan jirtay goob aad u camirnaan jirtay, balse hadda ay ka muuqato
indh-xumo daran, waxayna ahayd meel cidlo ah, kadibna waxaan u dhaqaaqnay
dhinacaa iyo Shiirkole waxaana noo muuqday oo keliya geedo aad uga baxay
halkaasi, waxaan gaarnay Hoygii aan ka deganaa deegaankaas, waxayna indhaheygu
qabteen guryihii halkaasi ku yiilay oo ay ka hareero baxeen geedo kuwaas oo
Soomaalidu u taqaano Geed Yahuud oo ah geed si deg deg ah u baxa, jilaal iyo
aaranna waa cagaaran yahay, markaa aan guriga ag istaagey ayay dhallinyaradii
ila socotay waxay igu yiraahdeen (Amiinow meesha maad naga wadid), waayo markaas
ayaa naloo soo sheegay wiil dhallinyaro ah oo ay toogteen Ciidamada Itoobiya
maydkiisana la soo qaadi waayey, markiiba cagaha ayaa wax ka soo daynay,
waddadii aan horey u soo qaadnay dib uguma laaban, balse waxaan ku leexanay
waddo kale si aan u saan tirano, waayo mararka qaar ciidamada ayaa soo gala
wadooyinka.
Safarkaas mudada saacadaha ah qaatay balse ay cabsidu ku dheehneed, kadib waxaan
soo gaarnay isla Masjidka Sheekh Cali Suufi oo aan ku tukanay Saaladda Casir,
waxaana dib ugu soo laabanay xaafaddii aan ka wada tagnay ee Taleex oo markaas
ay ka socotay Tacshiirad ay isweydaarsanayeen Dowladda iyo Kooxaha ka soo
horjeeda.
Isku soo wada duuboo Magaalada Muqdisho maanta meel fayow ma jirto, waayo
shacabku waxay ku wada nool yihiin dareen cabsi leh, waayo goobaha aad
isleedahay way nabdoon yihiin waxaa ka dhaca maalin walba dhac iyo dil ay
gaysanayaan qaar ka mid ah ciidamada Dowladda Federaalka, waxayna dadkii ka
barakacay Magaalada Muqdisho haatan aysan u muuqan kuwo dib ugu soo laabanaya
guryahoodii waayo waxaa guryahoodii ku sugan ciidamo Itoobiyaan ah iyo kuwa
Dowladda Federaalka, inkastoo guddiga ku meel gaarka ah ee Gobolka ka
dhawaajiyeen in ay ka shaqeynayaan sidii ay dib ugu soo celin lahaayeen dadkii
barakacay guryahooda, balse dadka barakacay ayaa sheegaya in aysan macquul ahayn
in waqtigaan dib ugu laabtaan guryahoodii inta ay Ciidamada Itoobiya iyo kuwa
Dowladda ku sugan yihiin goobahaas.
Sawirada Halkan ka daawo....
Amiin Yuusuf Khasaaro
amiinkhasaaro@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Sept 16, 2008 |