SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Caasimada Jabuuti oo la Ciir ciireysa Ergooyin kala duwan

Waxaa maalmahaan soo gaarayey caasimada dalka Jabuuti in ka badan 150 xubnood oo wufuud kala duwan islamarkaana ka kala timid qaybaha dunida, iyadoo wufuudaas intooda badan ay ka yimaadeen, Soomaaliya iyo Kiiniya.

Wufuudan soo gaartey Caasimada dalka Jabuuti ayaa ujeedadoodu tahay, seddax shir oo kala duwan oo looga hadlayo arimaha Soomaaliya, taasoo ay wadaan Qaramada Midoobey, dowladaha daneeya arimaha Soomaaliya iyo Hay’ada ICG.

Inta badan wufuudan waxay soo gaareen 15/09/2008, iyadoo wufuuda dhimana la sugayo 16/09/2008-da, wufuuda soo gaarey Jabuuti waxaa ka mid ah Wakiilka Qaramada Midoobey Amp; Axmed Walad Cabdallah iyo xubno uu hogaaminayo, qaybo badan oo ka tirsan dowladaha daneeya arimaha Soomaaliya oo ka kooban 18 dall iyo dhinacayada TFG IYO ARS xubnihii kala matalayey gudiyada Siyaasada iyo nabad-gelyada.

Ra’iisul Waraasaraha Xukuumada FKMG ee Soomaaliya Col/ Nuur Xasan Xuseen, Gudoomiyaha Is-bahaysiga Dibu-xoreynta Soomaaliya Sheekh Shariif Sh. Axmed, Gudoomiyaha Golaha dhexe Is-bahaysiga Dibu-xoreynta Soomaaliya Shariif Xasan Sh. Aadan xubno ay kala hogaaminayaan iyo dublamaasiyiin ka socotey Midowga Afrika, Jaamacada Carabta, IGAD ayaa la dejiyey Hoteel Kambeyski ee Caasimada Jabuuti.

Wufuudan ayaa waxaa casuumaad u saneeyey safiirka Sucuudiga ee dalka Jabuuti, taasoo lagu sheegey mid Afur iyo casho ah, Habeen dambe ee 17/09/2008-da waxaa la filayaa in Dowlada Norwey ay casuumaad u fidiso wufuudan.

Xubnahaan kala duwan ee isugu yimid Caasimada dalka Jabuuti ayaa lagu wadaa in shirar kala gaar gaar ah ay kula yeeshaan dhinacyada Soomaalida, gaar ahaan dowladaha daneeya Soomaaliya Hoteelada Kambeyski iyo Sharitor, inta aysan si toos ah u wada kulmin dhinacayada Soomaalida, sida aan ka soo xiganay ilo wareedyo kala duwan ayaa waxay sheegayaan “in dowladaha daneeya Soomaaliya ay u socdaan in ay la kulmaan Is-bahaysiga Dibu-xoreynta Soomaaliya iyo TFG-da, taasoo ujeedadoodu lagu sheegay arimaha Gargaarka iyo taabagelintiisa, sidii looga miro dhalin lahaa dadaalka dibu-heshiisiinta la wado, halka Hay’ada ICG oo iyaduna ka mid ah xubnaha ku balansan Jabuuti ayaan la ii sheegin ujeedada socdaalkooda, balse waxaa la ii xaqiijiyey in marka hore ay la kulmayaan Ra’iisul Wasaaraha XFKMG, kadib ay dhinacyada Soomaalida ay kulankii ay hore ugu balameen yeelanayaan”.

Shirkaan ayaa wuxuu ka furmidoonaa 16/09/2008-da sida lagu wado Guriga Ummada ee Caasimada dalka Jabuuti, Hoteel Kambeski iyo Hoteel Shariton.

Dhinaca kale warar hoose oo aan helney waxay sheegayaan in xubnaha DFKMG uga qayb-galaya shirka ay kala qaybsan yihiin, islamarkaaana la bedeley xubno saraakiil ah oo dadweynaha Soomaaliyeed ay si weyn uga horyimaadeen, waxaana la sheegey in shirka ay ka maqan yihiin xubno si gaar ah uga dhowaa Madaxweynaha DFKMG C/llaahi Yuusuf, halka Is-bahaysiguna la sheegey in ay ka maqan yihiin xubno aan badneyn kuwaasoo lagu sheegey in ay ku maqan yihiin hawlo gaar ah.

Waxaa kale oo la sheegayaa in Ethopia ay isugu yeertey safiirada Ururka IGAD sida ay u dhan yihiin, taasoo aan la ogeyn ujeedada ay isugu yeertay, halka shirkan hada furmayana lagu sheegey isna in arimihiisa gebi ahaanba hore loo soo bisleeyey oo shirkanina uu yahay Xafladii lagu soo xirayey go’aamada la gaarey.

Hase ahaatee marka aad eegto qaabka xubnaha kala duwan ee isugu yimid Caasimada dalka Jabuuti ayaa waxay u muuqataa in shirku ay ka muuqato, habacsanaan dheer, sababtoo ah dowladaha daneeya arimaha Soomaaliya oo ay ka degi la’dahay ayaa hore waxay u lahaayeen Urur mideysan oo hadba mid qabta mas’uuliyada, balse maanta taasi wey ka duwan tahay oo mid kasta wuxuu soo dirsadey wakiilkiisa gaarka ah, halka Qaramada Midoobey oo hawsha soo qaban qaabiseyna, ay iyaduna ka muuqatey xubnaha wada hawsha kala daadsanaan aad u weyn, waayo shirarkii hore waxay lahaayeen jadwal hour dhac ah iyo qaabka shirka u dhacaayo oo saxaafada qaybaheeda kala duwan loo dirayey, waxaana ka muuqatey xubnaha u qaabilsan arintaas mid aan shirka waxba kala socon iyo in wax kale jiraan lama oga.

Shirkaan oo horudhaciisa la sixiixey 09/05/2008-da islamaraakana laga jooga 100 maalmood xiligii la sixiixay oo lagu sheegey in Ciidamada Ethopia dalka ay uga baxaan 120 maalmood, islamarkaana bedelkooda la keeno ciidamo UN-ka ka socda, lana sameeyo Xabad joojin ayaa waxaad moodaa in arintaas suurtagal nimadeeda ay sii yaraaneyso, sida ay qabaan dadd kala duwan maadaama aan hada wali la qaadin tilaabo muujineysa arintaas, waxaase 19/08/2008-da la shaaciyey in ciidamda Ethopia bixitaankoodu uu ka bilaabanayo xiligaas, balse jadwalkii ay ku bixi lahaayeen uu soo diyaarindoono, gudiga nabadgelyada ee labada dhinac.

Laakiin la arkidoonee halka ay hawshu ku dambeyndoonto, inkastoo la sheegayo in la soo af-jarey arinta hawlihii soo bilaabmey bilowga sanadkan 2008-da.

Maxamed Macallin Cismaan (All-man) Somalitalk Jabuuti.
fatxumaalik@hotmail.com, +253624079

Faafin: SomaliTalk.com |  Sept 16, 2008

BAARID | SEARCH


yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka
Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22

Hayadda batroolka SoomaaliyaDFKMG oo Heshiis u Saxiixday Shirkadaha Batroolka ee Kuwait Energy iyo Medco Energi...
Maadaama shirkadahaasi jaal la ahaayeen Geeddi ma lagu macnayn karaa in la soo celinayo Geeddi Akhri

Sheikh Shariif “ciidamada bixitaankooda wuxuu bilaabanayaa markii la sixiixey heshiiska, laakiin…” Shir jaraa’id
Warbixin arintaas ku saabsan Akhri Aug 22


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS