SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Madaxweynaha dowlada fadaraalka KMG Somaliyeed Cabdulaahi Yuusuf Axmed oo si cad u diiday go'aankii barlamaanka ay ka qaateen wasiradii dhawaan is casilay

Arintaan ayuu madaxweynuha DFKMG shaaca uga qaaday shir jaraid oo uu ku qabtay galabta (Sept 14, 2008) gudaha madaooyada villa somaliya ee Magaalada Muqdisho.

Cabdulaahi yuusuf Axmed :go.aankii ka so baxay golaha barlamaanka bishaan 11dii markaan aqristay axdiga qaranka heerhoosaadka barlamaanka shuruucda kale ee dalka waxa aan ka qabo ayaan idiin sheegayaa waxaana ka qabaa in go.aankaasi yahay mid aan dastuurka iyo heer hoosaadka waafaqsanayn “

Cabdulaahi yuusuf Axmed ayaa yiri “Waa mid  hadii la hirgaliyo duminayo xukuumadii dalka u dhisneyd , waa mid ku xadgudbayo heshiiskii lagu soo gaaray magaalada adis ababa markii ay madaxdu halkaas isugu tageen , waa mid dhaawacaya maslaxada dalka oo abuuraya is af-garan waa  ( caresses ) hor leh oo an noo habooneyn xiligaan adage ee iminka lagu jiro , waa mid ka hor imanaya xuquuqda  iyo xuriyada shaqsiga somaliga ah

Waayo qofna wax laguma yeeli karo ra.yigiisa oo uu dhiibto

Arintaa ayuu ku tilmaamay in aysan u oolin barlamaanka ee ay u taal  raiisal wasaaraha iyo isaga waa tan khilaafka soo kala dhexgalaye waayoo buu yiri nimanka ay istiqlaalada u keeneyn ay tahay iyaga

Anagu istiqlaaladoodii waa diidnay waxaana isla garanay in ay yihiin wasiiro ayuu carabka ku adkeeyey Cabdulaahi yuusuf Axmed oo shirkiisa jaraid kaga hadlayey xaalada wasiirada is casilay ee codka kalsoonida loo qaaday ka dibna ay barlamanku diideen in ay wasiiro danbe noqdaan wuxuuna ku dooday in ay wada saxiixeen ducumentigina la helayo

Madaxweynuhu wuxuu kale oo uu sheegay barlamaanku haduu ku xadgudbo hay.addaha kale ee dowlada Sida xukuumada iyo garsoorka go.aankiisu waa mid gayrul sharci ah oo xadgudub ku ah oo an waafaqsanayn dastuurka iyo sharuucda kale ee dalka u taal

Ugu danbeyntii Madaxwweynaha dowlada fadaraalka KMG Somaliyeed Cabdulaahi yuusuf Axmed wuxuu ku tilmaamay go.aankii ay gaareen barlamaanka oo ay codka ugu qaadeen wasiirada is casilay mid an waxba ka jirin...

Halkan ka akhri Qoraal uu soo saaray Madaxweynaha DFKMG...



Cabdifatax shaawey oo ka mid noqday musharaxiinta gobolka banadir u tartamaysa

Waxaa Isa Soo Taraya Raga Isku Soo sharaxaya Jegada Gudoomiyanimo Ee  Maamulka Gobolka Banaadir Taa Oo La Hadal Hayo In Koldhow ay Dhici Doonaan Doorshooyin Loogu Tartamayo.

C/fitaax Cumar Sabriye (Shaaweey) Oo Horay U ahaa Ku Xigeenka Gudoomiyahii  Hore Ee Maamulka Banaadir   Dhinaca Nabadgalayada ayaa Maanta Shir Jaraa’id uu Ku Qabtaay Magaalada Muqdisho Ku Sheegay In Uu Isku Soo Sharaxyo Jegada Gudoomiyaha Gobolka Banaadir  Isagoona Sidoo Kale Sharaxaad ka Bixiyay Wax uu Qabanayo HadiiLa Doorto,

Gudomiya kuxigenkii horey oo dhinaca nabad galiyada u qabilsan maamulkii oo xilka laga qaday C\Fitaax Cumar Sabrhiye (Shaaweey) ayaa shegay in uu yahay  Musharax u taagan doorashayinka la donayo in mudo 15 casho  ah gudahoda oo ka bilawanaya sagaalka bisha aan ku jurna ay dadka Gobalak Banaadir codgoda ay ku xushaan cidii maamuli laheyd,

C\Fataax Ibrahim Cumar Sabriye \(Saaweey) ayaa shegay hadii uu  guulesto iyo hadii kalaba in uu ku raja wenyahay helitaanka codka dadka shacabka |Gobalka Banaadir, hasa ahatee sidaas ootahay oo hadane kacodsanayo  dadka Magaalada Muqdisho  ianay kutaageeraan musharax nimadiisa asagoo

C/ fitaax Cumar Ibraahin Sabriye (Shaaweey) ayaa waxa uu shegay in dhamaan dadka soomaaliyeed dhibaatooyinkii soo gaaray uu ka xunyahay isla markaana wax ka qaban doono ilaa iyo inta ay dhibtu ka dhamaaneyso

C/ fitaax Cumar Ibraahin Sabriye (Shaaweey) ayaa noqonaya musharixii afaraad  oo sheega inuu u taagan yahay qabashada  maamulida cusub ee Gobolka banadir isla markaasna waxay dhamaan musharixiintaasi ay yihiin  maamulki xilka laga qaaday balse waxaana la ogeen in haddii laga aqbalo musharax nimadooda oo ay kamid noqdaan dadka utaagan in ay utartamaan maamulka cusub ee ladoonayo inuu qabto Maamulka Gobolka Banadir Waxay kabadali karaan xaalada Gobolka Banaadir kataagan maadaama intii ay kujireen maamulkii hore ee Gobolka aanan  jirin wax ay kaqabteen mas’uuliyadii loomagacaabay,


Underbelly Inc: gangs muscle in on markets (Austarlia news)


Musharax Nuuradiin Aadan Diiriye oo baaq u diray Shacabka ku dhaqan Magaalada Gaalkcyo kuna baaqay Nabadda.

Musharax nuuridiin Aadan Diiriye oo kamid ah raga u taagan hugaaminta maamulka Puntland sanada soo socota.  

Musharaxa  ayaa baaq u diray beelaha ku dhaqan Gobalka mudug gaar ahaan maamulada ka kala arimiya koofurta iyo waqooyiga magaalada Gaalkacyo  kuwaas oo in muda ah u dhaxeeyay khilaaf aan sidaa u xoog badneyn  balsa laga dareemay magaalada Gaalkcyo .

Musharaxaan ayaa waxa uu sheegay in Gobalka mudug dadka degan aay yihiin dad walala ah oo isku diin ah oo isku af ah, loo mana baahno ayuu yiri in colaad dadkaan hada loo huriyo hadaba waxaan u sheegayaa Shacabka ku dhaqan Gobalka in aay nabada ka shaqeeyaan oo aysan dooran colaad wayoo horaybaa loo yiri nabada adaa ku nool ee iyada kuguma noola ayuu yiri.

waxuuna sheegay in uu aad uga xunyahay colaadaha ka soo cosboonaaday Magaalada Gaalkacyo oo uu sheegay in la oran karo goobtii nabadda maadama ay tahay magaalo ku taal bartamaha soomaalia, kuna dhaqan yihiin bulsha kala duwan waxuuna tilmamay in dadka ku dhaqan Gaalkacyo aay yihiin dad isla ganacsada is dhalay aana kala maarmin sidaa daraadeedna waxaa loo baahanyahay in aad ilaahay  ku shukrisaan ayuu yiri wuxuuna kaloo shegay in ay galkacyo tahay isku mid

Musharax Nuradin Adan Diriye  ayaa haatan ku sugan dalka kenya asigoo maalmo ka hor ka soo duulay dalka iskutaga Imaaradka Carbta oo uu u tagay casumaad uu ka helay Jaaliyadda reer Puntland ee ku dhaqan halkasi sida oo u sheegay warbaahinta, waxuuna sheegay in intii uu joogay halkaa uu kulama la soo qaatay Jaaliyada ku dhaqan dibada Musharaxa oo  kala soo arinsaday sida ugu haboon ee xal looga gaari karo amuuraha ka jira Puntland sidii loo soo celin lahaa deegaanada ka maqan Puntland iyo sidii waxa looga qaban lahaa arimaha amaanka.
musharax Nuuradiin Adan Diriye oo warbaahintu ay waydiisay xiliga uu ku soo noqonayo deeganada puntlan ayaa musharaxu sheegay in uu sidagdag ah ugu soo noqon doono deegana Puntland
 
hadalka musharaxa ayaa ku soo aaday xili saan saan colaadeed aay ka jirto Gobalka mudug islamarkasna aay baaqyo ka soo saareen abwaanada Gobalka mudug oo uu kamid yahay C/qaadir cali cigaal iyo abwaan Cali deeq oo labaduba ku baqeen in ilaah laga baqo oo colaad loo horseedin dadka Waxayna abwaanadu ahayeen kuwa dadka kala hadlayey warbaahinada iyagoo qaab eray sugaaneed ah ugu sharaxayey muhiimada ay leedahay Nabadda.


musharax nuuradiin aaadan diiriye ayaaaa ah musharixii ugu horeeyay ee ka hadla arimaha nabadgelyada arintana waxaa soo dhaweeyay guud ahaanba shacabka ku dhaqan deeganada puntland.

Suxufi: Farxan Yasin Mire   Isqootax

 

Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
00252-1-5576666
00252-50-907666  

Waxgaradka Somaliyeed ee dalka Kenya ku nool  iyo Mas'uuliyiin katirsan Isbaheeysiga dib u xoreynta oo kullan ku yeeshay magaalada Nairobi... Akhri.. Sept 15

Faafin: SomaliTalk.com |  Sept 15, 2008

BAARID | SEARCH


yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka
Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22

Hayadda batroolka SoomaaliyaDFKMG oo Heshiis u Saxiixday Shirkadaha Batroolka ee Kuwait Energy iyo Medco Energi...
Maadaama shirkadahaasi jaal la ahaayeen Geeddi ma lagu macnayn karaa in la soo celinayo Geeddi Akhri

Sheikh Shariif “ciidamada bixitaankooda wuxuu bilaabanayaa markii la sixiixey heshiiska, laakiin…” Shir jaraa’id
Warbixin arintaas ku saabsan Akhri Aug 22


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS