SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Qoysas Ka Cararaya Dagaallo Iyo Abaaro Ekeeyay Deg/Ceelwaaq Kenya Oo Maciin Soo Biday Dal Burburay

 

 

Baardheere:Barakac xoogan ayaa shalay ilaa maanta ka bilowday goobihii ay dagaalada ku dhexmareen labo beelood oo wada dega xadka kenya iyo Soomaaliya oo qiyaastii 15 u jira G/Gedo ee K/Galbeed Soomaaliya.

 

Barakacan ayaa yimid kaddib dagaal xoogan oo labo beelood ku dhexmaray degaanada Wante Gooda iyo alanguwa halkaasoo ay ku dhinteen dad badan 10 ruux halka tiro kalena ay ku dhaawacmeen.

 

 Inkastoo ay goobahaasi saacado ka hor gaareen cutubyo ka tirsan ciidamada Kenya waxaa boqolaal qoys oo reer guuraa ah ay ka soo firxanayaan dhulalkii ay dagaalada ka bilowdeen.

 

Kadib dhaqdhaqaaqyo ciidan oo halkaasi laga dareemay ayaa wararku waxa ay tibaaxayaan in saaka ay xaaladu degantahay oo aysan jirin wax iska horimaad ah.

 

Qoysaskaasi soo cararaya ayaa waxa ay u soo tillaabeen xadka dhinaca soomaaliya haalkaasoo ay kaga soo baxsanayaan Dagaalada soconaya.

 

Dagaalladaasi oo soconayay 3 maalmood ee la soo dhaafay ayaa ka dhashay aano qabiil taasoo u dhaxaysa labadaasi beelood oo horay sanadkii hore dad badan isaga laa'yay.

 

Lama oga sida ay xaalada ku danbeyn doonto maadama ay ciidamada Kenya xaalada gacanta ku hayaan waxaana laga cabsi qabaa in dagaalada beelahaasi ay u soo tillaabiyaan gudaha Soomaaliya gaar ahaan deegaanada G/Gedo

 
Ma jirto cid ilaa iyo iminka gacan ka gaysatay gacan siinta dadkaasi soo butaacaya.

ICRC Oo Agab Hu Iyo Hoyba Leh Gaarsiiyay Dad Ku Soo Barakacay Muqdisho Oo Ku Nool Deg.Bu'aale Ee G/J/Dhexe.

 
Inkabadan 1.000 qoys oo horay uga soo barakacay dagaaladda iyo xiisadaha magaalada Muqdisho ayaa la gaarsiiyay deeqo ay gacan ka gaysatay hay'adda ICRC.
 
Dadkaasi oo u badan haween , carruur iyo dad dhalinyaro ah ayaa waxaa la sii yay agab isugu jira weelasha cuntadda lagu bislaysto, baco iyo dhar ssida ay xaqiijiyeen saraakiisha hay'addaasi.
 
Maxamed Bilow kamid ah shaqaalaha maxaliga ah ee hay'aasi ayaa sheegay in qalabkaasi uu wax weyn ka tari doono heerka nossha dadkaasi.
 
Qalabkaasi ayaa waxaa la filayaa in uu gaca ka gaysto hab nololeedka dadkaasi ,ayadoo haatan la gudo galay xiligii roobabka oo ay gobolkaasi roobabku ka da'ayaan.
 
Inta badan dhaqdhaqaaqyada hay'addaha samafalka ayaa ku soo yaraanayay gobolada K/Soomaaliya ,taasoo ka dhalatay kooxo u gaarsada dadka u shaqeeya hay'addaha samafalka
 
Maxamed Gaarane Aadan
Baardheere/Gedo


 
Maxamed Gaarane Aadan
Baardheere/GEDO
gaarane68@hotmail.com 

Faafin: SomaliTalk.com |  Sept 10, 2008

BAARID | SEARCH


yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka
Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22

Hayadda batroolka SoomaaliyaDFKMG oo Heshiis u Saxiixday Shirkadaha Batroolka ee Kuwait Energy iyo Medco Energi...
Maadaama shirkadahaasi jaal la ahaayeen Geeddi ma lagu macnayn karaa in la soo celinayo Geeddi Akhri

Sheikh Shariif “ciidamada bixitaankooda wuxuu bilaabanayaa markii la sixiixey heshiiska, laakiin…” Shir jaraa’id
Warbixin arintaas ku saabsan Akhri Aug 22


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS