- Dagaallo Qasaare Gaystay Oo Beelo Ku Dhexmaray Xuduuda Soomaaliya Iyo
Kenya.
- Roobab Maansheeyay J/Dhexe Halka Ay Abaar ay la hardamayaan Dadka Ku
Dhaqan G/GEDO
- Kulan Abaabul Ciidan Oo Shalay Ka Dhacay Degmada B/Xawo
Waxaa isku soo dubaridey
Maxamed Gaarane Aadan
Baardheere,Gedo
Dagaallo Qasaare Gaystay Oo Beelo Ku Dhexmaray Xuduuda Soomaaliya Iyo
Kenya.
Baardheere:Dagaalka oo hubka noocyadiisa kala duwan loo adeegsaday, kaasoo
dhexmaray labo maleeshiyo beeleedyo ayaa Axadii (Sept 7, 2008) ka dhacay goob 30
km dhinaca galbeed kaga beegan degmada Ceelwaaq islamar ahaantaasina ku taalla
gudaha xadka kenya.
Inkabadan 7 ayaa lagu soo waramayaa inay ku dhinteen dagaaladaasi cusub halka 10
kale ay ku dhaawacmeen sida ay ii sheegeen dad goobjoogayaal ah ku sugan deegaan
u dhaw degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.
Tiro dhaawacyo ayaa lagu daabulayaa gaadiid kuwaasoo oo loo wado xaga dhinaca
magaalada Mandheera ee gobolka Waqooyi Barri Kenya.
Dagaalkan culus oo aan ilaa iyo iminka la ogeyn xogtiisa dhab ta ah ayaa waxaa
uu dhexmarayaa labo beelood oo wada degan gudaha dalka kenya gaar ahaan gobolka
Soomaalida oo xad la leh dhinaca Gobolka Gedo ee K/Galbeed Soomaaliya.
Iska horimaadyadaasi ayaa ka dhashay aano qabiil taasoo u dhaxaysa labadaasi
beelood oo horay sanadkii hore dad badan isaga laa'yay.
Roobab Maansheeyay J/Dhexe Halka Abaar ay la hardamayaan Dadka Ku Dhaqan
G/GEDO
Baardheere:Roobab xoogan oo hoorayay muddo 24 saac ayaa ku daruursaday degaano
ka tirsan gobolka J/Dhexe halkaasoo ay ka jireen abaar iyo biyo la'aan aad u
daran.
Roobab oo la mirdhigay bey'adda ayaa sababay islam ar ahaantaasna daad ku soo
rogay wadooyinka waaweyn ee gobolkaasi.ayadoo uu hakad dhamaan howlihii
gobolkaasi.
Qasaare isugu jira xoolo gaaraya ilaa 60 neef iyo bur bur lixaad leh oo ku yimid
guryo aan tiradooda la xaqiijin ayaa lagu soo waramayaa inay roobabkaasi ay
gaysteen.
Waxaa sidoo kale la sheegayaa in daadadkaasi ay hakad galiyeen dhamaan isu
socodka dadka iyo gaadiidka kajiray gudaha gobolkaasi.
Roobabkaasi ayaa dhinaca kale ku soo beegmaya xili ay dad badan oo ku dhaqan
gobolka dariska la ah gobolkaasi ee GEDO ay u maaro waayeen abaar iyo biyo
la'aan soo jiitamayasay sanadihii la soo dhaafay.
Kulan Abaabul Ciidan Oo Shalay Ka Dhacay Degmada B/Xawo
Xildhibaan Barre Hiiraale iyo xubno la socda oo dhawaanahanba ku sugnaa
deg/B/Xaawo ayaa kulan la qaatay qaar kamid ah mamulada Deg/Gedo iyo odayaasha
SADE.
Kulankaasi oo ka dhacay hotelka Cabdinuur oo ay deganyihiin xubnihii horay uga
arrimin jiray magaalada Kismaayo ayaa ku aadanaa abaabul sidii loogu aruurin
lahaa maleeshiyaad dib ugu ruqaansado Kismaayo.
Col Warfaa Sh Aadan oo ah taliyaha ciidamadaasi ayaa sheegay in ay isla garteen
waxgaradkii ay la kulmeen in la uruuriyo ciidan si dib duulaan loogu qaado
magaalada Kismaayo. waxaana uu xusay in talo ay u soo bandhigeen shacabka Gedo
Maadaama Kismaayo laga qabsaday Dadka Degan Gobolka Gedo ayna tahay inay ka
arrinsadaan waa sida uu hadalka u dhigaye.
Mar aan way diiyay in ay la kulmeen saraakiil itoopiyaan ayaa Col. Warfaa waxa
uu tibaaxay inay la kulmaayaan cid kasta oo ay garab kagahelayaan duulaankooda.
waxa uu yiri " ma qarin doono in aan dagaal ku qaadayno kismaayo"
Inkastoo uu jiro abaabulkaasi ayaan la ogeyn waxa uu xaal ku dambayn
doono.waxaana laga dhursugayaan sida uu xaal noqon doono.
Maxamed Gaarane Aadan
Baardheere,Gedo
Faafin: SomaliTalk.com | Sept 8, 2008 |