SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Xoghayaha Dibu-heshiisiinta Is-bahaysiga Dibu-xoreynta Soomaaliya Sheekh Axmed (Fanax) "mana ahan waxa ay Soomaalidu ka fileysey, in aduunku gacmaha ka laabto" .. (wareysi xiiso leh)

Xoghayaha dibu-heshiisiinta Is-bahaysiga dibu-xoreynta Soomaaliya Sheekh Axmed C/llaahi Xuseen (Fanax) oo aan kula kulmey Hoteel Imperial ee caasimada dalka jabuuti, islamarkaana aan wax ka weydiiney halka ay marayaan hawlaha dibu-heshiisiinta ARS iyo TFG, hadalka ka soo yeerey Qaramada Midoobey ee ciidaada nabad ilaalinta laga sugayey, dagaalada wali ka socda dalka heshiiskii Jabuuti kadib iyo khasaarihii ka dhashey Roobkii ka da’ay Koofurta Soomaaliya cida wax u qabaneysa shacabka, maadaama ay ku jiraan iyaga wali dagaal, isagoo arimhaasi ka hadlaya wuxuu yiri

S :- halkey marayaan hawlaha dibu-heshiisiinta ee dhinacayada Is-bahaysiga iyo Dowlada KMG ?

J :- waxaa lagu balansan yahay 19/09/2008-da in gudiga Amniga ay ku kulmaan magaalada Nayroobi, si hore loogu sii wado hawlihii loo xilsaarey ee dhinaca Nabadgelyada.

S :-Ilaa iyo hada ma jiraa tilaabo horumar ah oo hore loogu qaadey dhinaca fulinta heshiiskii Jabuut ?.

J :- marka loo eego dhinaca Is-bahaysiga, waxaa jira tilaabooyin muuqda oo uu isbahaysigu qaadey, sida inuu wali ku taagan yahay heshiiskii Jabuuti, inkastoo ay sheki gelinayaan dhinaca qaramada midoobey in hanaan socodkii dibu-heshiisiinta, sababtoo ah warka ka soo yeerey qaramada midoobey waxaa loo arki karaa, in arinta Soomaaliyeed ay xagal daacinayaan.

S :-Waa maxay waxa ka soo yeerey oo ay ku xagal daacinayaan Qaramada Midoobey dibu-heshiisiinta Soomaaliya ?.

J :-waxay sheki ka muujiyeen keenista ciidamo amniga suga oo la geeyo Soomaaliya, taasina waxay fursad u sii neysaa in dhibaka shacabka haysta, lagu sii dheereeyo, mana ahan waxa ay Soomaalidu ka fileysey, in aduunku gacmaha ka laabto, iyadoo shacabku uu diyaar u yahay nabad deg deg ah.

S :-Axmed Cabdullaahi Qaramada Midoobey Soomaaliya hore ayey ugu soo dirty ciidan, waxayna kala kulantey dhibaato baaxad leh, hadaba iyadoo taasi ay ogtahay Malaga yaabaa in arinta ay ku xireyso shuruud in qaybo ka mid ah dhinacyada heshiiska oo aan diyaar u ahayn darteed ay ogaatey ?

J :-marka aan ka hadlo dhinaca Is-bahaysiga, wuxuu si cad u qaatey heshiiska jabuuti, isagoo eegaya maslaxada Soomaaliya xiligaan u baahan tahay, waxa ku kalifaaya Is-bahaysiga inuu heshiiska qaato, waa laba daran kala dooro, sida Ethopia oo dhibaato badan ku haysa shacabka Soomaaliyeed, rabtana in Soomaaliya ay noqoto Kilin ka mid ah Ethopia iyo ciidamo ka yimaada dunida muslimka oo leh shuruudo iyo waajibaad la ogyahay ayaa waxay keentey in Is-bahaysigu uu qaato heshiiska Jabuuti ee marka cida diidan heshiiska jabuuti waxaa la weydiinayaa Qaramada Midoobey.

S :- Sheekh Axmed C/llaahi heshiiska waxaa ka mid ah in xabada la joojiyo walina wey socotaa ee marka heshiisku ma wuxuu ahaa mid maqal keli ah mise waxaa jira arimo kale oo aan la ogeyn ?

J :-waa runtaa xabadu wey socotaa, waana soconeysaa inta ciidamada Ethopia laga keeneyo jadwalkii ay ku bixi lahaayeen, sidaas buu heshiisku ahaa.

S :-Sheekh Fanax Xabadda aad wadaan maalin walba waxaa ku dhinta shacab aan waxba galabsan ee marka waditaankeeda muxuu soo kordhinayaa, hadii dhiiga shacabku uu qubanayo wali ?

J :-anagu xabad ma wadno horta, xabadda shacabku uu ku le’anayo waxaa wada Ethopia, Soomaalidana xalkeeda wey ku filan tahay, hadii laysaga dhex baxo, tusaale waxaa kaaga filan arinta ka dhacdey Kismaayo.

S :-Sheekh Axmed Dhowaan waxaa dalka ka da’ay Roobab ma hiigaan ah oo gobolada qaarkood khasaarooyin dhimasho iyo bur bur hatiyeed ka soo gaarey shacabka Soomaaliyeed ma helin dowlad wax u qabata, adinkuna waxaad ku jirtaan sida aad sheegtey inta Ethopia dalka ay ka baxayso in xabada la sii wado hadaba yaa wax u qabanaya shacabka Soomaaliyeed ?.

J :- waa jirtaa in Roob xoog leh uu ka da’ay dalka Soomaaliya, dadd badan oo nalasoo xiriireyna waxay inoo sheegeen in Magaalada Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose keli ah ay dhibaato ka soo gaartey in ka badan 100 qof, caruur badana ay ku le’etey, Guryo badana ay ku dumeen, xitaa Masaajidada qaarkood lagu tukan waayey, masiibada intaa la eg waxa Soomaaliya ku habsadey oo dowlad la’aantu ugu weyn tahay ayey ka mid tahay marka ay timaado arintan oo kale, waxaa loo baahan yahay gar-gaar Bani’aadaninimo in loo fudiyo, musilim iyo gaalba. waxaana ugu baaqayaa hay’adaha samafalka, ganacsatada Soomaaliyeed iyo Qurbo joogta Soomaaliyeed in gar-gaar deg deg ah lala soo gaaro shacabka Soomaaliyeed ee ku waxyeeloobey roobabakii dhowaantan ka da’ay meelo ka mid ah Koofurta Soomaaliya, Is-bahaysigu wuxuu balan qaadayaa meelaha uu gacangta ku hayo, in cidii gar-gaareysa shacabka dhibaateysan ay garab istaagaan, hawlaha samafalka ay wadaan, inkastoo ay jiraan meelo badan oo nabad ka jirta.

Maxamed Macallin Cismaan (All-man) Somalitalk Jabuuti.
fatxumaalik@hotmail.com, +253624079

Mash-ruuc lagu mataaneynayo Caasimada Jabuuti iyo Boosaaso,
iyo Duqa Magaalada Boosaaso C/risaax Xareed oo soo gaarey Jabuuti (wareysi).. Akhri Sep 2

Faafin: SomaliTalk.com |  Sept 7, 2008

Inkabadan 300 Oo Qoys Barakacay Ah Oo Nolol Xumo Ay Ku Haysato Gudaha Degmada Baardheere - Sept 6

Soomaali Baddan oo markaliya lagu laayay dalka K/Afrika - Sept 5

Musharaxa Madaxweyne K/xigeenka u taagan ee Xisbiga Kulmiye Eng. Saylaci oo lagu soo dhaweeyay Borama. Sept 5

Suleymaan Colaad Rooble "dadka i aqrisanaya ha ila yaabina waxa aan sheegay waxaa iiga keenay karka" Sept 5

BAARID | SEARCH


yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka
Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22

Hayadda batroolka SoomaaliyaDFKMG oo Heshiis u Saxiixday Shirkadaha Batroolka ee Kuwait Energy iyo Medco Energi...
Maadaama shirkadahaasi jaal la ahaayeen Geeddi ma lagu macnayn karaa in la soo celinayo Geeddi Akhri

Sheikh Shariif “ciidamada bixitaankooda wuxuu bilaabanayaa markii la sixiixey heshiiska, laakiin…” Shir jaraa’id
Warbixin arintaas ku saabsan Akhri Aug 22


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS