SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Sagaal askari oo ka tirsanaa Ciidamada DKMG iyo mid ka mid ah ciidanka Ethiopia oo isu soo dhiibay ciidamada maxaakiimta islaamiga Soomaaliyeed... Muqdisho

 

Ciidamadaan ayaa maanta (Sabti Sept 6, 3008) galinkii hore ka soo goostay cidankii ay ka tirsanaayeen waxaana la socday askari Ethipian ah waxayna u soo galeen cidamadii ay is horfadhiyeen ee midowga maxaakiimta somaliyeed ka tirsanaa.



Ciidamadaan ku soo biiray kuwa maxkamadaha ayaa ka koobnaa 9 somali ah halka mid ka mid ah uu yahay askari u dhashay dalka Ethiopia.



Sh. Cabdiraxiin ciise cadow oo ah afhayeenka maxkamadaha dhanka howgalada ayaa ku dhawaaqay in ay soo dhaweynayaan ciidankaan iyo kuwa ku xigi doono dabadhifyada cadowga, waa sida u hadalka u dhigaye, wuxuuna intaa raaciyey in la sugayo kuwo kale oo intaan ka badan.

Arintaan ayaa ku soo adaysa xili ay magaalada ka dhacayaan dilal ,dagaalo ,qaraxyo iyo iska horimaadyo ka socdo goobo badan oo ka mid ah dalka, mana aha markii ugu horeysay ee ciidamo ka soo goostay cidamada dowlad Federaalka KMG Somaliyeed iyo kuwa Ethiopia ay isu dhiibaan ciidamada dowlada ka soo horjeedo ee dagaalka culus kula jira.



Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
00252-1-5576666
00252-50-907666

Xoghayaha Dibu-heshiisiinta Is-bahaysiga Dibu-xoreynta Sheekh Axmed "mana ahan waxa ay Soomaalidu ka fileysey, in aduunku gacmaha ka laabto" wareysi Sept 7

Tayaynta Nabadda iyo Taabagelinta Dimuqraadiyadda Puntland - Sept 7

Dagaallo lagu jabiyay ciidammada gumaysiga  - Sept 7

Faafin: SomaliTalk.com |  Sept 7, 2008

BAARID | SEARCH


yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka
Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22

Hayadda batroolka SoomaaliyaDFKMG oo Heshiis u Saxiixday Shirkadaha Batroolka ee Kuwait Energy iyo Medco Energi...
Maadaama shirkadahaasi jaal la ahaayeen Geeddi ma lagu macnayn karaa in la soo celinayo Geeddi Akhri

Sheikh Shariif “ciidamada bixitaankooda wuxuu bilaabanayaa markii la sixiixey heshiiska, laakiin…” Shir jaraa’id
Warbixin arintaas ku saabsan Akhri Aug 22


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS