SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Shirka ururka Jamhuuriga Marakanka oo lagu mudaharaaday

Sawirada bannaanbaxa Ka daawo halkan...

Banaanbax aad u balaaran oo ay soo abaabuleen ururo badan oo ay ka mid tahey ururka Somali Cause ayaa manta ka dhacay magaalada Saint Paul ee gobolka Minnesota. Banaanabxan ayaa ahaa mid looga soo horjeeday dagaalada.

Dadyowgii halkaa isugu soo baxey ayaa lagu qiyaasay inay kor u dhaafayeen ilaa 20,000. Somaalida iyagu banaabaxa ka qayb galayey ayaa qiyaastii dhamaa ilaa 500 oo qofood.

Somalida halkaa joogtey ayaa iyagu ka soo horjeedey joogitaanka cidama Ethiopia. Waxay ku eedaynayeen dilal iyo barakicin baaxad weyn. Sidaas oo kale ayay eed dusha uga tuurayeen dowlada Mareykanka oo ay lahaayeen waxay si buuxda u taageertay qabsiga iyo xasuuqa dowlada Ethiopia kula kacdey ummada Soomaaliyeed.

Ka soo qeybgalayaasha bananbaxa ayaa waxaa ka muuqatay shucuur wadaniyeed. waxay ruxayeen calanka somaliya iyo kan mareykanka. Waxayna ku dhawaaqayeen erayo ey ku dheehan tahay xamaasad. Waxaa ka mid ahaa erayadooda "gumeysiga Ethiopia ee ay dowlada mareykanku taageerto waa inuu dhamaadaa hada iyo Bush waa inuu na dhafaa McCann doonimeyno" Iyo kuwa kale oo faro badan.
Gudoomiye Xigeenka Ururka Somali Cause, Maxamed Xusein "Gudbaaye" oo la hadlayey dadkii faraha badnaa ayaa ku booriyey iney la xiriiraan dowlada & siyaasiyiinka gobolka iyagoo ka dalbanaya iney Ethiopia ka saaraan Somaliya iyo aqalka odayaashu baaraan hadal haynta in ay argagixiso Soomaaliya ku sugan tahey oo u yiri waa waxba kama jiraan. Dhamaadka hadalkiisa ayuu ku muteystey sacab iyo bogaadin faro badan.

Mudaaharadka ayaa ahaa mid ujeedooyin badan lagu soo bandhigayey marka loo eego qowmiyadaha kala duwan ee ka soo wada qaybgaley balse ahaa mid ka mideysnaa diidmada dagaalada. Banaanbaxa iyaa ka dhacay magaalada St Paul oo uu ka dhacayo shirwynaha caleemasaarka ninka ugu tartamaya madaxnimada ururka Jamhuuriga ee wadankan Mareykanka.

Banaanbaxayaasha oo ku qeylinaya hadallo shucuuri ku dheehan tahay
Banaanbaxayaasha oo socod ku maraya Magaalasa Saint Paul.
Sh. Hassan Jamici iyo Gandi oo ka dhex muuqda dibadbaxayaasha.

Abdullahi Husein Abdi "Macruuf"
Minneapolis, MN – U.S.A.
Macruuf77@gmail.com
Macruuf waa wariye madaxbanaan oo ku nool wadanka Mareykanka

Faafin: SomaliTalk.com |  Sept 3, 2008

BAARID | SEARCH


yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka
Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22

Hayadda batroolka SoomaaliyaDFKMG oo Heshiis u Saxiixday Shirkadaha Batroolka ee Kuwait Energy iyo Medco Energi...
Maadaama shirkadahaasi jaal la ahaayeen Geeddi ma lagu macnayn karaa in la soo celinayo Geeddi Akhri

Sheikh Shariif “ciidamada bixitaankooda wuxuu bilaabanayaa markii la sixiixey heshiiska, laakiin…” Shir jaraa’id
Warbixin arintaas ku saabsan Akhri Aug 22


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS