SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Jamhuuriyadda Soomaaliya 
 

War saxaafadeed ka soo baxay

Guddiga bahda waxbarashada

                                                                                   Date:-01/09/08 
 

Uj:- Mudaaharaad waxbarasho joojin ah  
 
Shir ay yeesheen guddiga bahda waxbarashada 31/08/08 waxay go’aan ku gaareen in ay joojiyaan waxbarashada sadex maalmood oo ka bilaabanaysa maalinta talaadaada oo ay bishu tahay 02/09/08 ilaa maalinta khamiista oo ay bishu tahay 04/09/08. 
 

Taas oo lagu muujinayo tacadiyada joogtada ah ee lagu hayo dugsiyada waxbarashada, sida arxam la’aanta ahna loo xabadeenayo, loo gubayo agabka waxbarashada isla markaana la bililiqaysanayo had iyo jeerba.

Sidii dhibaatooyinkii ku dhacday dugsiyada kala ah:-

  1. Axmed gurey
  2. Cumar bin cabdi casiis
  3. Al- mathal
  4. Al imaan

Iyo dhacdadii ugu danbaysay ee si arxan laan ah loo xabadeeyay dugsiyada kala Imamshafici iyo SYL.

Dhacdadaas oo loogu gaystay dhaawac 5 arday iyo 2 macalim oo ka tirsan dugsiga SYL.

Dhaawacaas oo halis galin kara noloshooda welina ay isbitaal u jiifaan.  
 

Go,aan:-

    1. Joojin waxbarashadii ka socotay gobolka banaadir muddo sedex maalmood ah.
    2. Baaq ku wajahan mas’uuliyiinta dawlada, oo ah in ay wax ka qabtaan dadkii dhibaatada u geystay goobaha waxbarashada, sharcigana la horkeeno.
    3. Waxaan ka cod sanaynaa xoogaga ka soo horjeeda dawlada in ay ixtiraamaan goobaha waxbarashada.
    4. sidoo kale waxaan ka codsanaynaa bulshaweynta soomaaliyeed ee gudaha iyo dibada ku nool in ay u istaagaan sidii loo badbaadin lahaa ubadka soomaaliyeed ee waxbaranaya.

   
 
Af hayeenka bahda waxbarashada 

Ustaad:  Cabdulkadir Cumar Rooble

Tel: 5557672

safeassociation@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com |  Sept 2, 2008

BAARID | SEARCH


yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka
Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22

Hayadda batroolka SoomaaliyaDFKMG oo Heshiis u Saxiixday Shirkadaha Batroolka ee Kuwait Energy iyo Medco Energi...
Maadaama shirkadahaasi jaal la ahaayeen Geeddi ma lagu macnayn karaa in la soo celinayo Geeddi Akhri

Sheikh Shariif “ciidamada bixitaankooda wuxuu bilaabanayaa markii la sixiixey heshiiska, laakiin…” Shir jaraa’id
Warbixin arintaas ku saabsan Akhri Aug 22


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS