SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Xukuumadda Nuur Cadde oo ka badbaadey in afka ciida loo daro

Iyadoo Maalmahan uu socdey Mooshin ka dhan ah Raisul Wasaare Nuur Cadde ayaa maanta oo ay bishu tahay 1-da September waxa loo qaadey Codka Kalsoonida waxana markii la qaadayey Baarlamanka fadhiyey 200 oo xildhibaan hase yeeshee waxa inta aysan bilaaban Codka Xukuumada bilowdey Muran aad u dheer oo sababi gaarey in gacanta la iskula tago hase yeeshee Gudoomiyaha Baarlamanka ayaa doodaas dejiyey xildhibaanada ku khasbey in in la raaco Dastuurka iyo Xeer hoosaad uu barlamaanka uu leeyahay

Dood dheer ka dib ayaa waxa la si ku raacay in cod Gacan tag ah la sameeyo taasoo uu si aqlabiyad uu ku guuleysto Nuur Xasan Xuseen Nuur Cadde oo helay Codka kalsoonida oo gaarayey 191laguna yiri " ha sii shaqeyso Xukuumada Nuur Caddee" waxaa diidey 7 xildhibaan waxa ka aamusey 2 xildhibaan
codka kalsoonida ee ay heshey Xukuumada Nuur Cadde waxa ay dar-dar gelineysaa howlhii uu wadey Nuur cadde oo ay ugu horeeyan Dib u heshiisiinta waxaana lagu waramey in uu Nuur Cade uu u hambalyeyey XildhibaAnadii u codeeyey isagoo sheegay in uu sii wadi doono Barnamjiyada Xukuumad oo uu sheegay in uu sii laba -labi doono

Sida uu dhigayo heshiiskii lagu saxiixdey Magaalada Adis -Ababa ee, ay wada galeen isaga iyo Mdaxweyne Cabdulahi Yuusuf waxa Nuur Cade looga fadhiyaa in soo dhiso Xukumad ka kooban 23 Wasiir iyadoo beelaha waaweyn oo ka kooban 4 beelood ay heli doonan min shan Wasiir halka beelaha isbahaysiga ay heli doonan 3 Waasiir waxa kale uu heshiiska uu dhigayaa in dib loo soo celiyo Wasiirradi iscasley balse warar aan ka helay Xafiiska Raisul Wasaaraha ayaa sheegaya in Wasiiradaas aysan ku noqon doonin Wasaaradahoodi hore balse loo magacaabi doono Wasaarado kale

Waxaa dib Candhuuftooda u liqey xildhibaanadii u ololeynayey in la rido Xukuumada Nuur Cade oo uu hor joogaha uu u ahaa Xidhibaan Cali Cabdulahi Cosoble waxaana maanta la ogaadey in Nuur Cade uu tiir adag uu ku leeyahay Gudaha Baarlamaanka waxaa isweydiin mudan waxa laga yeelayo mooshinka isna uu ka yaalo Baarlamaanka Madaxweyne Cabdulahi Yuusuf oo haatan u muuqdaa mid aan xoog ku lahay gudaha baarlamaanka

isku soo wada duuboo codka ay maanta heshey Xukuumadas Nuur Caade ayaa dad u kuurgala siyaasada ayaa sheegaya in aysan waxba soo kordhin doonin maadama ay laba lixaadsadeen Dagaaladii looga soo horjeedey Xukuumada iyo weliba ku dhawaaqidii ka bixitaanka Ciidamada Itoobiya oo lafadhar u ahaa sii shaqeynta Dowladda Federaalka

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com |  Sept 2, 2008

BAARID | SEARCH


yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka
Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22

Hayadda batroolka SoomaaliyaDFKMG oo Heshiis u Saxiixday Shirkadaha Batroolka ee Kuwait Energy iyo Medco Energi...
Maadaama shirkadahaasi jaal la ahaayeen Geeddi ma lagu macnayn karaa in la soo celinayo Geeddi Akhri

Sheikh Shariif “ciidamada bixitaankooda wuxuu bilaabanayaa markii la sixiixey heshiiska, laakiin…” Shir jaraa’id
Warbixin arintaas ku saabsan Akhri Aug 22


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS