SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Ku Xigeenka Xoghayaha Warfaafinta Isbahaysiga Dib U Xoreynta oo Warsaxaafadeed ka Soo Saaray Magaalada Leicester ee dalka Ingiriiska.

Warsaxaafadeedkaan uu soo saaray maanta kuxigeenka xoghayaha warfaafinta Isbahaysiga Dib U Xoreynta Soomaaliya Garabka Asmara mr Maxamed Xaashi Cbadi isagoo ku sugan magaalada Leicester ee dalka ingiriiska ayuu waxa uu uga hadlay waxyaabo badan oo kala duwan .

Mr maxamed markii ugu horeysay ayuu umada Soomaaliyeed oo muslimiinta meel kasta ooy joogaan waxa uu ugu bishaareeyay bilashada bisha barakaysan ee ramadaan taas oo alle u waydiiyay danbi dhaaf dhamaantood meel walba ooy joogaan alle uga baryay inuu gumaysiga ka xoreeyo dalkayaga qabsaday .
Xoghaye ku xigeenka waxa uu kala oo ka hadlay dhacdooyinkii u danbeeyay ee dalka mar uu ka hadlaayay hadaladii ka soo yeeray raysalwasaaraha Ethiopia ayuu waxa uu ku sheegay inay tahay waxaas hadal u eg daacdaacsi oo wadankayaga uu doonayo in loogu sii xalaaleeyo oo uu gumaysiga ku sii haysto laguna siiyo dhaqaale ee ujeedadiisa aysan marnaba ahayn inuu si sahal ah uga baxo wadanka Soomaliya balse ilaa mililiq ay aaminsan yihiin inaysan jirin wax soomaali la dhaho iyo dhul soomaaliyeed toona.

Maxamed Xaashi Mar uu ka hadlaayay xaaladihii u danbeeyay ee ka dhacay gobalada Jubooyinka ayuu waxa uu tacsi u diray dhamaan dadkii ku geeriyooday halkaa oo Soomaaliyeed asaga oo sheegay dhibkana inuu ka yimid maamul xumadii baahday ee ka jirtay magaalada mudadii sanadka iyo barka ahayd iyo iyadoo markii danbe beeshii meesha xukuntay dhexdeedii heshiis lakala galeen culumadii Soomaaliyeed eek u sugnaa jiidaas.

Waxa uuse ku sii daray markaa inaan loo baahanayn in hada lagu fakaro markale in dhiig la daadsho oo dadka soomaaliyeed ee walaalaha ah loo abaabulo dagaal kaas oon ahayn waqtigaan xaadirka ah mid loo baahan yahay gacanta magaalada kismaayo na ay hada ku jirto gacanta mujaahidiinta Soomaaliyeed lagana fakarayo sidii maamul caadil oo dadka oo dhan u dhexeeya looga samayn lahaa Gobolka.
Mar uu ka hadlaayay in laysku darayo ciidamada Isbahaysiga iyo ku la shaqeeya gumaysiga oo heshiiska ku soo galay Jabuuti ayuu waxa uu sheegay in jabuuti aysan ayaga heshiis ku galin balse waxa heshiiska ku galay jabuuti ay yihiin garab ka tagay ayaga aysana la socon waxaas waxna ka qusayn nimankaasna ay yihiin kuwii umada xasuuqay ayna mudnayn in heshiis lala galo ayna ayagu horey u ceedeeyeen arinkaa.

Xoghaye Kuxigeenka Warfaafinta Isbahaysiga Dib U Xoreynta Soomaaliya
Maxamed Xaashi Cabdi
Isbahaysi@gmail.com
Leicester UK 01/09/2008

Faafin: SomaliTalk.com |  Sept 2, 2008

Xog-hayaha Warfaafinta Is-bahaysiga Dibu-xoreynta Soomaaliya Axmed Cabullaahi oo Jawaab adag ka bixiyey hadalka ka soo yeerey Mele Zanawi ee ahaa Soomaaliya waa ka saarayaa ciidamada Itoobiya.. Akhri Aug 30

cumarCumar Sh. Cali Idiris “waxayna doonayaan in ay ka dhigaan Soomaaliya Kawaan xiran…” Qaybtii labaad Wareysi Xiiso badan
ee Ku xigeenka Arimaha Dibada Is-bahaysiga Dibu-xoreynta Soomaaliya.. Akhri Aug 30

AbkoowGudoomiyaha Gudiga Olonbikada Soomaaliyeed Cabdiqaadir Ibraahim Gacal (Abkoow) "Soomaaliya ilaa iyo bur burkii intii uu jirey waxaa ay ka qeyb-gashey.." Akhri Aug 28

Sheikh Shariif “ciidamada bixitaankooda wuxuu bilaabanayaa markii la sixiixey heshiiska, laakiin…” Shir jaraa’id
Warbixin arintaas ku saabsan Akhri Aug 22

BAARID | SEARCH


yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka
Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22

Hayadda batroolka SoomaaliyaDFKMG oo Heshiis u Saxiixday Shirkadaha Batroolka ee Kuwait Energy iyo Medco Energi...
Maadaama shirkadahaasi jaal la ahaayeen Geeddi ma lagu macnayn karaa in la soo celinayo Geeddi Akhri

Sheikh Shariif “ciidamada bixitaankooda wuxuu bilaabanayaa markii la sixiixey heshiiska, laakiin…” Shir jaraa’id
Warbixin arintaas ku saabsan Akhri Aug 22


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS