Iskaashi Dhinaca Waxbarashada ah ayaa dhexmaray Jaamaca Bariga Africa ee
Boosaso iyo Jaamacada UTeM ee ku taala Dalka Malaysia.
Gudoomiyaha Jaamacada Bariga Afrika Prof Maxamed Cabdi ayaa sheegay inay dhawaan
hashiis wada galeen Maamulka Jaamacada Bariga Afrika iyo Maamulka kale ee
Jaamacada UTeM ee ku taala Dalka Malaysia.

Gudoomiyaha ayaa u mahad celiyay xubnihii ka socday Jaamacadaasi Dalka Malaysi
isaga oo sheegay inay diyaar u yihiin ka Jaamacad ahaan xidhiidh kasta oo lagu
xoojinayo Aqoonta.
Prof-ka ayaa sidoo kale sheegay sheegay inay Jaamacada Bariga ay tahay Hooyadii
Puntland marka laga hadlayo heerka Aqoonta sare.
Munaasabad heshiishkasi lagu maamusayo oo ka dhacday Jaamacada Bariga Africa ee
Boosaso ayaa waxa ka soo qaybgalay Masuuliyiin ka socda labo Jaamacadood iyo
masuuliyiin ka tirsan Maamulka Puntland.

Gudoomiyaha Gobolka Bari Muuse Geelle Yuusuf Faroole oo Munaasabada ka hadlay
ayaa ku amaanay Jaamacada Bariga Africa doorka muhiimka ah ee ay ka ciyaareyso
Waxbarashada Gobolka, isaga oo balan qaaday inay ku taageri donaan hadii ay
yihiin Maamulka Puntland.

Marti sharaffii kale ee Munaasabada ka hadlay waxa ka mid ahaa masuuliyiin
labada Jaamacadood ka kala socda iyo Suldaan C/salaan iyo akhyaar kale.
Heshiishka Labada Jaamacadood galeen ayaa qodobo ka mid ah waxay dhigayaan.

Progaramka Engineerinka Waxaa heshiis ku galay Jaamacada Bariga africa iyo UTeM
malaysia March 2008da Magaalada Malaka Malaysiya si loo fuliyo ayey UTeM u soo
dirtay Team Sadex Nin ka kooban oo uu Hogaaminayo Kuxigeenka arimaha Akademiga
ee UTeM Maxahed Nooh Jamacaal.
Barnaamijka Engineerring a waxaa uu isugu jiraa labo qaybood 1-Electrical
Engineeringa-Shan takhakhus 2-Mechincal Engineering Shantakhakhus.
Progaramku waa 2 qaybod (1)-Diploma (2)-Degree year Zero wax yaabaha laga baran
Doonona waxa ka mid ah Math Phaysic ,Chemistry, iyo English.
Deploma 2 years , Degree 4 years
Shahaadada Macalimiinta iyo Nidaamka Waxbarashada kuli waxaa bixinaya UTeM
Jaamacada Bariga Africana way marti gelinaysaa.

Jamaacada Bariga Africa ayaa wada dadaal xoogan oo ah horumarinta Waxbarashada.
Waxaa isku soo dubaridey:
Cawaale Jaamac Salad
Faafin: SomaliTalk.com | Sept 1, 2008
|