SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan dagaalo culus oo ka dhacay Muqdisho.

Maalintii shalay ahayd ayaa dagaal aad u qaraar waxa uu ka dhacay dhowr meelood oo ku yaala Magaalada Muqdisho, waxayna dagaaladii ugu cuslaa ay ka dhaceen jidka Warshadaha gaar ahaan Carafaat, Tawfiiq iyo Garoonka K/cagta Muqdisho, sidoo kale waxa uu dagaal isna ka dhacay deegaanada Cali Kamiin iyo Xararyaale, waxaana dagaalkaan la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoo ciidamada Itoobiya mar ay damceen in ay ka hor tagaan kooxahaasi ayaa waxaa lagu soo waramay in la caabiyey oo ilaa iyo 10 askari oo Itoobiyaan ah ay ku geeriyoodeen.

Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay in dagaaladaasi ay ka dhaawacmeen labo ruux, iyadoo sheegay in ay dib ugu celiyeen goobihii ay ka soo duuleen ciidamada Itoobiya, hase yeeshee Ciidamada Itoobiya ayaa madaafiic aan loo meel dayin waxayku dhufteen deegaano uu ku jiro suuqa weyn ee Bakaaraha, waxaana ku dhintay dad ay tiradoodu gaareyso 10 qofood, waxaana ku dhaawacmay ilaa iyo 15 qofood.

Ciidamada Itoobiya ayaa marka uu khasaare ka soo gaaro dagaalada, waxay bartilmaameed ka dhigtaan, hase yeeshee afhayeenka ciidamada Dowladda Federaalka Daahir Dheere ayaa warakaasi waxa uu ku tilmaamay kuwo aan sal iyo raad toona laheyn, isla markaana suuqa Bakaaraha aysan madaafiic la beegsan.

Dagaaladaan waxay kus oo beegmeen xili 5-tii bishan uu hirgalayey heshiiskii xabad-joojinta ee Magaalada Jabuuti ku wada gaareen Isbahaysiga dib u Xoreynta iyo Dowladda Federaalka, ilaa iyo haddana labada dhinac wax war ah kama soo saarin dagaalada ka soo cusboonaaday magaalada Muqdisho, waxaana soo baxaya kooxo si weyn uga soo horjeeda heshiiskii Jabuuti oo uu ugu horeeyo ururka Al-Shabaab

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com.

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 9, 2008

BAARID | SEARCH


"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS