SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Kooxda Manchester City oo codsatey inay ku tijaabiyaan da’yar Soomaaliyeed xaruunta Man City Youth Academy

London 05.10.2008. Waxaa magaalada Manchester lagu qabtey tartan ay ka soo qayb galeen kooxo layliya caruur Soomaaliyeed oo da’doodu u dhaxaysay 11 jir ilaa 9 jirka, kooxahaas oo ka kala yimid magaalooyinka:

· Manchester.
· Bolton.
· London
· Stocholm Sweden.

Tartanka ayaa lagu qabtey Garoon Academy Man City ee Kooxda Manchester City oo ku yaal magaalada Manchester, isla markaana waxaa tartanka soo qaban qaabiyay urur Sports oo ka dhisan Manchester lana yiraahdo Withworth Park Sports Club.

Tartanka oo ay ka soo qayb galeen caruur Soomaaliyeed oo intooda badan ay ku dhasheen wadamada dalalka Yurub ayaa waxaa kormeer ku joogay Academy oo dusha ka calaamadaysanyay ciyaarahaas qubaro ka socotey kooxda Manchester City, si ay uga xushaan ciyaaryahano mustaqbal ku leh kubadda cagta, si ay uga faaidaystaan ama ugu biiriyaan da.yarta mustaqbalka kooxda Manchester City.

Da’yarta Soomaaliyeed ayaa soo bandhigeen ciyaaro aad u qurux badnaa intii ay ku guda jireen tartamada, taas oo soo jiidatey nimankii qubarada ahaa, sida wanaagsan ay kooxaha u wada baratamayaan, ugu dambayntiina waxay codsadeen in 4 ka mid ciyaaryahanadii yaryaraa in loo soo gudbiyo magacyadooda iyo sdii ay walidkood ugala xaajoon lahayn lahaayeen si Academiyada Man City ugu casumi lahaayeen in mar kale ay tijaabiyaan.

Mudane C/qadir Cadaay oo aan kula kulmay garoonka si aan wax uga ogaado da’yarta Soomaaliyeed ee loo qaatey in kooxda Man City Youth Academy, ayaa ii sheegay in qubarada ay u sheegeen inay arkeen ciyaaryahano badan oo mustaqbal leh isla markaana xirfadooduna ay sareyso laakiinse ay hada ay danaynayaan ilaa iyo 4 ciyaaryahan, si mar kale ugu marti qaadaan Academy-da, isla markaana u tijaabiyaan marar kale.



Ciyaaryahanada loo qaatey in Man City waxay noqdeen sidatan:
Mukhar Ali Afgooye oo dagan magaalada London.
Bakri oo dagan magaalada Manchester.
Osman oo dagan magaalada Manchester.
Taha oo dagan magaalada Stockholm Sweden .

Mar aan la kulmay waalidiinta ciyaartooyda, macalimiintooda iyo ciyaartooydaba ayay ii sheegeen sida ay ugu faraxsan yihiin in ay helaan maanta fursadatan mustaqbalka leh, isla markaana ay uga faaidayn doonaan fursadaan qaaliga ah caruurta la codsaday, isla markaana ay uga mahadcelinayaan dadkii soo qaban qaabiyay barnaamijkaan qiimaha leh, gaar ahaan jaaliyada Sportiga Soomaaliyeed ee reer Manchester ( WPSC) iyo Garsoore hore C/qaadir Cadaay.

Mudane C/Qaadir Cadaay ayaa ii sheegay inaysan ka hagran doonin kooxaha Soomaaliyeed ee gacanta ku haya caruurta sidii ay mar walba ugu soo xiri lahaayeen kooxaha xiriirka ama wada shaqaynta ay la leeyihiin sida Manchester City.

Kooxda Man City ayaa waxaa ka mid ah dhalinyaro Soomaaliyeed oo mustaqbal ku leh ciyaarta, kuwaas oo ka tirsan kooxaha heerarka kala duwan ee magaalada Manchester City oo ka mid kooxaha heerka kowaad ee dalka Ingiriiska, isla markaana kooxda ugu maalgalinta badan waqtiga xaadirka kooxaha dalka Ingiriiska, kadib markii aaqirkii bisha Agoosto ay iibsadeen shirkad qani ah oo laga leeyahay dalka Emiraat-ka Carabta.

Garsoore hore C/qadir Cadaay iyo gudoomiyaha kooxda WPSC mudane Fu’aad ayaa ii sheegay in koobkan ay ku dhigi doonaan magaalada Manchester City sanad walbo hadii Eebe Idmo si ay ugu faaideeyaan da’yarta Soomaaliyeed ee ku nool dalka Ingiriiska iyo wadamada galbeedka Yurub.

Hadaba hadii aad taqaan wiil Soomaaliyeed oo mustaqbal ku leh kubadda cagta isla markaana aad danaynaysid in lagu tijaabiyo kooxda Manchester City Youth Academy waxaa xiriir kala samayn kartaa mudane C/qaadir Cadaay oo qibrad u leh arimha noocaas oo kale, madaama 3 ka mid ah wiilashiisa ay ka mid yihiin dhalinyarada lagu barbaariyo Academyida Manchester City, isla mar ahaanta kala taliya kooxda Manchester City arimaha caruurta Soomaaliyeed.

Arinkan ayaa ah mid kor u qaadaya dhiirigalinta iyo soo saarista dhalinyaro Soomaaliyeed oo mustaqbalka u horseedi doono inaa ku aragno garoomada caalamiga. hadii la iska kaashado suurtagalinta barnaamijyadaan oo kale balse loo baahan yahay in waalidiinta Soomaaliyeed inay ubadkooda ku barbaariyaan waxbarashada iyo isboortiga noocyadiisa kala duwan, waxaana la hubaa hadii ay waalidka Soomaaliyeed ee qurba joogta ah ay waqti siiyaan caruurtooda inay noqon doonaa kuwa anfaca naftooda, isla markaana meel fiican ka gaari doonaa bulshada aan la nool nahay.

Waxaana aad muhiim u ah in waalidiinta Soomaaliyeed aysan ku mashquulin waxyaabaha dib u dhigaya barbaarinta ubadkooda isla markaana ay lacagtooda iyo waqtigooda qayb badan galiyaan caruurtooda ayna iska dayaan waxyaabo badan aan ku arkay sida guryo Dubia iyo Kenya laga iibsanaayo iyo guurguuritaan badan oo aan mustaqbal u lahayn caruurtooda iyo iyagaba oo u keenaya dib u dhac lixaad leh hadii ay ahaan lahayd xaga waxbarashada iyo Isboortiga.

Waalidiin badan oo aan la sheekaystey ayaa aaminsan in caruurtoodu aysan waxba ka keeni karin cayaaraha noocyadiisa kala duwan balse ay aad u danaynayaan in ubadkoodu u noqdo taqaatiir iwm ah iyagoo aan ogayn in waxbarashada iyo isboortiga la isku dhinac wadi karo.

Waxbarashada waa muhiim balse caruurta waxa ay xiisaynayaan isla markaana ku wanaagsan yihiin in lagu garab galo ayaa ah wax wanaagsan, sababta aan ugu soo dhax darey inaa waalidka tusaaleeyo waxaa weeye markaan ku arkay tartankii Manchester tirada yare e waalidiinta ee ka soo qayb gashay halka caruur aad u badan ay ka qayb qaadanayeen tartanka, inkastoo ay jirtey waalidiin garab istaagneed caruurta oo la socday, kuwaas oo mudan in aan amaano, madaama ay waqtigooda u soo hureen si ay caruurta Soomaaliyeed u garab istaagan, kuwaas iskugu jirey kuwa ay dhaleen iyo kuwa kalaba.


Xidigii hore kooxda Horseed iyo Xulka qaranka Soomaaliya ciyaaryahan Mohamed Ismaail ayaa ka mid ahaa dadkii dhirigalinayay caruurta ka qayb qaadanaysay tartanka Manchester ayaa ii sheegay in caruurta Soomaaliyeed yihiin Talent balse loo baahan yahay in lagu gacan siiyo sidii ay u gaari lahaayeen heer wanaagsan, run ahaantii xaq ma ahan in wiilal la mid ah dhalinyaradeena inay asbuucii qaatan 10.000 Pound halka kuweena dariiqyada lagu soo daayay, iyagoo heli kara fursadaha ay heleen raga tagay ayuu hadalkiisa ku soo gunanaday mudane Mohamed Ismail.


Wixii ka soo kordha arimaha wiilashaan Soomaaliyeed iyo Man City dib ayaan idin kala soo socod siin doonaa hadii Eebe Idmo.

W/D: Yusuf Yusuf
Sports Editor / SSPA
mrsomalia@hotmail.com
London

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 9, 2008

BAARID | SEARCH


"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS