SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Beesha karanle oo ka mid noqotay beelaha qaadacay Maamulkii Gobolka banadir ku salaysnaa 4.5 ee muranka badan dhaliyey

Iyada oo muran xogani ka tagan yahay Maamul ku salaysan habka 4.5 kaasi oo ay ku dhawaaqeen Gudigii loo xilsaaray in ay Maamul dhamaystiran in ay u sameeyaan Gobolaka Banadir ayaa waxaa isa soo tarayo Beelaha ka biyo diidsan qorshihii ay soo bandhigeen Gudigii arintaa ku howlanaa

Waxaa si isdaba joog ah u soo shaac baxaya qilaafka laga muujinayo iyo saluugitaanka ka imanaya qabaa.ilada qaar waxaana ugu danbeeyey Beesha karanle hawiye oo go.aan ka qaadatay ka dib markii ay kulamo ka yeesheen arintaa .

Hadaba shirar is daba joog ah oo ay odoyaasha Dhaqanka Beesha Karanle Hawiye Maalmihii la soo dhaafay ay ka yeelanayeen arrimaha Maamul u sameynta Gobolka Banadir ayaa waxaa laga soo saaray dood deer iyo falanqeyn ka dib warkaan cad oo Warsaxaafadeed ahaan loogu gudbinayo dhamaan inta ay qusayso iyo Hay.addaha warbaahinta Caalamka .

Beesha karanle

Markii ay aragtay : in lagu xadgudbay qodobka 5 aad ee axdiga KMG,kaas oo si qeexan u qorayo in xeer gaar ah loo sameeyo Magaalada Muqdisho ,sidoo kale ay aragtay in Gudiga la sheegay inuu ku howlan yahay Dhismaha Maamulka Gobolka Banadir uu yahay mid aan waafaqsanayn Shuruurcda Dalka .

Markii ay aragtay : in la dhinac maray tixgalintii ama mudnaanta ay Beelaha Deegaanka Muqdhisho ku leeyihiin Maamul kasta loo dhisayo Magaalada Muqdisho , Beelahaas oo wax tashi ah aan lagala yeelan howlaha haatan socdo :

Markii ay aragtay : in aysan suurta gal ahayn in doorasho laga sameeyo Gobolka Banadir xili ay inta badan shacabka Gobolka ku sugan yihiin xaalada barakac guryahoodiina ay faaruq yihiin

Markii ay weyday :cid uga wakiil ah Gobolka Banadir oo lala soo xiriiray arrimaha dhismaha Maamula Gobolka Banadir si ay talooyinkeeda ugu gudbiso .,

Beeshu waxay ka soo saaratay howlaha Maamul u sameynta Gobolka Banadir warsaxaafadeedkaan .

Beesaha Karanle waxay gabi ahaanba qaadacday Howlaha Maamul u sameynta Gobolka Banadir oo ay kala socoto Idaacadaha Muqdisho sababaha kor ku xusan awgood ,islamarkaana aysan jirin cid wakiil uga ah Gudiga la sheegay inuu dhisayo Maamulaka Gobolka Banadir
Beeshu waxay soo jeedinaysaa in marka hore la sameeyo xeer gaar ah ee lagu dhisayo Maamulka Gobolaka Banadir ,samaynta xeerkaa soo lagala tashanayo beelaha deegaanka oo ay yaqaaniin sida ay u kala mudan yihiin ,iyadoo aan laga tagaynin maqaamka caasimadeed oo ay leedahay magaalada Muqdisho .
Beesha karanle : waxay ugu danbeyntii soo jeedinaysaa in belaha deegaanka ay kulan deg deg ah ka yeeshaan arimaha Muumul u sameynta G/banadir si ay hal mowqiif uga wada qaataan

Wabilaahi towfiiq

Qaraalkaan waxaa saxaafada u aqriyey nabadoon Adan Shekh Nuur ( qooje ) waxaana ku saxiixnaa 13 oday dhaqameeyd oo kala ahaa

Nabadoon C/laahi Ibraahin Dhagay
Nabadoon Xujaale Cabdulle Jiisow
Nabadoon Daahir Cabdi Kulmiye
Cumar Axmed Xasan ( killi )
Nabadoon Max’ed Axmed Yalax
Nabadoon C/laahi Axmed Garabey
Nabadoon C/raxman Cabdulle bariise
Sheekh Cali Yuusuf Sabriye
Nabadoon Muxudiin Roble Camay
Nabadoon Adan Shekh Nuur ( Qooje
Nabadoon Cabdi Macalin Maxmuud
Nabadoon Cabdi Jimcaale Calasow
Nabadoon Maxamed Tuuryare





Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
00252-1-5576666
00252-50-907666

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 9, 2008

BAARID | SEARCH


"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS