SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Xildhibaano KMG ah ee Soomaaliya Oo Maanta Gaaray Baydhabo

Xildhibaanadan oo tiradoodu ay gaarayso 27 mudane ayaa ka degay garoonka diyaaradaha ee magaalada Baydhabo xili amniga magaaladaasi weyn ay u adkeeyeen ciidamada nabad sugida si looga hortago weeraro lala beegsado xildhibaanadaasi.

Mudanayaashaasi oo ka soo ambabaxay magaalada Nairobi ee xarunta wadanka Kenya halkaasi oo ay ku sugnaayeen todobaadii ugu dambeeyay,waxaana halkaasi ay uga qeybgaleen shirkii ay IGAD u qabatey madaxda Dawlada Federaalka KMG ah iyo Xildhibaanada Baarlamanka kaasoo laga soo saaray qodob door ah oo ku aadan aayaha waddanka soomaaliya.

Safarka xildhibaanadaasi oo ay ugu soo baqooleen magaalada Baydhabo ayaa qeyb ka ah qorshayaal la doonayo in lagu dardar geliyo qodobadii ka soo baxay shirkii IGAD waxaana la filayaa inay xildhibaanada ka qeybqaadan doonaan shaqooyin badan oo la doonayo in la qabto bilaha soo socda,kuwaasoo ay kamid tahay in la soo dhiso xukuumad cusub iyo maamulka gobolka banaadir.

Amniga Baydhabo ayaa si weyn loo adkeeyey kagadaal markii laga warhelay in xildhibaanada ay soo degayaan.waxaana aalaaba magaalada baydhabo ka dhici jiray falal amaan daro oo ay kamid yihiin qaraxyo lala beegsado dadka u shaqeeya dowlada.


Maxamed Gaarane Aadan
Somalia
 

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 7, 2008

BAARID | SEARCH


"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS