SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

.Barnaamijkii Radio Xoriyo ka baxay 04 November 2008 waxaa ka kooban yahay:

Dagaallo lagu jabiyay cidammada gumaysiga
Madaxa Xarunta Dhexe ee JWXO oo baaq u jeediyay dadwaynaha
Xubnaha Golaha Dhexe ee gudaha oo la kulmay Qaybaha CWXO
Wararka adeegayaasha gumaysiga
Iyo Barnaamijkii Aragtida Halgamaaga oo aan ku soo qaadanay qormo loogu magic daray “Mawqifka Halgamaaga”.

======================

Dagaallo lagu jabiyay cidammada gumaysiga

Dagaallo dhawr oo toddobadkii hore dhex-maray CWXO iyo kuwa gumaysiga Itoobiya, waxaa ciidammada caga-jiidka ah ee gumaysiga lagaga dilay ugu yaraan 28 askari, waxaa sidoo kale lagaga dhaawacay 41 askari, sidaas waxaa noo soo sheegay wariyaha nooga soo warrama Ogaadeenya. Dagaalladaasi waxay u dheceen sidatan;

31/10/08 dagaal ka dhacay Koro, oo ka tirsan Awaare, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 6 askari, 15 kalana waa lagaga dhaawacay.

29/10/08 San-xaskulle, oo Galaalshe ka tirsan, waxaa weerar gaadmo ah loogu gaystay ciidammo gumaysigu leeyahay, kuwaasoo la gaadhaasiiyay khasaare aan faahfaahintiisa la haynin.

28/10/08 Haloobiyo, oo Baabuli ka tirsan, dagaal ka dhacay waxaa ciidammada maxaysatada ah ee gumaysiga Itoobiya lagaga dilay 22 askari, 26 kalana waa lagaga dhaawacay.

Isla 28/10/08 Warmo-gaalo, oo Baabili ka tirsan, dagaa isaguna ka dhacay waxaa ciidammada gumaysiga loogu gaysta khasaare aan faahfaahintiisa wali la helin.

Sidoo kale 28/10/08 waxaa weerar gaadmo ah ciidammada gumaysiga loogu gaystay meesha lagu magacaabo Bir-dida, oo Galaalshe ka tirsan, waxaana weerarkaas loogu gaystay khasaare aan faahfaahintiisa la haynin.

Dhinaca kale markii ay taariikhdu ahayd 20/10/08 waxaa magaalada Baabili lagu toogtay sargaal ka tirsan ciidammada gumaysiga ee halkaas fadhiya, kaasoo la toogtay, ka dib markii uu mar-diido sameeyay. Waxaa isla ciidammadaas ka baxsaday 5 askari, oo baxsashadooda la xidhiidhinayo sargaalka la toogtay.

Madaxa Xarunta Dhexe ee JWXO oo baaq u jeediyay dadwaynaha

Madaxa Xarunta Dhexe ee JWXO N/hure Cabdi C/llaahi ayaa hadal uu u jeediyay dadwaynaha Ogadeenya wuxuu ku guubaabiyay inay sida ugu habboon uga faa’iidaystaan xilli robaadka hadda lagu jiro, isla markaana ay u jeestaan sidii ay dhulkooda u tabcan lahaayeen, si ay ugu suuragasho inay dhigaal u dhigtaan xilliyada kul-kulul ee ku soo food-leh.

N/h Cabdi C/llahi wuxuu odayaasha iyo waxgaradka shacbiga Ogadeenya ugu baaqay inay ka digtoonaadaan shirqoollada cadowga oo ay ku gacan saydhaan siyaasadaha nacabnimada ah ee ciidammada gumaysigu ku xanbaarayaan inay dadkooda ku fuliyaan, wuxuna uga digay in qof kasta oo ka qayb qaata fulinta siyaasadaha gumaysiga aan la cafiyo donin.

Wuxuu sidoo kale ammaan iyo bogaadin u sjeediyay CWXO ee geesiyiinta ah iyo shacbiga Ogaadeenya oo si geesinimo ah ugu babac-dhigay ololaha naxariis darrada ah ee ciidammada gumaysigu ka fulinayaan gayiga Ogadeenya, isla markaana gumaysiga ku fashiliyay qorshayaashii uu ololahan ka damacsanaa.

Xubnaha Golaha Dhexe ee gudaha oo la kulmay Qaybaha CWXO

Xubnaha Golaha Dhexe ee Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya ee dalka gudihiisa ka hawlgala ayaa kulano kala duwan la yeeshay Qaybaha Hanqadh iyo Danab ee CWXO, waxayna kala hadleen sidii loo dardar galin lahaa halganka lagaga soo horjeedo gumaysiga Itoobiya.

Xubnaha Golaha Dhexe waxay Qaybta Hanqadh la kulmeen intii u dhaxaysay 5 – 11/10/08. Qaybta Danabna waxay la kulmeen intii u dhaxaysay 26 – 31/10/08. Kulnada waxaa lagaga hadlay sidii loo qiimayn lahaa hawlgalladii ay labadan Qaybood deegaannadooda ka fuliyeen dhawrkii bilood ee u denbeeyay, iyo sidii loo horumarin lahaa istiraatiijiyooyinka dagaal ee Qatbahani ay hawlgalladooda u adeegsadaan.

Kulanadan ayaa guul ku soo dhammaaday, isla markaana lagu dajiyay qorshayaal cusub oo kor loogu qaadayo kartida iyo waxqabadka Qaybahan.

Wararka adeegayaasha gumaysiga

Wararka ka imanaya magaalada Wardheer ayaa sheegaya in jimcihii, oo bisha ay Oktober ay 31 ahayd, ay magaalada Wardheer gaadheen qaar ka mid ah damiir laawayaasha madiidinka u ah gumaysiga Itoobiya, kuwaasoo ay ka mid yihiin Daa’uud Amxaar iyo Cabdi Iley.

Labadan damiir laawe ayaa si qasab ah magaalada Wardheer ugu soo ururiyay 150 Oday, waxayna sidii caadada u ahayd si aad ah ugu caga-jugleeyeen Odayaashaas, iyagoo u sheegay inay tallaabo naxariis darro ah ka qaadi donaan haddii ayna fulin qorshayaasha ay wataan ee gumaysigu u soo dhiibay.

Dhinaca Baabili, waxaa markii ay taariikhdu ahayd 15/10/08 isku toogtay tuulada Cabdi Surur, oo ku taalla duleedka Baabili, guddoomiyihii tuuladaas, oo is-dilay, ka dib markii ay ciidammada gumaysigu ku qasbeen inuu kaxaysto malleeshiyo deegaankiisa laga ururiyay oo la soo dagaallamo CWXO. Ninkaas ayaa doortay inuu isagu nafta iska gooyo intii uu sahay u noqon lahaa xabbada CWXO oo inuu xaqdarro ku raadsanayo.

Kulan wayn oo lagu qabtay dalka Swedan

Maalintii jimcaha ahayd ee taariikhdu ku beegnayd 31/10/08 waxaa magaalada Stockholm ee dalka Swedan lagu qabtay shir ballaadhan oo ay soo qabanqaabisay Jaaliyada Ogaadeenya ee dalka Swedan, kaasoo ay ka qayb galeen madax sarsare oo ka tirsan JWXO.

Shirkan waxaa ka qayb galay guddoomiye ku xigeenka kowaad ee JWXO mudane Maxamed Ismaaciil Cumar, guddoomiyaha hoggaanka arrimaha dibada ee JWXO mudane C/raxmaan Sh Mahdi iyo ku xigeenka arrimaha Jaaliyadaha mudane C/llaahi Gamaadiid.

Shirkan waxaa warbixino faahfahsan oo ka xogwaramaya dhibtaada gumaysigu ku hayo dadwaynaha Ogaadeenya ka soo jediyay mudane Maxamed Ismaaciil iyo mudane C/raxmaan Sh Mahdi, waxayna dadwaynaha Ogadeenya ku guubaabiyeen inay kordhiyan waxqabadkooda la xidhiidha halganka.

04 November 2008

Axmed Gaal-Eri

Radioxorio@radioxoriyo.com
Raadioxoriyo@yahoo.com

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 41 MB ee dhererkeedu yahay 7560 KHZ,iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com Maalmahaa Talaadada & Sabtida 5:00PM – 5:30 waqtiga Afrikada Bari 

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 4, 2008

BAARID | SEARCH


"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS