SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Daadad Ku Soo Rogmaday Gudaha Deg.Baardheere Oo Sababay Khasaare Burbur Iyo Barakac Leh

Roobab Mahiigaan ah oo da’ayay inkabadan 6 saacadood,kuwaasoo ku daruursaday Deg.Baardheere iyo dhulka ku teedsan ayaa gaystay khasaare isugu jira burbur iyo barakac kaddib markii daadad xoog leh ay ku soo rogmadeen xaafadaha qaar.



Inkabadan 600 oo qoys oo u badan haween carruur iyo dad maata ah ayaa ka cararay guryahoodii.waxaana saaka degaanadaasi si weyn looga dareemayaa jawi aan deganayn,iyadoo dadku ay la baxsanayaan carruurtooda iskabadaa wax kalee ka gadaal markii si lama filaan ay daadadkaasi u soo rogtay tog weyn oo dhexcmara dhinaca koonfureed ee magaalada.

Mar aan saaka booqday goobahaasi ayaa waxaa ay indhahaygu qabanayeen degaanada kurmaanka iyo masawa oo ay dadku ku howlanayeen inay soo arkaan bal inay jiraan wax uga badbaaday daadadka iyo in kale. Qaar kamid ah dadkii aan halkaasi kulanay ayaa dusha kula cararayay joodariyaal iyo dharka carruur kuwaasoo ay awoodeen inay la baxsadaan.

Waxaa kala go’an magaalada iyadoo xaafada Kurmaanka ay tahay meesha ugu daran oo ay mashaqadaasi samaysay, dhulkan aad u jeedo waxa uu ubuc u yahay inta u dhaxaysa suuqa xoolaha iyo xaafadaasi oo gabi ahaanba ay biyuhu ceegaagaan.



Rumee ama ha rumen dad xalay ku seexday inay u soo waabariistaan shaqooyinkoodii ayaana u soo gudbin magaalada waxaana kamid ah kuwaasi carruurta iskuuleeyda ah oo aan gabi ahaanba iskuuladoodii isaga baaqday.


Qoysas ku soo barakacay abaaro iyo nolol xumo horay uga jiray degaankan ayaa ku xayiran xeryaha kurmaan iyo xero Italia.waxana xaaladooda ay maraysaa meel adag dadkaasi oo u badnaa murag maal iyo tuugsato ayaana soo hawaysan inay biyaha isku soo biimeeyaan xittaa haddii ay gaajo la dhimanayaan.




khasaarahan soo gaarey Deg. Baardheere ayaa noqonaya kii ugu darnaa tan iyo 1990kii xiligaasi oo ay dhacday fatahaad aad u daran. Maamul iyo waxgaradka degmadan Baardheere ayaa ka codsaday hay’addaha samafalka inay kaalmo soo gaarsiiyaan dadka ay waxyeelada soo gaartay

Maxamed Gaarane Aadan
garane68@hotmail.com

Baardheere


Booqoshadii Wariye Najax uu ku tagay Afar gobol oo ka tirsan gobolada wadanka kenya,
gaar ahaan gobolka Rift-Velly ayadoo ay magaalada Eldoretna tahay meel dalxiiska ku wacan.. Akhri... Nov 4

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 4, 2008

BAARID | SEARCH


"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS