SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

  • Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ku soo jeeda Magaalada Marka ee Gobolka Sh/hoose.
  • Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka oo ka dayriyey xaaladda caafimaad ee C/llaahi Yuusuf.
    Xuubsireed
    “Maalmaha soo socda Madaxweynaha wuxuu gaari doonaa Cariga Ingriiska si uu baaritaan caafimaad isugu soo sameeyo
  • Mas’uuliyiin ka tirsan Maxaakiimta Islaamiga ah oo wada qorshe ay Sheekh Shariif ku gaynayaan Gobolada Dhexe.

Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ku soo jeeda Magaalada Marka ee Gobolka Sh/hoose.

War xog-ogaal ah oo aan ka helnay rag ku dhow dhow Sheekh Xasan Daahir Aweys ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in maalmaha soo socda uu magaalada Marka ee Gobolka Sh/hoose ka soo degi doono guddoomiyaha Isbahaysiga Dib u xoreynta garabka Asmara Sheekh Xasan Daahir Aweys, waxaana haatan Magaalada Marka ka socda sidii loogu diyaar garoobi lahaa wafdigaas uu hogaaminayo Sheekh Xasan Daahir.

Sheekh Xasan oo ay diyaar qaas ah ka soo qaadi doonto Magaalada Asmara ee dalka Ereteriya ayaa ka oo degi doona Garoonka Ceel Axmed oo aan sidaasi uga fogeyn Magaalada Marka, hase yeeshee wararka qaar ayaa waxay sheegayaan in Sheekh Xasan uu tagi doono deegaano ka tirsan Gobolada Jubooyinka oo uu kulamo kula qaadan doono Sheekh Xasan Turki oo isagu hofey u sheegay in uu dhexdhexaadin doono mas’uuliyiinta Maxaakiimta Islaamiga ah ee iyagu u kala jabay labada garab.

Dhawaan ayaa waxaa Magaalada Marka tagay madaxa Gaashaandhiga ee Isbahaysiga dib u xoreynta garabka Asmara Sheekh Yuusuf Max’ed Siyaad (Indho-Cadde), waxa uuna meel fagaare ah kula hadlay dadweyne fara badan oo isugu soo baxay, waxa uuna u sheegay in Gobolka Sh/hoose laga dhisi doono maamul Islaami ah kaas oo uu sheegay in ay soo dooran doonaan bulshada ku nool Gobolka Sh/hoose.

Yuusuf Indho-Cadde ayaa haatan u muuqda in uu u googol xaarayo sidii uu Sheekh Xasan Daahir Aweys uga soo degi lahaa Magaalada Marka, iyadoo dhawaan Guddoomiyaha Isbahaysiga garabka Jabuuti Sheekh Shariif uu ka degay Magaalada Jowhar ee Gobolka Sh/dhexe, waxaana Magaalada Jowhar ugu tagay labada guddoomiye ku xigeen ee Maxaakiimta Islaamiga ah Sheekh C/qaadir Cali Cumar iyo C/raxmaan Janaqow, sidoo kale waxaa Magaalada Jowhar gaaray guddigii culimadda ee horey u sheegay in ay dhexdhexaadin doonaan Sheekh Shariif iyo Sheekh Xasan Daahir Aweys.

Marka uu Sheekh Xasan soo gaaro Magaalada Marka, waxaa lagu wadaa in ay halkaasi gaaraan guddigii Culimadda ahaa ee loo saaray in ay dhexdhexaadiyaan labada Garab ee Isbahaysiga, kuwaas oo horey u shaaciyey in ay muddo bil gudahood ay khilaafkaasi ku soo afjari doonaan.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka oo ka dayriyey xaaladda caafimaad ee C/llaahi Yuusuf.
Xuubsireed
“Maalmaha soo socda Madaxweynaha wuxuu gaari doonaa Cariga Ingriiska si uu baaritaan caafimaad isugu soo sameeyo

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ayaa daboolka ka qaaday in waqtigaan xaaladda caafimaad ee Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed aysan wanaagsaneen waxayna sheegeen in uusan gudan Karin wax ay ugu yeereen waajibaadkii qaranka Soomaaliyeed ee loo dhiibay.

Xildhibaan Cabdalla Xaaji Cali ayaa waxa uu sheegay mar uu shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Nairobi in xaaladda caafimaad ee C/llaahi Yuusuf Axmed ay aad u liidato, “Maskixiyan iyo jir ahaanba waa uu liitaa C/llaahi Yuusuf mana gudan karo hawshii qaranka Soomaaliyeed, waxaana ka codsaneynaa C/llaahi in uu baarlamaanka ku soo wargeliyo hadba xaaladdiisa caafimaad halka ay mareyso si ay Xildhibaanadu ula socdaan xaaladdiisa caafimaad” ayuu yiri Xildhibaankaasi oo intaa sii raaciyey “in uu xanuunsan yahay madaxweynaha waxaan ogaanay markii mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda oo ka rabay in uu u saxiixo waraaqo ay ku fulinayeen hawlo qaran dhowr dib loogu soo celiyey” C/llaahi Xaaji Axmed waxa uu intaa ku daray “Waa wax iska caadi ah in marka madaxweynuhu xanuunsado uu soo wargeliyo Baarlamaanka si loola socdo”.

Afhayeenka Madaxweynaha Xuseen Xuub-Sireed ayaa warkaasi ku tilmaamay mid dacaayad ah, isagoo sheegay in xaaladda caafimaad ee Madaxweynaha ay wanaagsan tahay hawlihiisii caadiga ahaana uu si aad ah u wato.

“Maalmaha soo socda ayuu Madaxweynahu gaari doonaa Magaalada London si uu baaritaan caafimaad isugu soo sameeyo, isagoo dib ugu soo laaban doona Magaalada Muqdisho” ayuu yiri Xuseen Xuub-Sireed oo intaa raacay “Xildhibaanadu ma ahan dhakhaatiir ee waa in ay ka fiirsadaan wararka noocaas oo kale ah”.wuxuu kaloo sheegay Mudane Xuubsireed In madaxweynaha uu sannadkii mar tago Mgaalada Lodon uuna la tashi la soo sameeyo Dhaqaatiirtiisa si loo ogaado xaalada Caafimaad halka ay mareyso midaana waxay la mid tahay Baaritaankii caadiga ahaa ee uu madaxweynaha sameyn jirey sannadkii hal mar

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Mas’uuliyiin ka tirsan Maxaakiimta Islaamiga ah oo wada qorshe ay Sheekh Shariif ku gaynayaan Gobolada Dhexe.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo dhawaan soo gaaray Magaalada Jowhar wadana qorshe uu bulshada uga dhaadhicinayo go’aanadii ka soo baxay shirkii Jabuuti ayaa mas’uuliyiin ka tisan Maxaakiimta Islaamiga ah oo dhawaan Sheekh Shariif kula kulmay Magaalada Jowhar ayaa waxay ka codsadeen in Sheekh Shariif uu booqasho ku kala bixiyo gobolada dhexe gaar ahaan Magaalooyinka Baladweyne, Dhuusamareeb iyo Cadaado, waxaana la sheegay in Sheekh Shariif uu aqbalay in uu booqdo gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya.
Sheekh Shariif oo taageerayaal ku leh gobolada dhexe ayaa waxa uu doonayaan in uu goboladdaasi ka soo dhaadhiciyo wixii ka soo baxay shirkii Jabuuti ee ay wada gaareen Dowladda Federaalka iyo Isbahaysiga garabka uu hogaaminayo.

Mar la wareystay Sheekh Shariif waxa uu sheegay in uu diyaar u yahay in la dhameeyo khilaafka u dhexeeya mas’uuliyiinta Isbahaysiga dib u xoreynta, waxaana haatan la waddaa dadaalo la doonayo sidii la isugu soo dhaweyn lahaa Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Sheekh Xasan Daahir Aweys, waxaa kale oo jira culima’udiin iyana dhawaan ku dhawaaqay in ay mudo bil gudaheed ah ay ku soo afjari doonaan khilaafka u dhexeeya Maxaakiimta iyo Isbahaysiga dib u xoreynta.

Sheekh Shariif oo haatan Jowhar kulamo gaar gaar ah kula leh qaybaha kala duwan ee Bulshada ayaa waxa uu sheegay in uu kalsooni buuxda ku qabo in waqtigii loogu talagalay ay ciidamada Itoobiya uga bixi doonaan dhamaan dalka Soomaaliya, inkastoo Sheekh Shariif ay ka hortimid mucaarado haddana Sheekh Shariif waxa uu haystaa raggii sida aadka ah isugu dhawaayeen markii ay ka talinayeen koonfurta Soomaaliya, waxaana ka mid ah Sheekh C/raxmaan Janaqow iyo Sheekh C/qaadir Cali Cumar

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Sheekh Shariif oo wada sidii uu bulshada uga dhaadhicin lahaa qodobadii ka soo baxay shirkii Jabuuti.
Macalin Xaashi “Sheekh Shariif waa uu ka degay Doontii aan wada saarneen, waxa uuna fuulay Doontii sharta” Akhri Nov 3

Militeriga Kenya Oo Ka Baxay Mandheera Kaddib Howlgalo Muran Dhaliyay Iyo Dad Daroogo Ka Ganacsanayay Oo Baardheere Lagu Qabqabtay Akhri.. Nov 3

U baneeya barbaarta!!, Xiinfaniin oo xayuubsatay koobka Coca-Cola ee Johannesburg.

Baaq ka yimi Musharax Saciid Maxamed Raage oo ku wajahan Shacabka reer Puntland iyo Xukuumadiisa....

Jabuuti: Xog-hayaha Warfaafinta Is-bahaysiga Dibu-xoreynta Soomaaliya oo ifiyey arimo badan, Wareysi xasaasi ah oo aanu la yeelaney... Akhri... Nov 2

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 3, 2008

BAARID | SEARCH


"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS