SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Golaha Maxkamadaha Islaamiga ee ku sugan Soomaaliya oo Qaadacay Go'aanadii ka soo baxay Shirkii Jabuuti...

Uj:war saxaafadeed 29/11/2008

Shir ay isugu yimaadeen maamulka gudaha ee GMIS uuna shir guddominayey madaxa maamulka gudaha GMIS Sh.C/qaadir Cali Cumar ayaa waxaa ay uga hadleen go’aanadii ka soo baxay shirkii Jabuti iyo qodobo kale oo xasaasi ah. Hadaba dood dheer iyo falanqayn kadib waxaa leysla gartay qodobada soo socda:

Q 1aad

  • 1. Waxaan beri kanahay in wax lagu darsado qoladii dalka ku soo hogaamisay cadawga soo jireenka ah ee umadda soomaliyeed iyagoon ka towbad keenin falkoodaas iyo cadawgii gumeysiga oo dalka wili heysta. Ciidamo hor lehna soo galinaayo.
  • 2. Waxaan si buuxda u taagersan nahay bayaankii ay soo saareen culimada musaalaxada iyo sixidda camalka ee ku aadanaa hishiiskii Jabuuti,
  • 3. Waxaan sii wadi doonaa jihaadka iyo muqaawamada illaa cadawgu dalka ka baxaayo insha Allah,

Q 2aad

Sidoo kale waxaan canbaareyneynaa kana soo horjeednaa fal kasta oo burcadnimo ah bad iyo beriba sida:

  • Falalka afduubashada maraakiibta oo ay burcad badeedu ka wadaan badaha
  • Xaalufinta kheyraadka badda ee sida sharci darada ah ay maraakiibta ajnabiga ah ka wadaan biyaha soomaliya,
  • waxaa kale oo aan canbaareyneynaa ku shubida sunta iyo qashinka warshadaha badaha soomaliyeed,
  • Waxan ka xunahay falalka dhaca iyo afduubka ka socda dalka meel kasta oo ay noqoto waxana uga digeynaa cid kasta oo geysataba,
  • Waxaan mujahidiinta fareynaa iney il gaar ah u yeeshaan gacan bir ahna ku qabtaan cid kasta oo dhibaateyneysa bulshada soomaaliyeed

UGU DANBEYN

Waxaan ugu baaqeynaa si gaar ah mujaahidiinta iney adkeeyaan midnimadooda kana fogaadaan wax kasta oo wax u dhimi kara camalka wanaagsan oo ay gacanta ku hayaan, sidoo kale waxaan ugu baaqeynaa bulshada soomaliyeed qeybaheda kala duwan iney Allaah u towbad keenan gacmahana is qabsadaan hal meelna uga soo wada jeestaan cadawga nagu soo duulay, ogaadaana in xalka kaliya ee looga bixi karo dhibaatada uu yahay ku dhaqanka shareecada islaamka,

Madaxa Maamulka Gudaha ee GMIS
Sh.C/qaadir Cali Cumar

______________________

Waxaa soo tebiyey:

Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
00252-1-5576666
00252-50-907666

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 30, 2008

BAARID | SEARCH


"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS