SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Ururka SOWJA oo siminaar u qabtay Haween ka tirsan suxufiyiinta Soomaaliyeed.

Sawirada Halkan ka daawo...

Ururka SOWJA oo ah urur ay leeyihiin Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ayaa siminaar soconaya mudo shan maalmood ah ugu qabtay Hotel Saxafi ee Magaalada Muqdisho Haween ka kala socday Suxufiyiinta Soomaaliyeed iyo Bulshada Rayidka, waxaana ka gacan ka gaystay hay’adda National endowment for Democracy.

Siminaarkaas ayaa waxaa ka hadlay agaasimaha guud ee Wasaaradda Dhallinyarda iyio Isboortiga C/risaaq Bahlaawi oo sheegay in siminaarada noocaan oo kale ah ay wax ka tari karaan kor u qaadida aqoonta haweenka soomaaliyeed ee suxufiyiinta ah, isagoo u soo jeediyey ururka SOWJA in ay siminaarda noocaan oo kale ah labalaabaan si ay u soo baxaan haween kale oo suxufiiyiin ah, waxaa kale oo ka hadlay agaasimaha guud ee Hay’adda COGWO Sahra Max’ed Axmed oo iyadu u mahadcelisay intii isku soo dubariday siminaarkaasi, waxay kaloo sheegtay in haweenka Soomaaliyeed ay laf dhabar u yihiin hawlaha wadanka ka jira, waxayna ka codsaday Ururka SOWJA in ay gacan weyn siiyaan haweenka soomaaliyeed, waxaa kale iyana ka hadlay guddoomiyaha ururka SOWJA Qamar Salaad oo iyana sheegtay in siminaarkaan oo hordhac u yahay Siminaaro isdaba joog ah oo ay hay’adu u qaban doonto dhamaan haweenka safaxfiyiinta Soomaaliyeed, iyadoo sheegtay in siminaarkaan ay ka qaybgalayaan haween suxufiyiin ah oo ka kala socda Gobolada Banaadir Sh/hoose iyo Sh/dhexe, waxayna u soo jeedisay ka qaybgalayaasha in ay si wanaagsan uga faa’iideystaan siminaarkaani.

Siminaarkaan waxaa cashiro ka bixinayey Macalin Shariif Cali Shire oo isagu faahfaahin dheeraad ah ka bixiyey Shuruucda looga baahan yahay dadka baranaya Mihnadda Saxaafadda, waxaa kale oo uu sheegay in Saxaafaddu ay tahay mindi labo af leh, oo haddii loo isticmaalo dhinaca nabadda wax toosin karta, haddii dhinaca kale loo isticmaalana wax burburin karta, isagoo sheegay in suxufiyiinta looga baahan yahay in ay mar kasta dhowraan anshaxa saxaafadda.

Waxaa kale oo siminaarkaasi lagu baranayey cashiro la xiriira dhinaca dib u heshiisiinta iyo nabadda, maadaama ay saxaafaddu qayb muhiim ah ku yeelan karto sidii dib u heshiisiin iyo nabad lagu gaari lahaa dalka Soomaaliya.

Siminaarkaan oo loo qabanayo qayb qayb ayaa waxaa la soo gebagabeyn doonaa maalinta axadda ah, iyadoo ay ku xigi doonaan siminaaro kale oo kor loogu qaadayo aqoonta haweenka suxufiyiint ah.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 28, 2008

BAARID | SEARCH


"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS