SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Dhacdooyinka Ka Jira Dalka Somalia

Bismailaahi raxmaani raxiim: dhamaan akhristayaasha webka waxaan xasuusinayaa in mudooyinkan danbe ay dalka Somalia ku badan yihiin in uu dhasho ilmo ay ka maqanyihiin xubnihiisa qaar ama ama ayan ahayn sidii lagu yiqiin macnaha ayan dhamays tirnayn hadaba walaalayaal waxaan halkan idiinku soo gudbinaynaa laba dhacado oo aan indhahayaga ku soo aragnay .

1. Mid waa wiil sadex billood jiray oo kunool degaanka Karingorfood oo ka tirsan degmada Bocame ee gobolka Sool Puntland Somalia.Wiilkan waxaa maqan xubinta tarka, wiilka yar abihiis oo layiraahdo Yusuf Muuse wuxuu noo sheegay in uu ku dhashay sidan uu yahay ayana awoodin in ay shaqtar geeyaan sidaa awgeed ay alle talo saarteen.

Hadaba eega sawirka Wiilka

Wuxuu ka Kaadshaa barta Cas iyo xiniinyaha dhexdooda

2. Dhacda Labaad waa wiil dadiisa noogu sheegay 16 sano wiilkana waxaan si caadiya ahayn labada gacmood
Waxa cunida waa laga caawiyaa, dharxirashada waa laga caawiyaa iyo dhamaan waxayaabaha ay nolashiisu u baahantahay.

Hadaba walaalyaal ilaah waa awooda dhamaystirka xubnahan ee waxaa lagu taba tusayaa aadanaha qalbiga adag oo ka dhega adaygay dhamaan wixii eebe faray ilaa iyo in yar mooyee,

Walaalayaal wiilkan oo lagu Magacaabo Ali Saleebaan Xasan Webi waxa uu kunoolyahay Tulada Dan oo ka tirsan degaanka Bocame, Gobolka Sool, Puntland Soomaliya.

Ali waxa uu ku noolyahay miyi sida aad ogtihiina nolosha miyigu waa mid aad u qalafsan.
Ma haysto waxabarsho iyo adeeg caafimaad toona waa nindhalinyaro aha una baahan inta filkiis u baahan yahay hadaba bal tix geli dhacdadan rabaaniga ah kuna tusaale qado.

sawirka Ali saleebaan

Fadalan Hadii aad go’aansato in aad caawinto wiilashan la soo xiriir ururka maxaliga ah United Somali roots women organization (USRWO) oo ka hawl gala demada Boocame Gobolka Sool, PUNTLANS STATE/SOMALIA
Email: uswrowaris@Yahoo.com
Tell: 797764

ALLAHA INA WAAFAJIYO IN AYNU ISU GARGAARO

MAHADSANIDIIN
WAXAA QORAY
Asli Qodax

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 26, 2008

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS