SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Marxuum Faarax Sendiko oo Lagu Aasay Muqdisho kaddib markii Janaaso lagu tukadey Garoonka Kubbadda Cagta ee Banaadir

Nov 25: Aabihiisa Isboortiga Soomaaliyeed Faarax Weheliye Caddow oo dhawaan ku geeriyoodey Magaalada Qaahira ayaa saaka lagu aasey Meel ku dhow Hotel Kaah ee Degmada yaaqshiid oo ah goob uu horey uga dardaarmey Faarax Sendiko , Intii aan la aasin ayaa waxaa Janaaso lagula tukadey Garoonka Kubbadda Cagta ee Banaadir waxaa ka soo qaybgaley kumanaan dadweyne ah oo u badnaa bahda Isboortiga oo intooda badan Xirnaa Funaanadu lagu soo xardhey Sawirkii Faarax Sendiko iyo Boorar kale oo ka tarjumayey waxqabdkiisii, waxaa kaloo ka soo qaybgaley Duqa Cusub ee Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Cismaan Dhagaxtuur , Culimaudiin uu horkacayey Macalin Nuur Maxamed Siyaad Musuuliyiinta Olmbikada Soomaaliyeed iyo Gudoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubbadda Cagta Saciid Maxamed Nuur Mugambe wuxuuna Aasku ku dhacay sidii loogu talagaley

Faarax Sendiko ayaa mudadii uu isboortiga Masuuliyadeeda hayey waxa uu abuuray xiriiro fara badan iyo ururo isboorti kuwaas oo qayb ka qaatay sare u qaadidda isbooritiga Soomaaliyeed, waxa uuna mar kasta kula dardaarmi jiray raga isboortiga ku dhex jira in ay hantidooda iyo naftooda u huraan isboortiga.

Faarax ayaa intii uu isboortiga ku jiray waxa uu noqday Guddoomiyaha olympikada Soomaaliyeed, guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee K/.cagta, guddoomiye ku xigeenka Xiriirka K/cagta ee Qaaradda Afrika, Guddoomiyaha Xiriirka SECAFA, waxaa kale oo uu noqday Faarax Guddoomiyaha guddiga Garsoorayaasha Qaaradda Afrika, waxaa kale oo uu xubin ka noqday xiriirka k/cagta ee Adduunka ee FIFA

.Faarax intii uu hayey Jagada Xiriirka Kubadda Cagta waxa ay is qoomeen Guddoomiyaha Xiriirka K/cagta adduunka ee Blater kadib markii doorasho ay soo wada galeen Blater iyo Isse Hayatu, waxa uuna Faarax doonayey in u jagada FIFA uu ku guuleysto Ise Hayatu, isna uu qabto guddoomiyaha xiriirka K/cagta ee Qaaradda Afrika (CAF).

Doorashadaas kadib Faarax Sendiko waxa ay isku dhaceen Blater, taasina waxay keentay in mudo toban sano ah cayaaraha laga joojiyo Faarax, hase yeeshee sanadkaan ayaa Faarax Sendiko laga cafiyey ganaaxaasi, waxa uuna damcay in uu dib ugu soo laabto isboortiga, balse waxa uu gacan ka waayey Xiriirka K/cagta Adduunka ee FIFA

Faarax Sendiko waxa uu ku soo barbaaray isboortiga, waxa uuna yaraantiisii ahaa cayaaryahan, kadibna waxa uu noqday garsoore k/cagta waxa uuna gaaray ilaa iyo heer caalmi, waxa uuna ku kasbaday magac iyo maamuus, waxaana halkaan tacsi uga diraya guddiga olombikada Soomaaliyeed, iyo xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta, waxayna Allaah uga baryayaan in uu janaddii fardowsa ka waraabiyo

.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 26, 2008

BAARID | SEARCH


"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS