SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Xildhibaan ka mid ah Baarlamaanka KMG Soomaaliya oo sheegay in uu iska casilay xubin ka ahaanshihii Baarlamaanka KMG Soomaaliya

Xildhibaan Abuukaato Xasan Dhimbil Warsame oo Noqday Xildhibaankii ugu Horeeyey ee iskiis iskugu Casila Gudha Magaalada Muqdisho

Xildhibaan Abuukaato Xasan Dhimbil Warsme oo ka mid ahaa mudanayaasha Baarlamaanka ee Soomaaliya oo shir’jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa sheegay in uu iska casilay xilka Baarlamaanka uu u hayey

Xildhibaanka ayaa sheegay sababta uu isaga casilay ay tahay xaaladii guud ee dalka ya sidatan tahay ayaa aniga marka aan arkay xaalada ay ku sugan yihiin Hay’adaha dowladu guud ahaan marka aan ku qancay in aan wax dan Soomaaliyeed ah uusan qaban Karin Baarlamaanka aan ku jiro mana jirto wax aan ka qabo karo arimaha murugada leh sidaa darteedna aan go’aansaday in aan iska casilo Baarlamaanka aan ku jiro laga bilaabo maanta oo taariiqdu ay tahay 25/11/2008

Xildhibaanka is casilay ayaa ka hor intii uusan iscasilaadiisa saxaafada u soo bandhigay taariikhda dalka iyo siduu ahaan jiray wuxuuna wax ka shegay halgankii dheeraa ee Umadda somaliyeed ay us oo maratay xornimadeeda gobonima doonkii iyo sida lagu dhisay qarankii somaliyeed iyo SYL wixii ka horeeyey .



1943dii ayaa lagu dhawaaqay xisbigii SYL ka dibna 12 bishi octobar 1954tii calankii ayaa la helay laba sano ka dib xukuumad somaliyeed ayaa la dhisay oo uu raiisal wasaare ka ahaa Cabdulaahi Ciise Maxamuud intaa waxaa u dhaxayso mudo 13 sano ah wixii dacad laga yahay waa sidaas oo kale gobonimadoonkii ayaa bilaabeen calankiina waa ku xijiyeen

Xildhibaanka is casilay ayaa sidoo kale sheegay in 26 kii juun iyo 1dii lulyo ay ahaayeen maalmo guleed oo isu dhow loona galay dadaal weyn iyo isu laabxarnaansho oo xumaha isku si loo arkayey waxaana u dhaxaysay 1943dii ilaa 196kii 17 sano oo horey u socod ahaa

Md Xasan dhimbil Warasame ayaa inta aku daray in nimanka intaa howsha la eg qabtay in aanu ku jirin mid dugsi dhexe ka baxay 1960kii ila 1969kii waxaaa u dhaxeeyey 9 sano oo aheyd xukuumadii rayidka aheyd ( waqtigii Musuq maasuqa ) hadaba 1969 ilaa 1991dii waxay eheyd xamuukadii milatariga ( kaligi taliska ) Md dhimbil ayaa isweydiiyey wixii laga dhexlay xukuumadahaasi dalku uu soo maray 18 sano ayaa laga oogaa waxaana joognaa sidii ay ku bilaabatay oo waa eber wax laga dhexlay majiraan wuxuuna tilmaamay in ay tahay sadx qeybood oo jamhuriyadii 1aad 1960-1969kii 2aad 1969ilaa 1991dii iyo 1991dii ila hada waa jamhuuriyadii hogaamiye kooxeedyada 3aad

Xildhibaanka is casilay”waxaan joognaa 18 sano oo burbur .dowlad la.aan ah waana wax la yaab leh 1943dii rag intaas ka yar ay sameeyaan gobonima doon ka dibna ay dowlad sameeyaan in 18 sano weli aan taagan nahay eber burbur iyo colaad marka jamhuuriyada 3 aad maxaa lagu maacabayaa

Md Xasan dhimbil Warasame wuxuu ka mid ahaa 1991dii waxaan ka mid ahaa golihii dhexe ee USC 2000 kun wuxuu xubin ka noqday baarlamaankii carta laga soo sameeyey 2004tii barlamaanki inbgati ayuu ka mid ahaa wuxuuna dowladi Cali Maxamed Geedi ka noqday wasiirka cadaalada



Md Warasame ayaa tibaaxay in barlamaan kasta oo la dhiso shacabku ay ka rajeynayeen mustaqbal wanaagsan iyo nabad kuwada noolaansho guud wuxuuna sheegay in baarlamaanka uu ka tirsanaan jirey ee uu ka hadlayo uu kubilowday markiisii horaba khilaaf ilaa maantana wuxuu ku jiraa khilaafkii ayuu yiri Xildhibaanka is casilay oo saxaafada la hadlayey wuxuuna saldhigiisu ahaa oo muranku ka tagnaa ciidamo shisheeye hala keeno dalka iyo yaan la keenin iyo dowladaha safka hore mala keenayaa mise la keeni mayo

Wuxuu kale oo uu sheegay Xasan in ay jireen dad badan oo uu isagu ku jiray in ay aaminsanaayeen in la joogiyo keenitaanka ciidamada wadamada safka hore keenistoodiine maanta waa laga daremi karaa sida u noqday dalkii iyo dadkiiba waxaana jiray in ka badan 80 xildhibaan oo aan weligood ogolaan ayuu yiri Xasan Dhimbil warsame oo maanta iska casilay xilkiisii baarlamaan oo uu haayey mudo 4 sano ah

Abuukato Xasan Dhimbil ayaa shaaca ka qaaday in uu aad uga xunyahay wixii dhacay waxayna eheyd ayuu sii raaciyey hadii barlamaan la sameystay in umada dhibka laga saaro balse hadii laga sari waayey wixii ay qabanaysay dowladiina uu dad somaliyeed dhib ka so garay waana wax laga xumaado runtii ayuu si carol eh u yiri isaga oo wejigiisa dhididka ka tirayo una muuqday in uu xuuska tagan yahay ka mid ahaanshaha xubnaha barlamaanka Dowlada Fadaraalka KMG somliyeed

Gar ahaan dadka reer Muqdisho dhibatada soo gartay aad iyo aad ayaan uga xumahay ayuu ku celceliyey Abuukato Xasan Dhimbil Warsame

Xaalada maanta halka ay marayso waa ogsoonahay afarsano ayaa ka dhamaatay waxaan arkay xaaldaha ay ku sugan yihii ha.addaha dowlada guud ahaan markii aan arkay ku jiritanka barlamaanka wax dan somliyeed ah

Ma aha markii ugu horeysay ee xildhibaan ka tirasan barlamaanka dowlada fadaralka somoliya uu iskii isaga casilo waxaana ka horeeyey xildhibaan cali baashi waxuuse noqonayaa Xildhibaan abuukato Xasan Dhimbil Warsame xildhibaankii ugu horeeyey ee iscasliadiisa kaga dhawaaqa Gudaha Magaalada Muqdisho


Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
00252-1-5576666
00252-50-907666

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 26, 2008

BAARID | SEARCH


"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS