SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Barnaamijkii Radio Xoriyo
25 November 2008.


Kaligii taliye Meles oo sheegay inuu OLF la xaajoonayo

Soomaliya: Ciidammada Itoobiya oon wali ka bixin goobaha rayadka.

Maraykanka oo Kenya kala shaqaynaya la dagaallanka buhcad badeedka .

Maxaabiis laga keenay Qabridahare oo lagu xidhay Jigjiga & Magaalada Galaalshe oo shacabku gadooday .

Barnaamijkii N/huraha Dhaartay iyo dhacdooyin joogta ah(N/hure Maxamed ).


======================

Soomaliya: Ciidammada Itoobiya oon wali ka bixin goobaha rayadka.

Ciidammada Itoobiya ee isku ballaadhiyay goobaha ay dadka rayadka ahi ku nool yihiin ee magaalada Muqdisho ayaan wali ka bixin goobahaas, iyadoo heshiiskii lagu kala saxiixday magaalada Jabuuti uu dhigayay in ciidammada Itoobiya ka baxaan fadhiisimada ay ka samaysteen meelaha ay dadka shacabka ahi deggan yihiin, laga billaabo 21-kii November oo ku aaddanayd jimcihii tegay.

Ciidammada Itoobiya ayaa wali ku sugan goobohoodii, isla markaana wali dagaallo kula jira xoogagga ka soo horjeeda ee ka dagaallamaya magaalada Muqdisho iyo meelo kale oo Soomaaliya ka mid ah.

Arrintan ayaa muujinaysa in xukuumadda gumaysiga Itoobiya ayna diyaar u ahayn inay ka baxdo dalka Soomaliya, taasoo dgabaynasa cabsi ay kooxo badan oo Soomaali ahi ka muujiyeen heshiiskii Jabuuti ku dhex-maray garab ka tirsan Isbahaysiga Dib U-xoreynta iyo dowlada ku meelgaadhka ah ee Soomaaliya, kuwaasoo tilmaamayay in dowlada ke meelgaadhka ahi ayna awood u lahayn inay Itoobiyanka ku qasabto inay dalka ka baxaan, Itoobiyaankuna ayna diyaar u ahayn inay Soomaaliya ka baxaan.

Guddoomiyaha Isbahaysiga Dib U-xoreynta, garabka Jabuuti Sh Shariif ayaa, isagoo arrinta ka hadlaya, wuxuu sheegay in arrimo farsamo awgood ay ciidammada Itoobiya uga bixi waayeen xeryihii ay shacabka dhexdooda ku lahaayeen, wuxuuna dadwaynaha Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Muqdisho ku dhaqan ugu baqay inay xabbada joojiyaan, si ay ciidammada Itoobiya mee isugu urursadaan, baaqaasoo dad badani ay u arkaan inuu yahay mid aan danta Soomaaliyeed ku dhisnayn.

Maraykanka oo Kenya kala shaqaynaya la dagaallanka buhcad badeedka


Dowlada Maraykanka ayaa isniintii daboolka ka qaaday inay waddanka Kenya ka kaashan doonto sidii loola dagaallami lahaa budhcad badeedka Soomaalida ah ee ka ugaadhsada biyaha ku dha-dhaw xeebaha Soomaaliya.

Taliyaha Ciidammada Maraykanka ee Afrika jannaral William E Ward ayaa raʼiisal wasaaraha Kenya Raila Odinga kala xaajooday budhcad badeedaka ka gaata Badwaynta India, iyadoo raʼiisal wasaaraha Kenyana uu sheegay in budhcad badeedka Soomaalidu ay khatar ku yihiin ammaanka Kenya iyo ganacsiga caalamiga ah labadaba.

Raila Odinga ayaa jannaraalka Maraykanka ah ka codsaday in dowlada Maraykanku ay dalkiisa ka caawiso sidii ay karti millatri ugu yeelan lahayd ilaalinta xeebaheeda iyoxadka ay la wadaagto dalka Soomaaliya. Wuxuu kaloo intaas ku daray in dhibaatada budhcad badeedku ay keentay in caymisyada lagu qaaliyeeyo badeecadaha badda soo mara ee loo wado waddanka Kenya.

Mr Odinga wuxuu kaloo sheegay in dhibaatadani ay sidoo kale Kenya ku keentay culays dhinaca garsoorka ah, iyadoo budhcad badeedka la qaqabto lagu makamadeeyo Kenya, arrintaasoo ayna Kenya hadda ka hor khibrad u lahayn.


Jannaral Ward ayaa sheegay inuu garawsan yahay in dhibaatada budhcad badeedku ay dhaawac u keenayso dalka Kenya, wuxuuna ballanqaaday in Maraykanka iyo Kenya ay wixii hadda ka denbeeya arrintan si fiican uga wada shaqayn doonaan.

Kaligii taliye Meles oo sheegay inuu OLF la xaajoonayo


Kaligii taliye Meles Zenawi ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu wadaxaajood la galo Ururka Oromada ee OLF, isagoon wax shuruud ah ku xidhin wadahadallada.
Odayaal seddex ah oo hadda ka hor la kulmay madaxda Ururka OLF ayaa hadda daboolka ka qaaday inay ballanqaad ka heleen kaligii taliye Meles.

Odayaashan ayaa bishii Janwari ee sannadkan magaalada Amstardam kula kulmay madaxda sarsare ee OLF, oo u ku jiro guddoomyihooda Dawd Ebsa, waxyna kala saxiixdeen qorshe faahfaahsan oo qeexaya qaabka ay wadaxaajoodka u rabaan.

Kaligii taliye Meles Zenawi ayaa marar badan oo kala duwan ku dhawaaqay inuu diyaar u yahay inuu wadaxaajood siyaasadeed la galo ururrada ka soo horjeeda, hase yeeshee marna kama ayna suuragalin inuu ka dhabeeyo hadalkiisa.

Hadda hadalka ka soo yeedhay wuxuu si cad uga horimanayaa hawlgallada Orormada ka dhanka ah ee xukuumaddiisu ka wada magaalada Addis Ababa iyo meelo kale oo ka mid ah gobolka Oromada, oo lagu xidhxidhay dad shacab ah oo boqollaal gaadhaya, kuwaasoo lagu tuhmaya inay gacansaar la leeyihin ururka OLF

Maxaabiis laga keenay Qabridahare oo lagu xidhay Jigjiga & Magaalada Galaalshe oo shacabku gadooday .

Wariyaha RX uga soo warama magaalada Jigjig ayaa soo sheegay in maalintii darraad ahayd jigjiga ay soo gaadheen maxaabiis laga keenay magaalada Qabridahre oo dhannaa 57 maxbuus,dadkan oo an wax dambi ah lagu haynin ayaa qayb ka ah shacabka sida gardarada iyo aabayeel la,aanta la iskaga xidhxidhayo.

Maalintii shalato ahaydna waxa magaalada Jigjiga lagu xidhay laba wiil oo mid la yidhaahdo Axmed Sheekh labadaas wiil oo maktabad ku lahaa agagaarka masjid nuur ee magaladaasi Jigjiga.

Dhankaa iyo magaalada Galaalshana wuxuu muran iyo isku hor imaad ku dhex maray magaaladaas shacabka magaalada iyo ciidan gumaysi iyo dabaqoodhi uu hogaaminayay Cabdidhuub oo ka yimid dhanka magaalada Fiiq,iska hor imaadkan ayaa ka dhashay kadib markuu cabdi dhuub shacabkii ku amray inay shir iskugu yimadaan ayna ka diideen madaama uu horey magaladaas iyo shacabkeeda dhibaatooyin badan ugu gaystay,waxayna sicad ugu sheegeen inaysan shirkaasna imaanaynin dagaal iyo is difaacna ay diyaar u yihiin,intay arintan socotay ayaa waxaa ciidankii dabaqoodhiga ka goostay wiil ay kasoo kaxaysteen magaalada Fiiq,kadibna wuxuu utagay cwxo oo kusugna ameel aan sidaa uga fogayn magaalada una sheegay inay magaalada joogaan ciidan gumaysi iyo mid dabaqoodhi oo uu hogaaminayo Cabdidhuub, shacabkana dhibaatooyin kuhayo,waxaana halkaas isweedh kaga qabtay magaaladii dhanaa cwxo.

Ciidankii gumaysiga iyo dabaqoodhigii uu hogaaminayay Cabdidhuub aya markay ogaadeen inay go,doon kujiraan qaylo dhaan u dirsaday in lasoo gaadho loona keeno Diyaarad Helikopter ah ,hasayeeshee waxaa si cad loogu yidhi cidna idiin iman mayso mana soo noqon kartaan iskada ainaan diyaarad idiin soo diree.


25 November 2008

Halgan Guuleed

Radioxorio@radioxoriyo.com
Raadioxoriyo@yahoo.com

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 41 MB ee dhererkeedu yahay 7560 KHZ,iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com Maalmahaa Talaadada & Sabtida 7:00PM – 7:30 waqtiga Afrikada Bari

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 26, 2008

BAARID | SEARCH


"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS