SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Bursaalax, Puntland: Waxaan ballan qaadayaa in ilmo kasta oo ku nool Puntland uu  lacag la'aan ku helo waxbarashada asaasiga ah 
 
Nofeembar 23, 2008
Musharaxa madaxtinimada Puntland mudane Nuradiin Aadan Diiriye ayaa booqasho aan la sii shaacin wuxuu ku tagay degaanka Bursaalax iyo Riig Oomane oo ka dirsan Gobolka Mudug shalay oo taariikhdu ahayd  23/11/08. Markii uu musharaxu soo gaaray Bursaalax ayaa waxaa halkaas ku diyaar ahaa dadweyne farabadan oo ayagu subaxnimadii hore isu soo baxay isuna diyaariyey soo dhawaynta musharaxa iyo wafdigiisa. Soo dhawaynta oo si weyn loo soo agaasimay ayaa waxaa hor kacayey maamulka degaankaas, waxaana halkaasi hadal soo dhawayn ah ka jeediyey Gudoomiyaha Beesha Nuur Cabdi Cali.

Waxaa sidoo kale munaasabadaas ka hadlay Nabadoon Cabdil Cabdille Boos iyo Nabadoon Cabdi Xasan Qalaad oo musharaxa uga mahadceliyey  booqashadiisa. Musharaxa ayaa asguna dhankiisa ugu mahadnaqay reer Bursaalax sida sharafta leh ee ay asaga iyo wafdigiisa u soo dhaweeyeen 


 
Musharaxu wuxuu ugu horeyn  booqday Dowlada  Hoose ee  Bursaalax waxaana uu halkaas hadal kooban uu uga jeediyey maamulka  mgaalada iyo dadweynaha. , wuxuuna warbixin ka bixiyey  barnaamijkiisa ku aadan badbaadinta Puntland, wuxuuna ka codsaday inay ku taageeraan ololihiisa  isla markaasna loo guntado sidii maanta Puntland looga badbaadin lahaa dhibaatooyinka balaaran ee ka jira.


Intii uu ku sugnaa musharaxu Bursaalax waxaa u suurtagashay in uu booqdo Dugsiga Hoose Dhexe ee Cirro, Bursaalax halkaas ay wax ku bartaan laguna quudiyo in ka badan 800 oo ilmood. Wuxuu kaloo soo indha-indheeyey meesha uu marayo dhismaha dugsiga sare ee Cirro, Bursaalax. Dugsiga sare ee Cirro, Bursaalax ayaa waxaa maalgalinayey Jaaliyadda Qurbaha ee Bursaalax. Musharaxa ayaa sheegay in waxbarashadu ay tahay furaha nolosha isla markaasna marka uu ku  guulaysto hogaanka Puntland uu siin doono waxbarashada asaasiga ah oo  lacag la'aan ah ilmo kasta oo ku nool Puntland.


Musharaxu wuxuu ku booriyey masuuliyiinta gacanta ku hayey howsha dhismaha in la dar dar geliyo howsha wuxuunau sheegay in mashruucaani wax  wayn ku soo kordhin doono mustaqbalka dadka reer Bursaalax iyo ubadkoodaba. Guud ahaan Mudane Nuuradiin oo maalmahan booqasho ku marayey Gobolka Mudug ayaa  wuxuu kala kulmay dadweynaha reer Mudug  soo dhawayn aad u wayn meel kasta uu tago, waxaana si weyn loo dareemayaa inuu ku guulaystay taageerada dadweynaha iyo waliba tan wakiilada Mudug uga soo gala baarlamaanka Puntland.
Siciid Cali Nugaal
Madaxa Xiriirka Bulshada
Ololaha Doorashada Nuradiin Aaden Diiriye
Kala Xiriir Nuradin Dirie online
www.nuradindirie.com

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 25, 2008

BAARID | SEARCH


"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS